QOLKA MADAW IYO QORSHAHA QARSOON

 

Dalkayga iyo dadkayga Somaliland hadba duul u daran ayaa darka u fuula.

Waxaynu ogayn oo aynu xornimadii caddaanka ka qaadanay inay wax ma tarayaashii gadhwadeenka ka ahaa dalkan ku tuureen boholo xargagan.

Sidii aynu boholahaa uga soo bixi lahayn waxay innagu qaadatay 31 sa nno.Burburkii dhaqaale,tirtirkii jiritaan ee aynu ka soo maray  mudda daa dheer duulkii diirka inooga ekaa tan iyo maalintii dib ula soo  noqo shadii gooni isu taaga Somaliland waa mid aan qoritaan marnaba lagu dhamays tiri karin.

Haddana hadba duul la hanaan dhaqan ah, dhiig-cabayaashii hore ayuu n bay dadkaygu hogaanka kula kufaan. Bal u fiirso, hubsiimo laŽaanta iyo habeen-gudka lagula boobay codka duulkan uu dareenku ka hayaam ay.

Hibo alle ku siiyay oo aad hanan waydo waa habaar.Ma hubsato waa dadkayga Somaliland ee tan iyo maanta garan waayay deeqdaa alle siiyay ee ku hubsan waayay waddani alle yaqaan oo dalka iyo dadkaba u tudhaya daacadna u ah.In-yar u fiirso abaaraha iyo dabaylaha dalka ku habsaday,maxay kula tahay ama sideed u aragtaa arrimahaa alle hogaanka u hayo ee waqtiyadan danbe dalka la soo deristay.

Ummad waliba deeqda uu eebe siiyay siday ka yeesho ayay abaalkeeda heshaa.

Dadkaygu ma waxay dareemi waayeen duulkan ay hogaanka talada ku la khaldameen ee hadana hadba gebi aan guul lagu gaadhayn ummada u jeedinaya,wax-ma-tarayaal ka agdhowina sacabka lugooyo la hor boo daya.

Codkeenii ayaynu cadaab ku doonanay oo aynu haddana dhawr jeer ka yeelay sharci darro inay dalkan himilooyin qarsoon ku jiheeyaan uguna kordhinay kadeed aan garawshiiyo lahayn.

Darr aan biyo ku jirin ayay ummada iyadoo harraadan dul tubantahay, duulka ceelka ku jiraana aanay dan ka lahayn dalka iyo dadkuba haday dabaylo qaadaan.Doorashada ay dadkaygu u oomanyihiin maxay u  kor dhinaysaa saw duulkaa aan sheegay dunta ma soohayaan.

Ma cidd ayaa leh:hooy waan ku arkaa,codkii aan kugula kufay  maant aan garanayaa inaanu annagu boqonta isku goynay, xadhkaha aad hoosta ka xidhaysaana
waanu aragnaa.

Maya,weli dadkaygu waxay rumaysanyihiin inay duulkani doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoomayso. Haa, doorasho way  qabsooma ysaa siday duulkaasi ku andacoonayaan balse habkee,hanaankee ayay damacsanyihiin inay u fuliyaan hab-socodka doorashada.

Shalay ayay ahayd markay duulkaasi derbiga madaw ku qabsadeen  shi rkii xisbigooda ee ay nalkii iyo iftiinkiiba bakhtiisteen,kana  xaaraa ntimeeyeen xubnahii indhaha kala qabtay ee gartay inuu dalku xaalad murugsan ku jiro,loona wado in dib loogu celiyo godkii baá iyo jabka ee muddada badan innagu qaatay inaynu ka soo baxno.

Habkaa iyo shaxdaa madaw ee ay ku fuliyeen xisbigooda mid la mid ah ayay goosteen inay doorshadana ku fuliyaan, waxaanay sal-dhig uga dhigeen Serverka.

Dadkaygu waa inay indhaha furaan oo si deggan aayahooda uga  baar aan degaan, dhibta inna haysaa maaha ka shaqaysiinta Serverka,dalka waxa ku noo aqoonyahano ku xeel dheer ka shaqaysiintiisa balse waxa looga boodsanyahay inay fashilaan sirta iyo xadhkaha xidhan,waxa la habeeyay oo qol madaw lala galay xogta diiwaangelintii ee lagu shubayo Serverka inay natiijadu ku soo baxdo qorshaha xadista ah ee ay ku talo galeen tiro aan jirin inay ku soo baxdo.

Tani ayaa ah sirta ku gadaaman in dadka loo tuso dhibaato ka jirta dhinaca farsamada ee ka shaqaysiinta Serverka, sidaa darteed ayaa dadka lagu marin  habaabin ayaa,kolbana la leeyahay Engineerkii ayaa maqan,maantana si  shaca bkan iska daacadda ahi u rumaysto ayaa lagu yidhi nin xeel dheere ah oo Maraykan ah ayaanu sugaynaa!

Dadkaygan muslimiinta ah ee alle aaminay kuma jiraan caloosha qofka ay talada u dhiibtaan,rajo ayuun bay qabaan inuu si daacad ah xilka u guto,balse waxa la kala ogaadaa marka muddo ka soo wareegtay ee ay iftiintu waxqabadkiisu inuu horumar keenay iyo inuu dib-u-dhac keenay. Maanta, shacabka kama qarsoona inay duulkay codkooda siiyeen god halis ah iyo qorshe qarsoon ku hogaaminayo dalka.

Waxa loo baahanyahay in aad looga fiirsado arrimaha ku gadaaman habka iyo qaabka waxa loogu shubay Serverka in la ogaado,balse aan dhibaato iyo xaal abuur aan laga samayn ee degganaansho iyo aqoon waddaniyeed lagu hubiyo.

Dadkaygu maanta ayay fursad u haystaan inay toosiyaan qalooca ka yimi duulkii ay dalka ku aamineen, caddaalad, sinnaansho,iyo horumarka waxa loo mari karaa ku dhaqanka diinteena wanaagsan,si dhab ahna loogu dhaqmo shareecada islaamka.Waa hubaal duul alle rumeeyay haday ku dhaqmaan jidka uu inna faray, una dhiibtaan hogaanka inaynu horumar iyo aqoonsiba alle adoontiisa inooga dhawaajin doono. GoŽaan waliba miisaankiisa leh,dadkayga hadda ayay la gudboontahay inay codkooda ugu deeqaan waddaniga ku taagan ku dhaqanka iyo  hirgelint iisa maamul kuna saleeya shareecada islaamka.

Saddexda tartame waa inuu shacabku miisaan islaamiya saaraa,kana baaraan degaan ka ay ka muuqato ama caddeeya inuu dalka si dhab ah ku hogaamin doono  sha reecada islaamka inkasta oo aynu waayo arag u leenahay tartamaha haddeer hogaanka dalka soo hayay muddada dheer.

Dadkaygu haddii ay ka koraan hebel iyo reer Xagar oo ay hor ilaahay iyo waddaniyad ku saleeyaan xulista hogaan muslinamadiisu  xoogganta hay waa hubaal inuu dalku ka soo kaban doono dhibta iyo kadeedka.

Waxan ku soo afjarayaa dadkayahaw alle dib ugu laabta, idinka iyo ubadkiinaba u tudha,xusha tartame ay ka dhab tahay ku dhaqanka iyo hirgelinta shareecada islaamku,iskana jira duulka ku jira qolka madaw iyo qorshaha qarsoon.



Allahayaw dadkayga dalkayga madax khayr qabta u doon.Amiin.

 

 


Hussein Badmah