Qiso cajiiba iyo talo ruuxii aan qurbe ku qanacsanayn




 

Maalin baa anagoo dhowr Soomaali ah waxa noo sheekeysey gabar Swedish ah, gabadhan oo waqti dheer ka shaqayneysey arimaha  aja anibka, aadna u jeceleyd ajaanibka, aakhirkiina guursatey inan Greek ah. Waxay maalintaa nooga sheekeysey qiso cajiiba oo ku dhacdey odey dalka Sweden yimi 40 sano ka hor. Aakhirkii qisada qisada ayay na siisey talo runtii wax ku ool ahayd, oo quseysa cid walba oon ku qanacsanayn nolosha qurbaha, ku hamiyaya inay ku noqdaan  dalko oda hooyo.


Nimaan niyada marnaba ka degin


Waxaa jira odeygan gabadhan la deris ah oo 68sano jir. Odeygan  aya a waxa uu uga sheekeeyey qisadii ka qabsatey imaanshihiisii Sweden iyo wuxuu ku hamiyi jirey. Odeygan ayaa waxaa uu kamid ahaa dadkii ay shirakadaha Swedishku shaqaale ahaan uga soo qorteen tuulo kamida Greeka sanadkii 1960kii. Markii uu yimi dalka Sweden, isagoo 24 jir ah, ayaa markiiba hore laga geeyey shirkad Taayarada  Baabu urta sameysa. Waxaan xitaa jaanis loo siin in uu luqada ku barto, isaga iyo intii la socoteyba, madaama shaqaalo yari xun ay ka jirtey wadanka Sweden berigaa.


Markii uu 10 sano oo xidhiidha shaqaynayay, ayuu ku noqdey dalkiisii kana soo guursadey gabadh Greek ah. Gabadhii uu soo guursadey ayuu keeney Sweden kana dhigey guri joogto, madaama uu u  sheeg ey inay dalka Sweden sii joogi doonaan uun 10 sano oo kale, oo ay ka aruursadaan lacag yar, kadibana dib ugu noqon doonaan tuuladoodii Greeka ku taaley. Waxaanuu u sheegey xaaskiisii inaaney u baahneyn inay xitaa barato luqada Swedhishka, madaama aaney ka anfici doonin Greeka. Sanadkii koowaad waxaa u dhashey wiil, sanadkii kaa ku xigeyna waxaa u dhashey gabar.


Odeygan iyo xaaskiisii ayaa bilaabey lacag aruuris ay aqal cad oo  wac an uga dhistaan Greeka. Waxaa sidaa ku tagay 10 sano, waxaa ay labadii caruura ahaa bilaabeen dugsigii dhexe. Waxaa hantidii uu  uruu riyey badhkeed lagu iibiyey dhul aad u balaaran oo tuuladiisii ah, kuna sii jeeda bada. Odeygii waxaa u suurto gali waysey inuu inuu isla markaaba dhisme ku bilaabo dhulkii isagoon lacagta dhismaha wada hayn. Waxaay dib u bilaabeen lacag uruuris kale oo ay ku  dhamay stiraan Villadan caqiibada leh, ee ay dhisan doonaan. Waxaa sidaa mar kale ku tagay 10 sano oo kale, waxaa uu inankiisii iyo gabdhiisiiba dhameeyeen dugsigii sare. Wiilkii waxaa uu jecleystey inuu barto  dhak htarnimada , meesha gabadhiina ay dalbatey jaamacada Culuunta Bulshada.


Odeygii waxaa uu dhiniciisa ugu danbeyn soo dhameeystirey lacagtii, kaasoo u safrey Greeka, halkaasoo uu qandaraas ku siiyey shirkad, taasoo sanad gudaheed Villa cad wagac uga siisey odeygii. Odeygii ayaa u baahdey uun lacag sanad ama laba ah uu ku aruuriyo oo uu aqalka alaabta la dhigayo ku furdaamiyo. Islaantii ayaa iyadu sidii u ahayd guri-joogto aan Swedish baran, maadaama sidaa heshiisku ahaa. Inankii ayaa heley jaamacadii dhakhtarnimada, kaasoo sanadkii labaad ee uu odeyga aqalka Greeka ku yaaal goglayay, ay is-barteen gabadh Swedish ah kuwaasoo aakhir isu guurey (sambo=islanoolasho bilaa meher ah). Inankii sanad kadib waxaa u dhashey wiil, meesha inantiina aqalkii aabaheed ay ka guurtey oo aqal gooni ah degtey oo jaamacadeeda u dhow.


Odeygii baa aakhiritaan dhameeyey goglidii aqalka, gaareyna da’dii howlgabka ee Sweden, 65 jir. Odeygii iyo Islaanti ayaa laalaabtey boorsooyinkoodii, kuwaasoo u guurey aqalkii cadaa ee Greeka ay ka dhisteen, kuwaasoo rajaynayay inay caruurtuna ka soo daba  guur aan.


Laba sano markuu sugayay labadii caruura ee waqtigan  waaweyn aadey, oo nolol u gooniya mid walba lahaadey, ayuu odeygii iyo xaaskisii dareemey cidlo xooga. Waxaa uu arki waayey caruurtiisii, sidoo kale waxaa uu aad u tebey ilmihii uu awowga u noqdey. Odeygii wuxuu is-xejiyaba waxaa uu sanadkii sadexaad go’aansadey inuu dib ugu soo guuro Sweden, si uu uga ag dhowaado carurtiiisa, kireeyana aqalkiisii uu mudada dheer ku hamiyeyey inay ku wada noolaadaan isaga iyo caruurtiisa. Odeygii ayaa ku soo noqdey Sweden, aqal ijaar ahna ka galey meel u dhow inankiisa.


Labada nooc ee ajaanibka



Gabdha qisadan nooga sheegtey ayaa noo sheegtey in odeyga mar walba oo ay aragto uu ku calaacalo sida uu waqtiga u dhayalsadey, isagoo wali niyada ku haya dalkiisii. Waxay gabadhani noo sheegetey in ajaanibka intii ay la shaqeyneysey, si kastooy dalka ku yimaadanba, ay ogaatey inay u kala baxaan laba nooc:-



Kuwo dalka marka ay yimaadaan boorsooyikooda gacmaha iyo kuwa qalbigaba dhigta. Kuwan ayaa isa siiya dalka ay yimaadeen, una diyaar garooba inay dalka wax ka lahaadaan, caruutoodana sidaa si le’eg u tababara. Waxay iska ilaawaan dalkii ay ka yimaadeen, kana dhigtaan dalkan cusub dalkoodii hooyo ama koodii hooyo ee labaad.


Nooca labaad ayaa ah kuwo dalkan duruufo xoog leh oo ku yimi darted u yimi, balse jeclaa dalkoodii. Kuwan ayaa boorsooyinkooda gacanta dhigta, laakiin boorsooyinkooda qalbiga wali u xirxiran. Kuwan ayaa mar walba ku hamiya inay noqodaan ama ku noqon doonaan dalkoodii marka xaalku ka wanaagsanaado sida uu markaa ahaa. Kuwan ayaa in badan oo ka mida ka dhabeeyan, kuwaasoo hore ka noqda marka isbedel yimaado. Balse kuwa kale ayaa waqitgu ku jiitamaa, kuwaasoo dhinacna aan ahayn. Kuwan ayaa bilaaba aqal dhis mudo qaata ama qaban qaabo aan go’aan culu ka danbeyn. Kuwan ayaa qorshaha ku darsan in sanad walba cimri u korayo caruurta ay hayaan, ama ay doonayaan sida hamigooda ah inay dalkooda hooyo ku korsadan.


Jismigaaga iyo qalbigaaga hal wadan ma wada jooga an?


Gabadhan ayaa ku talisey in ay wanagsan tahay dadka aan niyada ka degin ama noqoshadu ku jirto ay noqdaan 10 sano ee ugu horeeya ee ay dal cusub yimaadaan. Waxaa ay noo sheegtey, ka khibrad ahaan, in wixii 10kaa sano ka danbeeya ay dhib noqonayso noqoshada. Dad yar baa ku guuleysta inay noqdaan, maadaama ay xeerinayaan arimo badan, oo ay caruurta iskuulaadka ka dhigta ugu horeyso. Waxay inoo sheegtey in ay dhib maskaxeed leedahay in niyaduna meel rabto, jisimiguna meel kale joogo. Khilaafka noocan oo kale waxaa u keenaa stress badan iyo qofka oo aan had iyo jeer qanacsanayn. Waxaa  muh iima ayay tidhi, in jismigaaga iyo qalbigaaga hal wadan wada joogaan.



Waxaa marag ma doonto ah hadaba in ay jiraan dad badan oo  Sooma aliya oo la midaa odeygaas, kuwaasoo beri hore qurbe soo galey, balse boorsooyinkooda wali kor u haysta, niyadana ka jecel inay  dalk oodii hooyo ku laabtaan. Kuwan ayaa waxaa looga baahan yahay inay gaadhaan go’aano adag iyo jadwal-waqtiyeed macquul ah, kana dhabeeye hamigooda. Waa sida ay gabadhu tidhiye, waxaa  wanaa gsan in qalbigaagu iyo qolofkaagu meel wada joogaan.


 


By: Yassin I