Muuse Biixi oo Ka Hadlay Qaddiyadii Urur Siyaasadeedkii QARA N,Ayaan
darrona ku Tilmaamay In Ururo la furo
Muuse Biixi oo Ka Hadlay Qaddiyadii Urur Siyaasadeedkii Qaranka,
ayaan darrona ku Tilmaamay Ururo Siyaasadeedyo la furo
“Ururkaasi (QARAN) marna Sharci muu noqon. Waa sida qoladii shalay
hadlaysay oo kale….Su’aashaasi ma aha Ururada ma la furaa mise lama
furo. Su’aasha taagani waxa weeyi…….?
Hargeysa (TNN) – Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Muj:
Muuse Biixi Cabdi ayaa ganaf ka ku dhuftay
Furashada Ururo Siyaasi ah oo waqtigan Dalka laga sameeyo.
Waxaanu sheegay in taa ka hor loo baahan yahay In Hay’adaha Sharcigu
ansixiyaan, Distoorkana dib loo furo oo loo codeeyo. Guddoomiyuhu
Waxa uu xusay in Urur Siyaasadeedkii Qaran aanay jirin wax sharci ah
oo uu ku dhisnaa Hay’adaha ku shaqada lehna aanu soo marin. Waxa
kale oo uu tilmaamay in Qofkii raba in uu tartamo oo ka qayb galo
Siyaasadu uu xor u yahay Xisbiga uu doono in uu iska soo sharaxo.
Mar uu ka waramayay siyaasada
dibada ee Xukuumada Xisbigiisu Hogaamiyo, waxa uu sheegay in aa nay
marnaba ka joogi doonin Shir Caalami ah oo lagu soo casuumo isla
markaana lagaga hadlayo dana ha Somaliya, hasa ahaatee,
aan wali taasi la gaadhin mar hadaanay jirin Xukuumad rasmi ah oo ka
tali sa Wadankii Soomaaliya. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga
Muxaafadka ah ee Kulmiye, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah
oo uu siiyay wariye Cabdicasiis Maxamed Cali (Maydhax) oo ka
tirs an bahda Wargeyska Foore. Waraysigan oo dhinacyo badan
taabanayaa waxa uu u dhacay sidan:lehna aanu soo marin. Waxa kale oo
uu tilmaamay in Qofkii raba in uu tartamo oo ka qayb galo Siyaasadu
uu xor u yahay Xisbiga uu doono in uu iska soo sharaxo. Mar uu ka
waramayay siyaasada dibada ee Xuku umada Xisbigiisu Hogaamiyo,
waxa uu sheegay in aanay marnaba ka joogi doonin Shir Caalami ah oo
la gu soo casuumo isla markaana lagaga hadlayo danaha Somaliya, hasa
ahaatee, aan wali taasi la gaad hin mar hadaanay jirin
Xukuumad rasmi ah oo ka talisa Wadankii Soomaaliya. Muuse Biixi
Cabdi, Guddo omiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye, waxa uu
sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wariye Cabdicasiis
Maxamed Cali (Maydhax) oo ka tirsan Telefishanka Qaranka Somaliland.
Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaa waxa uu u dhacay sidan:
S: Ugu Horayn, Guddoomiye, Nooga Waran Guulaha La Taaban Karo Ee
Xisbigiinu Ku Tallaabsaday Tan Iyo Intii Uu Ku Guulaystay Talada
Dalka?
J: Horta sideedaba bani aadamku waagii baryeyba horumar ayuu
sameeyaa Ummaduna markhaati ayey ka tahay waxaanu qabanay muddadadaa
sideeda bilooda ee aanu talada haynay, ee dhaqaale leh, nabadgalyo
leh, waa taa loo jeediyey dhinicii horumrka waa taa shaqaalihii
dawlada oo 20-kii sano ee ugu dambeeyey aan lahayn tiro koob kuwii
aan aqoon lahayn waxbaa la baray dadkii shaqada doonayey waxa la
yidhi soo mara Hay’ada shaqaalaha oo qofku aqoontiisa iyo kartidiisa
qaranka ha ugu shaqeeyo oo si aan waafaqsanayn sharciyada shaqaalaha
qaranka qofku aanu u shaqayn karin. Qofka shaqeeyaa xuquuq ha yeesho,
waxa la qaaday, waad ogtihiin wasaarada Caafimaadku Gobolada iyo
Degmooyinka Dalka waxay habaysay shaqaalihii Caafimaadka. Oo loo
doonay dhaqaale lagu hawlgaliyo iyo hawshoodu sidii hore si ka
wanaagsan loo dardar galiyo. waxaad ogtihiin miisaaniyadii qaranku
in ay 70% korodhay, in qofkasta oo dawlada u shaqeeyaa loo
labanlaabay mushaharkii. Waxaynu ognahay sida caalamku ugu soo
joogsaday Somaliland, sidii wanaagsanayd ee doorashadu u dhacday,
sidii laysugu wareejiey taladii dalka cidii laga guulaystay iyo
cidii guulaysatayba. Waxaynu ognahay sidii loo xalliyey dhibaatadii
bariga oo si miyir qabta ahayd oo mararka qaarkii dadku u qaataan si
jilicsan, waayo markaad nabada doonayso ee aad istidhaa si
waayeelnimo wax ku xali ninka aan caqliga lahayn wuxuu moodayaa
inaad jilicsantahay. Si miyir qaba oo walaalnimo oo nabad doon ah
ayaa lagu galay oo ku socotay oo aan jecelahay inay sidaa ku
dhamaato, ilaahayna haynaga qaboojiyee,waxay ila tahay in waxyaabaha
aanu qabanay in dadku aamineen dawlada. ma lihi 100% waxbaanu
qabanay, waa bilaw, talaabooyin waawayna waanu qaadnay mudadaa
gaaban oo waxa ka mid ah biriijka labaad ee Hargeysa. hawl yar maaha.
S: Mudane Guddoomiye,Waxaad Ku Celcelisay Dhismaha Biriijka Labaad.
Miyaan La Odhan Karin Xukuumadii Hore Ayaa Badi Dhistay Ee Idinku
Kaabadii Sadexaad Ayaad Ku Darteen?
J: xukuumadii hore wixii ay dhistay waanu ku amaanaynaa. Kaabadaa
sadexaad ee aanu dhisnay ayaaba sed ah, sided bilood hadaanu kaabad
ku dhamays tirnay kuwa kale waanu bilaabi doonaa. Kumaanaan odhan
anagaa bilawnay oo dhamaynay ee waxay ka mid tahay guulaha
Somaliland ee xukumadii hore bilawday anaguna aanu muddo gaaban ku
dhamaynay ee aan nala jiitamin.
S: Dhinaca Siyaasadda Arimaha Dibada Maxaad Talaabo Ka Qaadeen?
J: Taa waxaan filayaa inaad markhaati ka tihiin Somaliland
maqaamkeedu halkuu joogay sided bilood ka hor iyo maanta halkuu
joogo. In uu aad uga sareeyo ayeynu wada arkaynaa.waxaynu arkaynaa
wasiiradii halkan inoogu yimi heer dawladeed ayey ahaayeen waxay ila
tahay in dawladani si fiican u iib gaynayso qadiyadda Somaliland.
S: Waxa Jirtay In Wakhtigii Xukumadii Hore Aad Ku Dhaliili Jirteen
Inaan Somaliland Gor Gortan Iyo Wada Hadal La Galin Soomaliya,
Meelna Aanay Wada Fadhiisan. Waxa Nagu Maqaalo Ah In Wasiirka
Arrimaha Dibada Somaliland Shir Kala Qayb Galay Wasiirka Arimaha
Dibada Soomaliya, Arimahaasi Miyaanay Ahayn Wixii Aad Ku Dhaliili
Jirteen Xukumadii Hore?
J: Markaanu mucaaridka ahayn iyo imika iyo hadhawba waanu ka soo
horjeednaa wax Alla wixii Somaliland qiimaheeda dhex gaynaya
Soomaliya. taasi waa biyo kama dhibcaan. Soomaaliya waxaynu
gorgortan la gali karnaa inagoo laba dal oo isku mid ah. Iyaguna waa
Soomaaliyadii Talyaaniga inaguna Somaliland ayaynu nahay. Wax ka
hooseeya iskuma hor fadhiisan karno. Wasiirka Arimaha Dibaduna waxa
uu ka qayb galay Shir Caalami ah, wasiirka dibada Soomaaliyana
shirkaasi ayuunbuu ka qayb galay. Shirkaasi Dawlada Ingiriiska ayaa
Hogaaminaysay. Shirarka Caalamiga ahna uga baaqsan mayno Soomaliya
ayaa ka qayb gashay. Waa in aynu u tagnaa oo waliba xaqeena ka
goosanaa. Maxaynu shir caalami ah uga qayb galayna la odhan maayo.
Arintaasina Dad badan ayay buuq ku abuurtay oo is af garan waa badan
ayaa ka dhashay. Laakiin, Xaqiiqadu waxay tahay inaga oo Laba
Dawladood ah ayaa la inagu casuumay oo ka qayb galnay.
S: Miyaanay Haboonayn In Somaliland Ka Baxdo Xayndaabka Ah
Soomaaliya Lala Hadli Maayo Oo Xukumadani Hor Fadhiisato Oo
Aqoonsiga Somaliland Halkaasi Ka Dhaw Yahay?
J: Adeer inan yar ayaad tahay, wax badan ayaa kaa khaldane ilaa
Maalintii Somaliland lagu dhawaaqay hal mawqif ayaynu leenahay.
Soomaliya waxaynu wada hadli karnaa Anaga oo laba Dawladood ah.
Xayndaabka aad leedahay Jabi ma Gal, Ma Mudug ayaynu la hadalnaa, ma
Puntaland ayaynu la hadalnaa, Ma Shariifka iyo Inta Xamar ku oodan
ayaynu la hadalnaa ma Xasan Daahir Aways ayaynu la hadalnaa, ma Al
Shabaab ayaynu la hadalnaa. Ma waxaynu la hadalnaa Ninka leh
Somaliland ayaan Xukumaa, ee labada gidaar ee Xamar ku xayndaaban,
ee waliba ay dulmi tahay in UN-ta iyo IGAD ba ka dhagaystaan. inaga
Hawsheenu waxa weeyi in aynu IGAD iyo UN-taba u sheeegno in aynu
nahay Qaran Madax bannaan oo ka Xuquuq badan Soomaaliya. Iyaguna
aaminaan in aanay Somaliland xukumin. Iyaguna ay ka aqbalaan in
aanay Soomaali matalin ee qolo qolo u kala jabeen, markaa yaan
xayndaabkaad sheegayso u jabiyaa xageed igu wadaa adaan ku waydiiyee.
S: Warbaahinta Qaarkeed Waxa Ay Qortay In Madaxwaynaha Somaliland Ka
Qayb Galayo Shir Lagu Qabanayo Maraykanka Oo Ay Ka Soo Qayb Galayaan
Shariif Iyo Faroole, Arinkaasi Maxaa Ka Jira?
J: Waa ii maqalkaagaa. U malayn maayo, in Siilaanyo dhex
fadhiisanayo labadaasi.
S: Siyaasiyiin Badan Oo Ka Mid Ah Xisbiga Kulmiye, Waxa Ay Soo
Jeedinayaan In La Furo Ururo, Xisbiyada Qaarkoodna Way Ka Soo Hor
Jeedaan Arrintaasi Sideed U Aragtaa?
J: Anagu Barnaamijkayagii ayaanu ku qornay in qof waliba itaalkii
cararo oo Dimuqraadiyadu balaadhato. Horena waanu u sheegnay hadana
waanu leenahay. Su’aashaasi ma aha Ururada ma la furaa mise lama
furo. Su’aasha taagani waxa weeyi sidee loo furaa, illayn maanta
odhan mayno waa la furee yaaca ee sharciyad ayay u baahan tahay,
ammaan (security) ayay u baahan tahay, maamul (Admistration) ayay u
baahan tahay.. Su’aashu waxa weeyi ma inoo diyaar yahay Weelkii
Ururo lagu furan lahaa. Gobolada iyo Degmooyinku ma kala xadaysna.
Waa Sideetan Degmo iyo 13 Gobol, intooda badan Golayaasha sharcigu
ma ansixin. Mana kala xadaysna. Waxaynu u baahanay Administration
sharcigeena Doorashooyinka ah ilayn Ururada Doorasho ayaa la
furanayaaye. Laba Xildhibaan oo aanu midi Cod ku soo bixin ka kalena
Shan Kun
oo cod ku soo baxay ayaa cod wada bixinaya, miyaanay Cadaalad darro
ahayn. Gobolo dhan Sool iyo Sannaag bari ayaynaan gacanta ku hayn
Maamul ahaan, siday ku soo baxayaan Maxaa laga yeelayaa. Xisbiyo
Sideed Sanno dhisnaa oo Deegaanka iyo Baarlamaankaba Xildhibaano ku
leh, ma xaqbaa in la yidhaa waxba ma tihidine Ururo la tartama.
Waxay u baahan tahay Gogol xaadh sharci ah, waxay u baahan tay
Security iyo Administration. Su’aashu waxa weeyi kuwaasi ma inoo
bisil yihiin. Ma aha in aynu fawdo galno inaga oo is leh wax
hagaajiya. Lama diidana, in Ururo la furto. Laakiin, waxa loo baahan
yahay Sharciyadii iyo sidii loo kala hagi lahaa.
S: Urur Siyaasadeedkii Qaran, Xisbiga Kulmiye wuu difaacay Adna aad
ka mid ahayd oo sheegayay in ay Xaq ku taagan yihiin, Xisbigiinana
way ku soo biireen iyaga oo sheegay in ay yihiin Xisbiga Kaliya ee
xadhigoodii Sharci darro ku tilmaamay, Maanta miyaanay Siyaasiyiin
sidoodii Xisbiyo samaysan karaa soo bixi Karin.?
J: Nin kasta oo raba in uu fikirkiisa cabiro ama siyaasad ka qayb
galo waa soo dhawaynaynaa. Shalay Ragbaa hadlayay oo lahaa ha la
furo Ururada, laakiin, sharciyadaanu isku haynaa. Markaynu sharciyad
iyo Liisan u helno waa Xisbi. Laakiin, in aad imika tidhaa Urur baan
furanayaa oo aad I dhaliisho Maxay noqonaysaa. Shalayna waxaanu
lahayn waar Nimanku haday Fikirkoodii cabireen Maxaa loo xidhayaa la
dooda. Taasi Maantaba waan leeyahay mana ogoli in Siyaasi fikirkiisa
cabiraya la xidho. Waanan difaacayaa.
S: hadii imika la yidhaa Urur baan furanayaa, Xisbiyadana waan
barbar wadayaa, Maxaa laga yeelayaa?
J: Masuulka Xilka waxa loogu dhiibtay in uu Dadka kala wado, Ninka
doonaya in uu Urur furtaa Sharciyada ha u soo maro. Xeer No. 14 ayuu
ahaa, waana la baabiiyay. Markaa Xisbi baan furanayaa ma aha Liisan
Tukaan oo Dawlada Hoose laga soo qaadanayo. Su’aashu waxay tahay
xisbiyo kale ma u baahanahay waa in ay ku noqotaa golayaasha sharci
dajinta waa in aynu distoorkii badalnaa oo dib cod loo qaado.waynu
koraynaa maalinba inbaa la korinayaa kala saar sharciyada iyo qof
fikirkii. waxaanan ogolahay nin wal oo doodaya inaanu fawdo ina
galin. ma diidanin dhaliil, ma diidanin ninka tartamaya. Tartankana
hadii imika la hayo sharcigiisii waanu soo dhawayn lahayn.
S: Urur Siyaasadeedkii Qaran Samayntiisu Ma Sharci Bay Ahayd Mise
Sharci Darro?
J: ururkaasi marna Sharci muu noqon. Mana soo marin Hay’adihii
Sharciga ahaa. Waa sida qoladii Shalay hadlaysay oo kale ee UDHIS
baa ka mid ah. Qofku wuu isku abaabuli karaa Urur wuu noqon karaa.
Laakiin, ilaa uu sharciyad helo Urur Siyaasadeed Doorasho ka qayb
gala ma noqon karo, ilaa uu sharciyada iyo xuquuqda soo maro.
S: Qaran Markay Idinku Soo Biirayeen, Waxay Tilmaameen In Kulmiye
Yahay Ka Kaliya Ee Difaacay Sharciyadoodana Ogol, Maantana Waxaad
Leedahay Sharci Muu Ahayn?
J: May odhan, adigu sidaad doonayso ha u dhigin. Waxay yidhaahdeen
Xuquuqdayada iyo fikirkayaga Xisbiga kaliya ee difaacayaa waa
Kulmiye. Maantana waan ogol nahay. Dawladana way ka mid yihiin.
Haday Urur Furanayaan Sharciyada ha u soo maraan.
S: Mujaahid Ibraahim Dhego-Wayne Waxa Uu Sheegay In Loo Baahan Yahay
Ururada Mar Hadii Xisbiyadani Jira Hogaankooduna Beel Isku Mid Ah
Yahay, Bal Arrintaa Ka Warran?
J: Bal Ii Macnee Maba Garanayo Waxaad Sheegayso. Yaa Ka Guddoomiye
Ah Seddexda Xisbi. UDUB Yaa Ka Guddomiye Ah.
S:: Ibraahim Waa Sida Uu Hadalka U Dhigay?
J: Aniga, adiga ayaa sidaa iigu dhigay maba maqlin Ibraahim.
S: Guddoomiyaha Ololaha Galbeedka Ee Xisbigaagu Waxa Uu Sheegay In
Loo Baahan Yahay In Ururo La Furto Madaxwaynahana Taasi Laga
Sugayay.Adigu Ka Hor Inta Ayna Heerkaa Gaadhin Ma Ka Wada Hadasheen
In Ay Macquul Tahay Iyo In Kale?
J: imika cid kulmiye ah oo arintaa wada iima aad sheegin. Baashe
Cabdi Gabboobe, waxa uu ka mid ahaa Ururkii aanu is kaashanay ee
Qaran, wax laga wada hadlayna Anigu garan maayo. Ninka Kulmiye ah ee
Xisbiga ka mid ah Anigu waan ogolahay in uu Xisbiga ka dhex tartamo.
Ninka kale ee doonaya in uu Meel kale ka tartamana xaq buu u
leeyahay oo waa Muwaadin waanan soo dhawaynaynaa. Ninka Kale ee
Kulmiye ah ee Kulmiye ka biyo diida, isna Xaq buu u leeyahay.
Wuxuunbaa Muhiim ah in aynu ilaalino ciyaartaa Kubadda ee aynu wada
ciyaarayno Sharcigeeda. cid diidi karaysaa ma jirto. Waayo waxaynu
nahay Dad Dimuqraadi ah oo tartan ku soo baxay. Waxa weeyi Sharcigaa
Kubada ee ina kala hagaya si wanaagsan aynu u wada ilaalino. Nina
looma diidi karo Xisbiga gudihiisa iyo Xisbi kaleba, Qofku waa xor.
Waayo sharcigeena ayaa sidaasi ah. Laakiin, waa in ayna taasi fawdo
ina gelin oo sharciga aynaan gacanta ku qaadan. Imika ii suurtoobi
mayso hadaan idhaa halkan Xisbiga waxaan doonaan ku samaynayaa.
Sharcibaanu leenahay ma dhaafi karo. Markaa Nin waliba waa in uu
sidaasi ogolaadaa.
Source:
Togaherer
|