Soomaalida ka Imanaysa Dibadaha iyo Guurka Gabdhaha Hindida
 



Qaybtii Kowaad:

Dhowaanahan ayaa waxaa dalkan ku soo badanaya raga somaaliyed ee  d oonaya guurka gabdhaha Hindida ah iyagoo raga badanaa ay ka  imanaya an dalalka Maraykanka iyo Yurub sida England iyo Sweden, wadamada  Afr ika ayaan iyagana ka harin oo South Afrika ayaa soo raacda.

Hadaba u kuur gelid iyo xog uruurin badan oo aan u galay arrintaas ayaa waxaa ugu dambayntii aan soo diyaariyay warkan aan u malaynayo inuu taabanayo meelaha ugu muhiimsan ee uu is waydiin karo aqristaha  Qoraal kan.

Qiyaastii ayaa bil kasta waxaa halkan yimaada ilaa 5 ama 6 Nin oo Somali  Guur doon ah kana imanaya wadamadaas aan kor ku soo xusnay haba ugu badnaadeene wadamada US iyo UK. Raggan ayaa u badan qaar xaasas  ho re u soo qabay oo da’doodu u dhaxayso 40-55, iyo kuwo aan sidaa u  bad nayn oo ku dhowaad da’doodu tahay 30.

Mar aan wax ka waydiiyay waxa ay u soo doonteen gabdhahan Hindida ah maadaama ay heli karaan gabdho Somaliyed oo isku dhaqan iyo isku af ay yihiin, ayaa waxay iigu jawaabeen Gabdhaha somaliyed wadankii marka ay joogaan waa ay fiican yihiin lakin markii dibadaha la keenay weji kale ayay la soo bexeen oo iyagii ayaa guryihii maamulaya amarna kaa qaadan  maa yaan oo gurigii marka aad isla joogtaan waxaad isla noqonaysaan Laba  ru ux oo amar isla bixinaya hal marna guriga ka wada baxaya marna soo  gal aya caruurtiina halkaa ay ku dayacmeen, Sidoo kale ayaa waxay ragan  sh eegayaan in gabdhihii Somaliyed markay yurub yimaadeen ay noqdeen  ga bdho shaqo doon ahaa oo ragoodii iyo hawshii hooyonimo ee ubadkii  guri geediiba iloobay.

Mid ka mid ah raggan oo ka yimid Ingiriiska ayaa sidoo kalena isagu ii  shee gay in gabar Somaliyeed oo ay qaraabo yihiin uu ka keenay Somalia  keen ayna wadamada yurub dabadeedna gabadhii ayaa waxa uu sheegay inay is bedeshay oo ay noqotay qof dhaqankiiba ka tagtay oo ciyaalkii uu  dhal ay xitaa dhaqaalayn wayday, sidaa daraadeed ayaan halkan u imid oo  ga bdhaha Hindida ah ayaa la ii sheegay ayuu yiri inay yihiin haween  wanaa gsan oo raaliyooyin ah, wuxuuna ii sheegay inuu guursaday oo uu aad ugu faraxsan yahay Ilaahna uu ku mahadinayo oo uu dareemayo is bedel wayn taabtayna hada nolosha qiimeheeda iyo macaankeeda ayuu sii raaciyay.

Waxaan sii waydiiyay farqiga u dhexeeya gabdhaha Somalida ah iyo  kuwa n Hindida ah wuxuu ii sheegay in farqi wayni u dhexeeyo oo xag walba ay ku kala duwan yihiin ha ahaato xaga Ixtiraamka raggooda & Dhaqaalaha.

Waxay sheegeen in gabdhahan Hindida ah si wayn ayay uga duwan yihiin Somalida oo ninkeeda oo keliya ayay taqaanaa oo xitaa waalidkeed marka ay ku siiyaan gabadha cid kaa soo daba hadlaysa ma jirto, Hablaha  somali da hadaad guursato gabadha iyada keliya ma guursane tolkeeda oo dhan ayaad guursatay ayay sii raaciyeen.

Oday SomaliyedHabeenkii anigoo la i babinayo ayaan seexday subixiina anigoo la i babinayo ayaan ka soo kacay!” Mid ka mid ah Odayaasha  waa wayn ee hore u guursaday gabdhahan ayaa ku kaftamay in isagoo babis lala dul fadhiyo uu seexday subixiina uu ka soo kacay isla sidii isagoo loo babinayo, Marka gabadh Somaliyed sidaa ma laga helayaa ayuu sii  raaciy ay!

Qaabka lagu helo Gabdhaha Hindida

Waxaa aad u fudud sida aad ku heli karto inaad guursato gabadh Hindiyad ah, oo waxaad ku heli kartaa adigoo u sii maraya rag Somali ah oo luqada yaqaana ama iyaguba xidid la ah dadka dalkan u dhashay oo sanooyin  ba dan halkan joogay, waxaana ay isla markiiba ku gaynayaan xaafada ay ku nool yihiin Gabdhahaas adigoo markaaba lagu tusayo ilaa 6 ama 10  gabd hood oo tii muuqaalkeedu ku qanciyo kala baxaya, waxaad waydiin kartaa su’aalo aan sidaa u badnayn iyadoo ehelkeeda ay kula joogaan ka dibna  is la halkii ayaa laguugu meherinayaa adigoo isla markaaba halka aad doonto la aadi kara, taas oo ay ku xiran tahay hadba reerka gabadha sida aad isu fahantaan.

Gabdhaha la guursado ayaa u badan gabdho ka soo jeeda qoysas dhaqaale ahaan hooseeya,


Badanaa waxaa aad u dhib badan in ay helaan ragaani gabar ka soo jeeda reer iska ladan sababtoo ah gabadha hadiiba ay awoodaan reerkeeda  in ay ka bixiyaan lacagta ninka Hindiga ah la siin lahaa reerkaa waxay  gabad hooda u guuriyaan hadba ninkii ay u goyn karto lacagtooda iyadoo ay ku xiran tahay ninka qiimihiisa hadba aqoonta uu leeyahay iyo qoyskiisa  dha qaalaha ay haystaan.

Gabdhahan ayaa u badan kuwa aan aqoon sidaas ah lahayn oo aan  bada naa xaga luqada aan la is fahmi karin iyadoo raga qaarkood ay ku qasabto inay is fahmi waayaan oo farriimaha qaarkood ay dibadaha uga soo  diray aan u sii marsiiya rag kale oo luqada yaqaana.

Mar aan wax ka waydiiyay ragaasi sababta ay u raadsan waayeen  gabd ho aqoontoodu wanaagsan tahay ayay ii sheegeen inay ka door bidayaan kuwan maxaa yeelay ayay leeyihiin gabdhaha aqoonta leh waxay u badan yihiin kuwo saxiibo (Boy friend) leh oo aan la aamini karin.

Gabadha marka aad guursato oo wixii lacag ahaa oo lagu heshiiyay aad  bi xiso ayaan lagaa rabin wax kale oo lacag ah oo dheeraad ah oo halkii aad doonayso ayaad gabadha la aadi kartaa Somalia ha ahaato ama dibadaha ha ahaatee.

Gabdhahan ayaa ay raggan aad kuugu amaanayaan marka aad waydiiso in kastoo dadka qaarkii ay arrintaa aad uga so horjeedaan oo ay leeyihiin  g abdhahan meelo badan oo ay gabdheheena Somaliyeed uga fiican yihiin  a yaa jira sida dhaqaalaynta carruurta, Nadaafada guriga iyo kartidaba, si doo kale ayaa waxay leeyihiin gabadha Somaliyed waa gabar tol leh oo  w alaal iyo qaraabo leh oo hadii ay wax ku qabsadaan ku caawinaya  caruu rtaadana caawinaya lakin gabdhahan ayaa hadii wax uun ay si kaa  noqda an ayaysan caruurtaadu helaynin cid caawiso oo ehel ahaan garab istaagaya.

Waxaa taa sii xoojinaya in haweenkan aysan ku wanaagsanayn carruur  x annaanaynta dhacdadan oo dhowaan ka dhacday dalkan taas oo ah gabar u dhalatay wadankan oo la yiraahod Sultana ayaa waxay daawanaysay filim iyadoo dhabta ku haysatay ilmeheedi oo aan sannad gaarin  dabadee dna iyadoo filimkii meel fiican u maraya ayuu ilmihii yaraa ku ooyay ka  dib na gacanta ayay afka ka saartay si ay u aamusiiso oo filimka ay  daawana ysana uga qasin, mudo ka dib markii ay filimkii dhamaysatay daawashadiisii ayay is tiri wiilkii wuu kuu seexdaye bal eeg, lakin nasiib darro waxay  oga atay ilmihii oo nafta ka baxday oo gacanteedii ay afka ka saartay ay  nee fta ku xirtay!

Hadaba waxaa la is waydiinayaa waxa keenay in gabdhahan ay sidan  ra aliyo u noqdaan oo nin Ajnabi ah oo aysan weligood arag isku dhaqan iyo isku af ahayn oo hadana mudo gaaban gudohood ku ogolaatay inay  hada na sidaa uga dambayso oo meel kasto oo uu tagayana u raacdo, ma wax ay ku dhasheen baa mise waa wax ay danta ku qasabtay oo duruufaha iyo nolosha aduunyada ay baday?.

Su’aashaas jawaabteeda waa mid akhristuhu oo ka dhex heli karo labadan dhacdo ee soo socota oo ku saabsan guurka hindida dhexdooda ah sida uu yahay.



la soco Qaybta 2-aad:

Waa sidee Guurka Hindida Dhexdooda?




W/Qoray: Abshir Maxamed Harir(DHUUNYAR)
EMAIL:abshirmx22@hotmail.com
Hyderabad, India