Suldaan Maxamed Sul. C/qaadir Oo Sheegay In Sheekh Maxamuud Raage Heshiiskii Ceelbardaale Xilligii La Gaadhay Uu Cadeeyey In Nabada Ay Diidanaayeen Taliye Nuux Taani Iyo Abiib Timacad

 

 



"Sheekh Maxamuud waa in la waraysto xogo badan buu hayaaye, anaguba berigii aanu Hargeysa soo weerarnay soo nalooma aanayn" Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir


Hargeysa, December 8, 2011 (TNN) - Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suld aan C/qaadir ayaa sheegay in Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Raage oo ka mid ah odayaasha loo xidhxidhay dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal uu sheegay xilligii heshiiska ay ka wada gaadhe en odayaasha deegaanka Dilla xurguftii Ceelbardaale in taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo la taliyaha Madaxweynaha Abiib Diiriye Nuur (Timocad) ay diidanaayeen nabada uu qaat ay beeshiisana ay ku kiciyeen, kuna baaqay in Sheekha xogwaraysi lagala yeesh, isagoo intaa ku daray in Madaxweynuhu aanu ka daalin go'aanka iyo mawqifka uu ka istaagay dilka foosha xun ee ka dhacay deegaanka Seemaal.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sidoo kale ku baaqay in ciddii falal amaan daro kula kac da xasiloonida dalka laysku bahaysto siddii looga hortagi lahaa, waxaanu xusay inay raadsan do onaan cidii gooni isku taaga Madaxbanaanida Somaliland ka hortimaada.

Suldaan Maxamed waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay wargeyska Haatuf kula yeeshay Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale Madaxdhaqameedyada iyo bulshada gobolka Awdal u cadeeyay in mawqif isku mid ah ay kala taagan yihiin dilkaa foosha xun ee ku dhacay saddexda qof ee ka soo jeeda Dilla.

Suldaanku isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "Horta waxaan tacsi u dirayaa ehelkii ay ka geeriyoodeen saddexdii qof ee dilka foosha xumi ku dhacay, madaxdhaqameedyada iyo oday aasha reer Awdalna waxaanu leenahay idin kala mid baanu nahay dilkaa foosha xun, idin kala maw qifna waanu nahay, Madaxweynahana waxaan ku bogaadinayaa go'aankii geesinimada lahaa iyo mawqifkii uu ka istaagay arrinkaasi, waxanan kula talinayaa inuu arrinkaasi ka gun gaadho, oo aanu ka gaabsanin ciddii faldambiyeedkaa gaysatayna meel kasta uu kaga daba galo oo aanu u dirin Guurti iyo Salaadiin toona, balse uu nidaam dawladeed wax kaga qabto, waxaanan qabaa in cida falkaasi geysatay ay ku raad leedahay ciddii falkii hore ee jidgoynta gaysatay.

Sheekh Maxamuud Sheesh Muxumed Raage waxaa si xaqiiq ah looga hayaa in xilligii heshiiska naba daynta laga gaadhay arrintii deegaanka Ceelbardaale uu yidhi anigu nabada waan qaataye laakiin waxa jira rag beeshayda kasoo jeeda oo diidan nabada, oo reerkiina igu kiciyay oo uu ku sheegay inay ka mid ahaayeen Taliyaha Ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo Abiib Diiriye Nuur, sidaa darteed waxaan ku baaqayaa in Sheekha laga xogwaraysto siraha badan ee uu hayo"

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray "Anagu berigii aanu baxnay soo weerarkii aanu ku soo qaadnay Hargeysa nalooma aanayn, ciddi falal amaan da ro ku kacda waa in laysku kaashado, anagu ciddii faldambiyeed u gaysata amaanka qaranka wax aanu balan ku qaadaynaa in aanu raadsan doono, beelihii kale ee Somaliland maxay qabanayaan ciddii falkan gaysatay waa la ogyahay in la qariyana maaha".

 

Source:Haatuf