Hargeysa: Rabshaddo Khasaare Keenay Oo Dhex-maray Ciiddamada
Booliska Iyo Dad Barakacayaal Ah
Rabashadaha ayaa ka dhacay meel dhaw Wasaarada shaqada iyo arrimaha
bulshada...........
Hargeysa (TNN) – Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo
tiro dad Barakacayaal ah oo u dhashay Qoomiyada Oromada ee ku sugan
Hargeysa ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay xaafada
Shacabka ee Magaalada Hargeysa.
Rabashadaha ayaa ka dhacay meel dhaw Wasaarada shaqada iyo arrimaha
bulshada , ka dib markii ay xukuumadu isku dayday in ay xoog ku
rarto Dadkan oo ka soo jeeda Qawmiya da Oromada ee dalka Itoobiya,
waxaana xabsiga la dhigay tobanaan qof oo ka mid ahaa da dkii
shaqaaqada ku lug lahaa.
Dhulkan oo la sheegay in uu lahaa nin muwaadin , ayaa xiisad ka
dhalatay ka dib markii uu dhismihiisu bilaabmay maalin ka hor, iyada
oo dadka qaxoontiga ah lagu wargeliyay in ay ka guuraan, halkaas,
laakiin muhaajriinta ayaa diiday, waxaana ay saaka mudaharaad ka
dhig een jidka laamiga ah ee hormara wasaarada shaqada, waxaana
bilaabmay iska horimaad gacanta la isula tagay oo dhexmaray dadka
cabanayay iyo ciidamada ammaanka .
Dhulka muranku ka dhashay, ayaa hadda waxa ku sugan ciidamo boolis
ah oo tiro badan,ku waasoo ku guulaystay in ay raraan dad
badan,laakiin xiisada ayaa weli kacsan.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|