Nabada iyo Soomaalida
 


Marka la soo hadal qaado erayga Nabad, qofkastaba waxaa ku soo dhacda qiimaha ay nabadu u leedahay nolosha Aadamaha.

Run ahaantii nabadu waxay ka mid tahay wakhyaabaha ugu qaalisan nolosha  Aada ma. Mina-aadamku waxkastoo wanaagsan oo uu haystaba hadii ay ka maqantay  na badi wax qiimo ah uma yeelanayso.

Hadaba marka aynu usoo noqono dulucda maqaalkeenan. Waxay su'aashu tahay  xi dhiidh noocee ah ayaa ka dhexeeya Soomaalida iyo Nabad?.

Nabadu qiimo aad u weynbay ku leedahay nolosha iyo hab-dhaqanka bulshada  Soo maaliyeed. Suugaanta Soomaaliduna in badan ayay ka tidhi qiimaha ay nabad leedahay.

Marka dib loo raaco taariikhda bulshada Soomaaliyeed waxaad ogaanayaa inay  aha yd bulsho colaad u joog ah oo had iyo jeer ay Soomaalidu ahaayeen kuwo  dhexdo oda dagaalami jiray. Dagaalkaasi oo ku salaysnaa habka qabaa'ilka. Waxaanay inta badan dagaalada Soomaalidu ka bilaabmi jireen sida in ay geel kala qaadaan amaba ceelasha biyaha oo ay isku laayaan.

Sikastaba ha ahaatee hadana Soomaalidu waxay lahayd dhaqan aad u qiimo badan oo ay ku xaliyaan dhibaatooyinka soo foodsaara sida tan colaada oo kale.

Iyadoo hadii meesha dhiig yimaado laga heshiin jiray oo mag la kala qaadan jiray.

Heshiisyadaa qaarbaa lays waydaarsan jiray gabdho oo la siin jiray reerka wax laga dilay iyadoo gabadhaas loogu yeedhi jiray Godobreeb. Waxaanay taas micnaheedu ka dhignaa in beeshu ilowdo wixii dhibaato ah ee lasoo maray, xidhiidh wanaagsan oo labada beelood ka dhexeeyaana uu meesha ka bilaabmo.

Dhanka kale waxaad moodaa in bulshada Soomaalidu ay aad uga dhagarsan yihiin  q iimaha nabada taasi waxaad ku garan kartaa sida xitaa hadalada bulshada uu  eray gan Nabadu uu ugu badan yahay.

Hadii laba qof isa salaamayaan waxay isku salaamaan. Maxaad sheegtay? Nabad baan sheegaye sow nabad maaha.

Waxaa kaloo ka mida hadalada ay bulshada Soomaaliyeed nabada kaga hadlayaan Nabad galyo. Ma nabad tagtay? Reerku sow nabad maaha . Nabadbaan sheegnaye nabad ma lagu soo hoyday? Alla haydin nabad galiyo. Waanu nabad nimid. Nabad iyo caano ayaanu sheegnay. Nabad iyo caano wiil iyo caano.


Hadaladani waxay ka mid yihiin hadalada ay had iyo jeer bulshadeenu ku qeexayso qiimaha nabada.

Dhanka kalena waxaa jiray gabayo iyo suugaan colaad hurinayay oo ay Soomaalidu nabada ka tidhi taasi oo inta badan dhici jirtay marka reer geel laga qaado uu abwaanka reerkoodii geela laga qaaday uu samayn jiray gabay guubaabo ah oo uu reerkooda ugu sheegayo inay geelii soo dhacsadaan nabadna ay iska ilaabaan.


Hadaba waxaan jeclaaday inaan xagan idiinku soo gudbiyo dhowr gabay oo goos goos ah oo ay bulshadii hore ee Soomaalideed nabada ka tidhi.




Nin reer Qabridahar ah ayaa mar uu nabada ka gabyaayay waxa uu yidhi:


 


Hadaan nabad ceelkaan ku rido

Cidi ka soo saarto

Cad la quuto mooyee

Hadaan caano laga dhaaran

 


Nin kale oo reer Hargeysa ah ayaa isna waxa uu yidhi:

 



Idinbacasay kuma soo dagteen

Aayadaha qaare

Ina ibiri awrkay dhashiyo

Aarankii dhididshay

Asxaabihii horeba

Waa ku intifaaceene

Aakhiro nimaan geel lahayn

Lama amaanayne

Maxaan idin awraarsadaa

Awr ma dhaansanine

 

 

Nin kale oo reer Xeebeed ah ayaa isna nabada ka yidhi.


 



Caydhi waa cagtaa ku noole

Casiisoow col noogu naadi

 




Nin kale oo reer Caabudwaaqa ayaa isna nabada ka yidhi:



 



Reerkeena way uga dartaa

daanyo nabadeede

dar Alaan ku noolaan jirniyo

duul la weerara'e

Dudumo yuluq hadii aan

Hadhsado dacas ma jiifeene

Digdigtaydu waa laba habaas

Kolkay ka duushaaye


 



Nin kale oo reer Bari ah ayaa isna nabada ka yidhi.



 



Dhugta faraska kuma

Koobanee dhiig ma kaga keenay

Dhirbaaxyada kolkii

Aan ku riday

Dhalasho maw sheegtay


 

 

Nin kale oo reer Awdal ah ayaa isna ka dhawaajiyay oo yidhi :


 




Allahayoow nin ii daran

Maxaan daafta hore seexshay

Nin i daaqsanaayana

Maxaan daafidii koriyay

Jidhku nimaanu doonayn

Maxaan hadalka deeqsiiyay

Dag dag xaajo iigama tagtee

Rag u dulqaad yeeshay

Dabikaan u dhigay

Maalintuu dagalka soo saaray

Isagoon digniin qabin

maxaan kaga dayaansiiyay

 

 

Baydadkan gaagaaban ee aynu kor ku xusnay waxay u badnaayeen gabayo nabada khuseeyo. Iyagoo intooda badan aad moodo inay ahaayeen kuwo colaad hurinayay.

Taasina waxay ina tusaysaa sida Soomaalidii hore dagaalka ugu faani jirtay oo ninka nabada jecel looo arkaayay inuu yahay nin jilicsan oo aan cid iska dhicin karin.

Bulshadaas nolosheedu miyiga ku tiirsanaydna waxaa magac weyn ku lahaan jiray ninka dagaal yahanka ah ee warankiisu dhaco.

Waxaanu ahaan jiray nin ay ku dhaataan reerka uu ka dhashay, oo magac weyn ku leh. Waxaana loogu yeedhi jiray magacyada sida . Libaax , Sooma-jeeste iyo Halyay.




Wa bilaahi towfiiq


 

 

Qalinkii. Musa Mohamoud Essa
Stockholm, Sweden
Haji_musa@hotmail.com