Ogaysiis: Diwaangalinta Somaliland Achievement Awards 2014 oo xidhmaysa 30-ka November

 

 


Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu sanad walba qaban qaabiy aa (laga bilaabo 2009-kii) munaasibad lagu xuso laguna dhiiri galiyo dadka reer Somalila nd ee horumar fiican naftooda u gaadha amma umadda reer Somaliland horumarkooda iyo muuqashadooda qayb libaax ka qaata. Ururku wuxu si gaar ah u dhiiri galliya ardayd a reer Somaliland ee xagga tacliinta, siiba GCSE-ka iyo A-Levels-ka, darajooyin sare ka keena.

Hadaba ururku wuxu qorshaynayaa qabashada munaasibaddii sanadleyda aheyd ee san adkan dadkaas lagu xusayay laguna abaal marinayay oo qabsoomi doonta bisha Decem ber 12-keeda. Sidaa daraadeed waxaanu dadwaynaha reer Somaliland ogeysiinaynaa in ay furantahay, maanta laga bilaabo, soo jeedinta iyo diwaan galinta dadka ay umadda la tahay in la xuso, sida dhalinta imataxanada (GCSEs iyo A-Levels) darajo sare ku gudbay, dadka ka qayb qaata horumarinta iyo ololeynta qadiyada dadka iyo dalka Somaliland. Qaybaha ay ka koobantay abaalmarintani waxa ay kala yihiin: Arts & Culture, Business, Development/Community Champion, Education, Media, Sport iyo Somaliland Activism.

Si aad hadaba u diwaangaliso qofka amma ururka aad isleedahay xusid iyo maamuus ay uu mudanyahay fadlan booqo website-ka www.londonsomalilandcommunity.org.uk oo b uuxi form-ka magcaabida (nomination) inta ka horaysa 30-ka bisha November ee sana dkan. Wixi faah-faahin ah fadlan kalasoo xidhiidha urur jaaliyadeedka numberka ah 208 848 1180 (wakhtiyada shaqada).

Guul iyo gobanimmo,

 



Maamulka West London Somaliland Community