Ra段isul wasaaraha Kenya oo qaabiley wefti Wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland

 




Nairobi (TNN)- Ra段isal wasaaraha Dalka Kenya, MR. RAILA ODINGA Waxa uu maanta 06.06.2012 kulan balaadhan oo ka dhacay Xafiiska ku qaabilay laba wasiir oo ka socda Jamhuuriyada Somalilan d, oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali X. Xasan oo booqasho ku joogay Dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Nairobi.

kulankan oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya labada Dal iyo dardar gelinta xidhidhka is kaashiga, nabad-gelyada mandaqada geeska afrika, iyo sidii loo xoojin lahaa xid hiidhka qotodada dheer ee labada dal ka xidheeya.

sidoo kale waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhka isu socodka Safarada Masuuliyiinta Labada dal, iyada oo dhawaan uu dalkaasi Kenya Booqasho ku tegidoono Madaxweynaha Jamhuur iyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Martiqaad Rasmi ah ka helay Ra段isal Wasaaraha Dalka Kenya Mudane Raila Odinga, sidoo kalena uu Ra段isal Wasaare Raila Odin ga isna uu booqasho ku iman doono somaliland taas oo xoojinaysa wada shaqaynta iyo is dhex gal ka labada Dal.



Xubnaha Kulankan ka qayb galay waxay ahaayeen sidan:-

1. Ra段isal Wasaraha dalka Kenya, Mudane, Raila Odinga

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,

3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali X. Xasan iyo

4. Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya Dr. Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir).