OGAYSIIS - BANNAANBAXA BRUSSELS EE 11 APRIL

 

 


Guddiga abaabulka bannaanbaxa-Brussels ee uk waxay ummadda reer Somaliland ee ku n ool dalka Ingiriiska ugu baaqaysaa in ay ka soo qayb galaan bannaanbax lagu taageerayo qadiyadda Somaliland oo ka dhici doona magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium-ka.

Goobta Bannaanbaxa:

Parc du Cinquantenaire,
Avenue de la Joyeuse entrée ,
1040 Brussels , Belgium



Taariikhda: 11 April 2013



Wakhtiga: 2pm – 4:30pm



Haddii aad ka soo qayb galayso bannaanbaxa una baahan tahay gaadiid aad raacdo ama macluumaad dheeraada, fadlan la soo xidhiidh tilifoonadan hoos ku qoran:

West London Somaliland Community
0208 8481180
OSCA 07984136920 , 07943 63220 .



Dhammaan dadka ka tagaya dalalka Yurub , waxaa laga codsanayaa inay la xidhiidhaan gu diga abaabulka banaanbaxa ee dalka ay joogaan.
 

 

 


Guul & Gobanimo Somaliland