Qasriga Madaxtooyada Somaalilad Looga Tali yaa Goormu Noqdey Goob Ciyareed?

 

Waxaan qalinka u qaatay ama isoo jiitay arrin-layaab anniga igu  muuq at ay waxaan dawadey Websaydka laga leeyahay Madaxtooyada ee  Sa wiro ku jiray oo laga soo qaaday Qasriga looga arrimiyo waddanka  Soma liland. Sawirada waxaa ka dhex muuqdey Fanaanada Caanka ah ee  Mary an  Mur sal Ciise runtii Fanaanada Maryan waxay dhamaan reer  Somalila nd ka  mu dan tahay xushme iyo qadarin yadana qoraalkaygu kuma  soc do wayna mudan tahay in lasoo dhaweeyo wana lasoo dhaweeyay  Gobo lada iyo  C aasimadaba waa laga soo dhaweeyay waxbana kamay hagran Shacabka Somaliland.

Haddaba dawladu yadoo Fanaanada Maryan usoo dhaweyn karta si  wad aniyada oo dhamaan Shacabku ka qayb qataan kuna soo dhaweeyn  kart a meelo fagaarayala ama loogu talo galay Xafladaha iyo Ciyarahaba  illah ay hortii Madaxtooyadu maha gole ciyaareed ama gole wakhtiga lagu  lu miyo waa gole ummadda masiir keeda lagaga arrimiyo, Maryana denbi kuma laha taas oo yadu soo dhaweyn ayay xaq u leedahay lakiin danbiga waxaa leh Madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisa oo aan kala garanayn goobaha xafladaha lagu qabto iyo guriga ummdda taladeedu kasoo  bax do.

Madaxweyne Dahir Riyaale ha joojiyo durbaanada iyo heesaha uu ka  dh exwado qasriga ummadda somaaliland haybadeedu saran tahay dabcan in kastoo aanu ahayn Gurigii ku haboona Qasri Madaxtooyo hadana  imin ka guriga morgan katagay uunba ahe halaga daayo heesaha.

Waxaa haboon in uu dib u eego xaalada uu ku sugan yahay dalka uu  Ma daxwaynaha u yahay Abaarah, shaqo la-aanta, aqoon la'aanta Cafimad la-aanta, Aqoonsi la-aanta iyo fitnooyinka ka dhacaaya Soomaaliy  kuwa as baa ka mid ah shaqooyinka lagaga arrimin lahaa guriga Madaxtooyada Ee maha gole lagu dheregdhacsado mana aha goob wax kasta ka suure geli karaan, waxaana muuqata tii Hadraawi sheegay ee ahayd inaanu garanayn Dahir Riyaale macnaha Madaxtooyadu huwan tahay.

Marlabaad ha loogu dhejiyo hortiisa maqaal kii hadraawi maqaalkayganu waa talo ku socota halkay ku haboonayd waana talo muwaadin xaq uleh inuu dhaliisha dawladnimo ku muujiyo qoraal annigoon waxba ku  dumina yn ee wax ku toosinaaya. Maryana waxaan leeyahay waxaad tahay  Fan aanad xalaala Madaxtooyadu waa Maddaxtoyadeedii waana muwadinad qaaliya xaqna way u leedahay in lagu soo dhaweeyo lakiin kulan kan uun mahe wuxuu isu bedelay Goob qoob ka ciyaar gurigii ummaddu taasbana qoraalka iga keentay, Maddaxwayne Riyaale waxaan leeyahay guriga maddaxtooyadu maha guri aad iskaa uleedahay ee waa gurigii ummadda somaaliland looga talinaayay waa guriga nolosha ummadda kor uqaada waa hoyga qudha ee ay eeg-taan waa guriga qudha ee shacabku ciday doonan gaystaan cida ay donaana debedda kasoo dhiga iyadoo ay  muu jiyaan dulqaad badan iyo degenaan badan anniguna kuwaas baan ka mid ahay barasho wanaagsan.
 

 

 

Qalinkii Khaliif Maxamed Warsame { Khaliif Xinwaal}
Email: kalifxinwal@hotmail.co.uk
Birmingham