Professor Ahmed Ismaciil Samatar Waa Gacan Ku-Dhiigleh: Maxuu ku Mutaystay Soo-dhawaynteena?

 

 


Professor Ahmed Ismaciil Samatar oo qoraalkaygan aan ku tiraabi doono Mr MAANGAAB, ayaa Wax uu MR MANGAAB badi nolashiisa ku lumiyey ama uu ah aa nin u banbaxay la dagaalanka Somaliland . Dagaalkiisi waxa uu ku salaysnaa isagoon marna aaminsanayn qadiyada gooni isutaaga Somaliland, islamarkaan fagaare kasta oo lagu gorfaynaayo qadiyada Somaliland si cadaawatinimo wa yn u weeraray. Mr MANGAAB ficiladiisasi waxay dadka Somaliland dhaxalsiiye en dibin daabyo u horseeday in ay dhalin yaro badan oo reer Somaliland ahi ay ka tariibaan dalka si ay uga baxsadaan shaqo la?aanta iyo dhaqaale xumi da ay horseeday aqoonsiga inaga raagay. Mr MAANGAAB waxa uu ka mid aha a dadka horseeday in aqoonsigu inaga raago isalamarkaana dibin-daabyo way n inala beegsaday oo dalkeena hadii uu fikirkiisu gulaysan lahaa ina dhaxalsiin lahaa dagaalo bubur iyo khal khal siyaasadeed, balse tii ebbe iyo kartideena aan kaga baxsanay.



Hadaba suaasha is waydiinta mudan waxay tahay sababta keentay in MR MAANGAAB isagoo ahaa cadowga Somaliland ilaa manta oo uu Somaliland ku sugan yahayn aan aqoonsanayn qaranimadda iyo goonni isutaaga Somaliland in lagu soo dhaweeyo maaqam anu gayin ama anu mutaysan (und erserved welcome)?

Aritani waxay noqotay mid ka dhakafaarisay shacbiga Somaliland, waxayna ka dartay markii dadkii soo dhaweeyey hortooddii isagoo jooga - Berbera uu calankii Somaliland markii la saaray uu dhulka iskaga tuuray. Waxaa iyana argagax lahyid markii uu Jaamacada Tima Cadde lagu soo dhaweeyey ee koofiyaddii sida gaarka ah calanka Somaliland loogu soo sameeyey in markii madax loo galiyey uu iska tuuray ee haddana miskiisa la hor dhigay ee hadan dhincii miska xigay iskaga durkiyey.

Maxay tanni hadaba ina tusinaysaa? Waxa arrinkani iftiiminayaa, naca u MR MAANGAAB u hayo da dka Somaliland. Marka ay halkaa arini marayso ayey waxay ahyid in inta la xidho danbiyaddii iyo dunuubtii uu dalkan ka galay lagu soo oogo oo maxkamad la horkeeno.



Waxaa iyan wax aad loo-la yaabo ahyid in markii uu MR MAANGAAB la hadlaayey Ardaydda Jaama cada Hargeeysa uu ku jawaabayey mar Arday waydiiyey inuu ka qayb-qaadandoono siyaasada So maliland kana soo dhex-tartami doono xisbiyada, ayaa waxa uu ku jawaabay suaal mangaab ah oo ah- wali ma haysto jeedalkii aan ku dhufan lahaa, taaso uu la jeedo inaanu niyada ama haba yaraa te anu rumaysnayn qaddiyada Somaliland (not bothered, out of steam to serve for Somaliland cau se). Kalmadahaasi ma ahyn kuwii u ku odhan lahaa ubaxii dalka u soo kacayey ee hiigsanaayay ina y dalkooda mustaqbal wanaagsan ka heli doonan. Jawaabtaasi waxay ahyid mid deelqaaf iyo mid u niyada dayartaasi ku dilaayey . Sabaabtaasi bayna tahay sababta maqaalkani ku isticmaalayo nink an MR MAANGAAB ee il duufka dalka ku yimid.

Hadaan dhinaca kale uga rogna, Mr MAANGAAB, waa nin cimiga uu bartay marka waraysiyadda uu siiyo saxaafada ku isiticmaala si been abuura ah si argtidiisa gaaban ee doc ka boodka ah ugu fush ado. Waxaanan xusi karaa warysigii dodwadaag khadka telefoonka ee ugu dambeeyay ee uu la ye eshay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Dubai jooga ee Idaacada BBC la?aanta Af ka Somaliga u qabtay, ay waydiisay su?aal ahyid, sida ay dadka Somalida loo wada heshiisiin kara a?

Mr MAANGAAB waxa uu ku dooday in bulshada rayidka ah ee Somalilidu ay tahay ee wuqooyi (waa Somaliland) iyo koonfur ay ka wada hadlaan. Markii Gudoomiyaha UCID ku dooday waar dadka Som aliland dawlad ay soo doorteen ayay haytsaan oo arimahaasi shacbiga uga wakiil ah. MR MANGA AB isagoo cilmigiisa ka been sheegay ama jaahilnimo ka tahay waxa uu ku dooday in dalalka aduun ka ee Dimoqraadiyada ku dhaqma ay arimahaasi dad dhex dhexaada loo igmado. Jawaabtiisa oo ah yid mid been ah ama maangaabnimo kahayid, waayo arimaha DISTOORIGA Ah dalkasta dawlada ay soo doortaan ay arintaasi oo kale kaliya ka talin karta, hadii ay soo dhaaftana Afti (referendum) ayaa laga qaadaa shacbiga. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ku yidhi, Professor isagoo Mr MA ANGAAB u jeeda inaanu garnayn buuga uu soo akhristay halka ay sidaasi kaga taalo. Balse Runtii MR MAANGAAB been buu ka sheegayey cilmigiisa ama isgaa ayay basba ka ahyid. Taasbanay tah ay sababta uu maqalkani mar labaad ku cuskanayo inuu ugu yeedho MR MAANGAAB.

Gunaanadkii maqaalkaygan waxaan madaxwaynaha Somaliland ka codsanyaa, anigoo leh arinkan waa la ilduufay oo ninkii aqoon yahanka ahaa waatii laga hayey ? NIN HABARRi DHASHAY HAL MA SEEGGI WAAYO ? in MR MANGAAB:

1. In aanad maddax-wayne la kulmin;

2. In la joojiyo dhadhaaqiisa uu kula kulmayo bulshada;

3. In 24 sacadood gudahood maxkamada loo horgeeyo ku qaada danbiyaddii uu dalka iyo dadka ka galay ilaa intii qaranimada Somaliland la soo noqotay; iyo intii imika dalka joogay danbiyadii iyo xadgudbyaddii uu ka galay shacbiga Soomaliland; iyo

4. Inaad xilka aad madax-wayne ka xayuubiso ciddi ka danbeeysay in MR MANGAAB ama kugula tal isay isagoo oon Somaliland cafis soo waydiisan am aan ka toobad keenin gaalnnimaddii uu Somalil and ka gaalobay u dalka ku soo yimaado.

Maddax -wayne maqaalkani waxa uu ka turjumayaa dareenka shacbiga Somaliland ee qurba jooga iyo qalqol jooga ah. Waxanan kaa codsanaynaa in aad codsigaasi aad tix galiso oo MR MAANGAAB talaabo ded deg oo sharciya ah aad ka qaado haddii markii hore aad il duuftay ilayn ?CAANO QUBTAYBA DABADOOD LA QABAYE.

Maqaakani waa ka jawaabay in MR MAANGAAB yahay Gacan ku Ghiigle ay cadawda gaamurtay ee uu Somaliland u qaaday horseeday in kumayaal (thousands) ubaxii wadankan ahi tahriib ku dhinte en balse qaybta danbe ee mawduuca maqaalkaygani jawaabtiisa ay u taalo inay ka jawaabta dawl ada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay maddax-wayne Axmed Maxamed Maxamuud (SIIL ANYOO) . Taaso oo ah, sababta MR MANGAAB oon cafis aan soo waydiisan dawlada Somaliland dan biyaddii iyo duunubtii uu dalkan ka galay in loo oglaado inuu dalka yimaado oo waliba maqaam aanu mutaysan lagu soo dhaweeyo?


 

 


Axmed Cabdi Ciise, BSC (Hon), MSc in Social Science

Email: isseahmed@hotmail.com