Saxaafada
Somaliland iyo Doorka ay ku leeyihiin Hablaha
Nasra Aw Ciise Kaahin
Qormada maanta ee toddobaadlaha
XAAWA & AADAN waxa aynu ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah hablaha
da’da yar ee nasiibka u yeeshay in ay noqdaan suxufiyiinta, isla
markaana ah gabadhii ugu horreysay ee si rasmi ah ugu shaqaysa
dhinaca wargeysyada qoran oo ah kuwa ugu hawsha badan guud ahaan
mihnadda saxaafadda Somaliland.
Inkasta oo ay jiraan hablo door ah oo ka hawlgala hay’adaha kala
duwan ee warbaahinta Somaliland, haddana waxa aannu mawduucan u gaar
yeelay Nasra Aw Ciise Kaahin oo ah suxufiyad da’yar oo hiwaayadeedu
tahay dhinaca qoraalka.
Mss. Nasra Aw Ciise oo bahda saxaafadda ku biirtay sannadkii 2006,
ayaa noqotay gabadhii koowaad ee u shaqaysa wargeysyada dalka, isla
markaana ka qaybgasha hawsha culus ee diyaarinta iyo doonista
wararka maalinlaha ah, sidoo kalena ka shaqaysay qaybta dhismaha
boggaga (layout designing).
Qarmadan waxaynu si guud iyo si gaar ah diiradda ugu saari doonaa
asbaabihii ku kellifay Nasra Aw Ciise in mihnaddeeda suxufinimo ugu
doorato saxaafadda qoran oo runtii ah qaar ka shaqayntoodu ku adag
tahay dumarka, marka loo eego adkaysiga hawsha culus iyo soo jeedka
habeenimo, inkastoo ay sidoo kalena ka hawlgashay dhinaca
telefishannada la daawado iyo weliba duruufihii kala duwanaa ee ay
soo dhex dabbaalatay muddada saddexda sanno ah ee ay ku soo dhex
jirtay saxaafadda.
Nasra waxay sheegtay in muddadaas ay samaysay dadaal fara badan oo u
gashay kobcinta aqoonteeda suxufinimo, balse waxay xustay in aanay
weli gaadhin heerkii ay higsanaysay.
Ugu horreyn, iyada oo ka warramaysay aqoonteeda waxbarasho iyo
waqtigii ay si rasmi ah ugu biirtay bahda warbaahinta Somaliland
waxay tidhi; “Waxaan dugsiga sare dhammeeyey sannadkii 2005-tii,
aniga oo maray laba dugsi oo kala ah, Gacan-libaax iyo Nuuradiin,
iminkana waxaan ka mid ahay ardayda Jaamacadda Hargeysa ka barata
qaybta saxaafadda, waxaanan higsanayaa inaan gaadho master ilaa PhD,
aniga oo doonaya in aan aqoontayda wax kaga qabto qaybaha kala duwan
ee arrimaha bulshada, waayo ma doonayo in aan dhinaca siyaasadda
wariye ku shaqeeya noqdo, balse dadka aan inta badan codkooda la
maqal aan codkooda baahiyo.
Saxaafadda waxaan ku biiray 14-kii April 2006, xilligaas oo
qoraalkaygii ugu horreeyey ku soo baxay jaraa’idka, kaas oo la
bilowday wargeyska Geeska Afrika oo maqaalkaygii koowaad mar la soo
baxay. Markaan maqaalkaa qoray maan gaadhin heer aan barnaamij ku
diyaariyo, balse markii dambe waxaan is-ogaaday in aqoontaydii iyo
waayo-aragnimadaydii kortay, kadibna waxaan bilaabay mowduuc la
yidhaahdo Qormada Haweenka oo maalinta Sabtida ku soo bixi jiray
Geeska Afrika, kaas oo muhiimadda aan u bilaabay ahayd maadaama
aanay jirin gabdho badan oo dhinaca qoraalka xaqa dumarka ku muujiya.
Waxaan soo maray TV-ga iyo wargeysyada madaxabannaan oo ka mid
yihiin; Ogaal, Maalmaha, Geeska Afrika iyo Telefishanka SLSC, balse
nasiib-darro mar qudha kama shaqayn idaacad, kolleyna qofku hadduu
suxufi yahay waxa habboon in aannu meel keliya ku koobnaan, inkastoo
anigu jecelahay qoraalka, haddana meel kasta waan ka shaqayn karaa.”
Nasra oo la waydiiyey in cidda ku dhiirigelisay inay suxufiyad
noqoto iyo sidii waalidkeed u arkayeen markii ay ku biirtay bahda
saxaafadda, waxa ay tidhi; “Waxa uu ahaa hiwaayadayda aniga oo yar,
waxaan dhageysan jiray Radio Ethiopia , kadibna wariyeyaasha ka
hadla ayaan kolba mid codkiisa ku dayan jiray, markaa waxay ahayd
ilaa yaraantaydii wax igu abuuran.
Dhinaca qoyskaga horta marka dhaqankeena la eego berigii hore
saxaafadda inanta gasha waxa loo haystay fannaanad oo kale, taasina
waxay ku xidhan tahay sida waalidka iyo ilmihiisu isugu kalsoon
yihiin. Anigu markii saxaafadda iigu horreysay ee aan galayey
Ilaahay ha u naxariistee haddii aannu aabbahay iga caawin may
dhacdeen in aan dhexgalo ama saxaafadda wax ka barto. Waxaan
weydiiyey aabbahay sideed u aragtaa in la barto saxaafadda? Waxaannu
iigu jawaabay, ‘waa waxa ugu qaalisan ee la barto adduunka.’ Markaa
haddaan gurigayaga cidhiidhi ka dareemayo may dhacdeen in aan waxaas
oo dhan awoodo.”
Mar Nasra Aw Ciise oo la su’aalay caqabadihii ugu waaweyn ee ka
horyimi muddadii ay gudo-jirtay mihnadda warbaahinta, waxa ay ku
jawaabtay; “Markii aan bilaabay mihnaddan waxaan dareemi jiray
cidhiidhi badan, waayo inta badan waxaan la shaqaynayey rag ee dumar
maan arki jirin, inkasta oo cidhiidhigaas uu iga caawiyey wargeyskii
koowaad ee aan ka shaqeeyo wiilasha joogay oo mid mooyaane inta kale
balwad aanay lahayn, taas oo ii fududaysay shaqadayda oo si fiican
wax ii la qaban kara, isla markaana aan dhexjoogi karo, halka kuwa
qayilaya aan arki jiray iyagoo wada mirqaansan oo wada foorara,
balse intii dambe waan iskala qabsaday oo iyagoo iska qaylaya ayaan
hawshayda iska wadan jiray oo cidhiidhi igumay hayn.
Runtii caqabadaha ugu waaweyn ee aan kala kulmi jiray saxaafadda
waxa ugu weynayd dadka oo igu odhan jiray maxaa adiga oo gabadh ah
suuqa ku meeraysiinaya oo war uu soo daydaydaa inan baad tahay’e,
laakiin waxaan isku dayey inaan u dhabar-adaygo. Dabcan, markii
dambe waxa igu soo biiray hablo kale oo wehel ayaan helay.
Sida aynu ka warqabno habluhu hadda saxaafadda aad ayey ugu soo
badanayaan, laakiin markii iigu horreysay wax gabadh ah oo intay soo
baxdo inamo war la doonta may jirin oo keli baan inamada ku ahaa oo
aan wararka la raadsan jiray.
Caqabadaha bulshadu aad ayey isaga badnaayeen oo markaad warraysi
doonto oo kale, maadaama aan la arki jirin gabadh nin kamarad
duubaya la socota mooyee aanay jirin gabadh rikoodh sidataa. Waxa la
i odhan jiray ma TV baad ka socota, waayo jaraa’id waligeed laguma
arag gabadh sideed u wadaa? Markaa anigii warka soo doontay intaan
isu sheegayo ayaaba qaadan jirtay waqti badan, laakiin iminka taas
waa laga soo gudbay.
Sidoo kale caqabadaha aan la kulmay waxa ka mid ah markaan maqaal
ama sheeko qoro ee magacayga uu ku soo baxo waxa dhici jirtay
sheekooyinka aan qoray inay dadku igu soo celiyaan aniga oo ay igu
dacaadeeyaan. Tusaale ahaan; sheeko aan qoray oo cinwaankeedu ahaa
‘Dadqalkii Guur-doonka’, taas oo nooqtay mid saameyn weyn igu
yeelatay, iyadoo dad badani moodeen inay aniga sheekadani igu
dhacday, kadibna intay qoyskayagii u yimaadeen odhan jireen ma
hawshaasaa inantiina ku dhacday oo yacnii baroor-diiq ayey ula
yimaaddeen, balse anna aan isku dayi jiray in aan ka dhaadhiciyo.
Inkastoo markii dambe ay maqaalladii iyo sheekooyinkii aan qoray la
jeclaaday oo aad la iigu soo hambalyeyn jiray.”
Nasra Aw Ciise oo la weydiiyey sababta ay u dooratay inay ka
shaqayso qaybta nashqadaynta boggaga [layout] ee wargeysyada iyo
mashaakilkii ay kala kulantay muddadii hawshaa gacanta ku haysay,
waxay ku jawaabtay; “Shaqadan [layout] waxaan bartay 2008 bilowgiisa,
waxaanan ku bartay tababar ay CARE bixinaysay oo ay WIJA u soo
marisay, kana qaybgaleen hablo keliya, kaas oo aannu ku baranaynay
photo shop iyo layout-ka muddo bil ku dhowaad ah, maadaama aan
jeclaa saxaafadda oo jaraa’id ku shaqaynayey, waxay noqotay mid aan
ka faa’iideysto oo aan ku hawlgalo.
Horta soojeedka habeenkii waa ku dhibaato wiil iyo gabadh-ba, aad
bay iigu adkayd intii hore, laakiin muddadii aan shaqada ku cusbaa
waxa jirtay in waagu iigu baryo shaqada, haddase 10:00 – 11:00
habeenimo ayaan ka rawaxnaa.”
Mss. Nasra oo ka jawaabaysay su’aal laga weydiiyey in iyada lafteedu
ku dhaqanto talooyinka ay haweenka ugu soo gudbiso qormooyinka
dumarka ka diyaariso, waxa ay tidhi; “Horta anigu maan gaadhin
xilligii aan isku dabbaqi lahaa, laakiin waxaan rajaynayaa markaan
gaadho inaan ku dhaqmi doono. Dabcan, waxa la yidhi qofku waxaannu
samaynay hadduu dadka u sheegto, xataa wixiisu ma noqdaan wax
hirgela, taasna markaan noqdo ayaa loo wada joogi doonaa marka la i
guursado.”
“Guud ahaan saxaafadda waxaan u soo jeedinayaa inay aqoontooda kor u
qaadaan, kuwa iminka soo galaya iyo kuwii hore ugu jirayba, gaar
ahaan hablaha waxaan odhan lahaa qofku markuu yahay qof lagu dayan
karo ayey dadkuna wax ka maqlaan, noqona karaa tusaale fiican,” ayey
tidhi Nasra Aw Ciise Kaahin oo la dardaarsamay bahada saxaafadda
Somaliland.
Diyaariye-Maxamed huu
Togdheernews
|