Muwaadin ka qayb qaado dhismaha Jidka isku xidha Hargeysa ilaa iyo Xeebta Waqooyi [www.Dawgacad.com]

 

Bulshadu hadii ay kheyrka isu kaashadaan wax badan bay ka qaban karaan arrimaha kobcinta dhaqaala ha iyo horumarka arrimaha ijtimaaciga ah sidasamaynta Waddooyinka, Ceelasha, Caafimaadaka, Waxb arashada, naba dgaliyada iyo wixii kale ee soo raaca.


Sida aan la socono habsami u socodka nolosha aadamuhu waxay ka bilaabataa jiritaanka arimaha aan xagga sare ku soo sheegnay,waxaana fulinta arimahaasi laga rabaa inay qabato Xukuumadda ka jirta dalkaasi maadaama uu waajibaad ka saaran yahaya daryeelka bulshada iyo fulinta adeegyada aas aas iga ah ee aan xagga hore ku soo sheegnay.

Laakiin taa macneheedu maaha haddii la waayo Xukuumad awoodleh oo ku guuleysata inay sidii la raba y u fuliso adeegga hawlaha furaha u ah habsami u socodka nolosha bulshada waa in bulshada dhexdee da laga helaa dad isu taiga qabashada hawlaha ay Dawladdu ka gaabisay inay u qabato bulshadeeda.

Hadaba dhulka ay sida weyn u saamaysay baahida ay bulshadu u qabto fulinta adeegyada aan kaga so o hadalay xagga hore waxaa kamida deegaanada dhinaca waqooyi ee gobalka Maroodijeex gaar ahaan dhulka buuraleyda ah oo ay ku noolyihiin shacan badani.waxaana kamida waxyaabaha ay dadkaasi sida weyn ugu baahanyihiin inay helaan Waddooyinkii isku xidhi lahaa magaalada Hargeysa ilaa iyo dhul –xe ebeedka Waqooyi.


Waxaanay arintaasi damaqday oo ka dhiidhiyey waxgarad ka soo jeeda bulshada qaybaheeda kala duw an gaar ahaan sida Ganacsatada,Culimadad,Haweenka,Dhalinyarada iyo aqoonyahanka u dhashay deeg aanada waqooyiga Hargeysa waxaanay dadkaasi waxqabadakooda ka bilaameen inay sameeyaan jidkii buuraleyda ahaa ee isku xidhijiray Hargeysa iyo Xeebta waqooyi,arimahaasina waxay hadda marayaan meel aad u fiican,waxaana hirgelinta arimahaasi si gaara isaga xilsaaray Ganacsade Cabdulqaadir Xaas hi Cilmi,Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey [adan siiro] iyo shakhsiyaad kale oo farabadan oo kamida dadka jecel samafalka iyo horumarka umadda.


Ilaa haddana waxaa sosocta uruurinta dhaqaalihii lagu fulin lahaa samaynta waddadaasi oo dheerarke edu dhanyahay ilaa 30 km laga bilaabo Hargeysa ilaa iyo Xeebta waqooyi,sidaa darteed muwaadiniinta u dhalatay dalka Somaliland iyo cidii kale ee Ilaahay wax siiyey ee jecel inay xoolahooda ku bixiyaan me el ku haboon waxaa looga hahanyahay inay ku soo biiraan inay ka qaybqaataan barnaamijkaasi kheyri ga ah isla markaana ay ku soo tabarucaan inay wax kabixiyaan wixii Ilaahay siieyey.

Hadaba qofkii jecl in uu ka soo qaybqaato hawlaha barnaamijkaasi waxaa loo balan qaadayaa in wixii ay bixiyaan loogu qaban doono fulinta adeegga hawlaha iyaga ah isla markaana aanay xoolohoodu gacant a u galidoonin cid aan masuul ahayn,markale dadka Ilaahay wax siiyey waxaa lagu dhiiri gelinayaa inay jeebkooda wax ka bixyaan si wax loogu qabto bulshada u baahan samaynta jidkaasi oo baahi aad u bad ani ka taagan tahay sababtoo ah waxaamara gaadiidka isaga kala goosha Hargeysa iyo Jabuuti waxaa nu jidkaasi maraa buuraha dhaadheer ee loo yaqaano Dawgacad oo ah meel aad u khatar badan.

Wixii faah faahin ah ee aad uga baahantahay sida ay u socdaan fulinta hawlahaasi iyo cidda gacanta ku haysaba waxaad kala soo xidhiidhi karaysaan wixii macluumaad ah.



WWW.DAWGACAD.COM


Wixii Tabaruc ah waxa aad ku diri karaa:


1- Acount Numberka Dahabshiil Dahabshiil (Account No: HRGD20860)
2- Qaran Online (Account No: 2194)