Aadan Siiro oo si kulul u Cambaareeyey Golaha Degaanka Haregysa

 

Hargeysa (Timacade News)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa si kulul u cambaareeyey  mudan ayaasha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, isaga oo ugu baaqay inay is  cas ilaan maadaama ay ku fashilmeen xilkii ummaddu u igmatay.


Sidaa waxa Sheekh Aadaan Siiro ka sheegay khudbad u salaadii Jimcaha ee  toddob aadkan ka jeediyey Masjidka Xawaadle, isaga oo si ba’an weeraray golaha  Degaa nka Hargeysa oo uu ku tilmaamay maxishoodayaal ummaddu ku khasaartay oo  qad arin waayey qubuurihii dadku ku aasnaayeen.


“Dadka dhintay waxay xaq u leeyihiin sida dadka nool oo kale, miyeynu oggolaan   k a rnaa in nin miskiin shaqaale ah la inoogu sheego inuu ka dambeeyey falkan oo  wa l iba la xidho,” ayuu qudbadiisa ku yidhi Sheekh Aadan Siiro.


Sheekha oo khuddbadiisa si adag ugu naqdiyey guuldarrooyinka waxqabad ee laga dhaxlay golayaasha degaanka, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay tallaabo dad badan ka cadhaysiisay oo dawladda hoose ee caasimaddu Khamiistii toddobaadkan ku  bur burisay qaybo ka mid ah qubuuraha Saadada ee ku yaal xaafadda New Hargeysa, si ay dhulka xabaalaha uga dhigaan balloodho iib ah.


Dhinaca kale Sheekh Aadan wuxu tilmaamay in haddii golaha degaanku fashilmay ay la gudbooneyd inuu isku casilo siddii gudiddii komishanka oo kale, laakiin nasiib daro wali ay ku mashquulsan yihiin boobida hantidii ummadda.


“Waxaan leeyahay xilka iskaga taga, maadaama aad ku fashilanteen, haddaad  sid an ku sii wadaana xataa masaajidada dhaafimeysaan,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro, waxaanu dadweynaha kula taliyey inay ka dhiidhiyaan falalka noocaas oo kale ah ee lagu kharibayo sumcada iyo sharafta dadka.


Sidoo kale Sheekh Aadan wuxu dadweynaha magaalada u soo jeediyey inay iska kaashadaan daryeelka xabaalaha magaalada oo beryahan dambe aad u dayacan dadka qaarna ay kaba dhigteen meelo qashinka lagu qubo.




Source: Jamhuuriya Online