Rashiid Gaarufow Falaadhi Gil-gilasho Kaagama Ba’dee Cadaymo Keen!!
 

 

 

Hargeysa (TNN)-Wakiilka Somaliland ugu Magacaaban Dalka Maraykanka Rashiid Gaaruuf ayaa qoraal uu soo diray Libin aanay lahayn ku siiyay Xukuumadda uu ka tirsanyahay ee Somaliland.

Ambasadoor Gaaruuf oo qoraalkiisa ciwaan uga soo dhigay Dawlada Somaliland Waxay Go’aan satay In Aan Marnaba La Ogolayn Bixinta Ama Iibinta Passport-ka TFG-da, ayaa u hadlay si mu ujinaysa xogogaal la’aanta wadanka ka haysa.

Waxaanu qoraalkiisa oo qodobaysan ku bilaabay sidan:- “Waxan halkan idinkula wadaagayaa siyaasada iyo go’aanka dawlada Somaliland ay ka gaadhay Passportka TFG’da Somaliya iyo waxa laga yeelayo qofka sita ee imanaya Somaliland iyo passportka ay qaadanayaan ee loo ogol yahay dadka tegaya Xajka ee reer Somaliland. Arrinka xajka sida lagu tegayaa waa arrin xasaasiya oo u baahnaa xal degdeg ah. Taasoo ay dawlada Somaliland kala xidhiidhay Dawlada Sucuudiga sidii jawaab degdeg ah loogu heli lahaa.


1. Dawalada Somaliland ee Madaxwayne Ahmed Silanyo waxay go’aan satay sidii dawladihii ho re ee Somaliland; in Passportkii hore ee Somaliya ee jiray wixii ka horeeyay 1991-kii lagu tagi karo Xajka sannadkan 2012. Saudi Arabiana taa hore ayay u ogolayd oo dadka reer Somaliland xajka ugu tegi jireen.Dhowaan [sannadka 2012 horaantiisii] ayaa dawlada Sucuudigu soo saart ay amar odhanaya Somalida oo dhami waa inay soo qaadataa passportka TFG’da soo saartay marka ay xajka imanayaan.


2. Dawlada Somaliland ee Madaxwayne Ahmed Silanyo go’aanka dawlada Sucuudiga way ka so o horjeedsatay. Oo waxa ay xidhiidh kala samaysay dawlada Sucuudiga. Jawaabtii waxa laga soo diray warqad Safaaradda Sucuudigu ee Djibouti ay soo qortay oo ay dawlada Somaliland ugu sheegtay in ay dawladda Sucuudigu ogolaatay in Xujaajta reer Somaliland ay ku soo xaji karaan passport-kii green-ka ahaa ee ay awalba hore ugu soo xaji jireen. Shirkadda Daallo ay aa dadka xijaajta ah passport-kii green-ka ahaa u soo fiisaysa.


3. Dawlada Somaliland waxay go’aan satay in passport-ka TFG-da ee cusub loola dhaqmo sida passport ajanebi ah, visa-na la waydiiyo qofka sita, taas oo aan hore u jirin, lana ogyahay saa maynta uu ku yeelan karo dadka reer Somaliland ee ku nool khaliijka ee lagu qasbay inay qaata an, passport-kaas TFG-da, waxaana la weydiin doonaa Visa, laakiin waxaa hadda la wadaa sidii dadkaas reer Somaliland ee carabta jooga qiil loogu heli lahaa.


4. Dawlada Somaliland waxay go’aan satay in aan marnaba la ogolayn bixinta ama iibinta passport-ka TFG-da wadanka Somaliland dhexdiisa tallaabo adagna laga qaado cidii lagu helo arrintaa oo lagu gelayo jeelka.


5. Dawlada Somaliland waxay go’aan satay in waxyaabaha inaga hortaagan guud ahaan inaynu passportkeena ka iibgeyno wadamada carabta ay tahay in la inooga baahan yahay inaynu ka dhigno electronic passport (e-passport), kaas oo ka safe-san kan aynu hadda haysano oo la soo daabacay Xilligii madaxweyne Cigaal Alle ha naxariisto e; hawshaasna dawladu way ku guda jirtaa dhawaanna waa la soo gabogabaynayaa – haddii illaahay saamaxo.


6. Dawlada Somaliland waxay go’aan satay oo amar ku bixisay in aan Mas’uuliyiinta dawladdu aanay sinaba ku qaadan karin passport-kaas Somaliya (greenka ah) iyo ka TFG-da labadaba ama Xaj ha tegayo ama safar kale ha u baxayaba.


Hadaba qoraalka ka soo baxay Safiir Garuf ayaa u muuqda mid aan ka turjumayn xaqiiqada wa danka taala iyo sida ay yihiin arimaha uu halkan kaga hadlay, iyadoo ay wacnaan lahayd inuu qoraalkiisa soo raaciyo cadaymo markhaati furaya waxyaabaha uu ka hadlay.


Guusha laga gaadhay in Dawlada Sucuudigu Mawaadiniinta Somaliland u ogolaato inay xajka ku tagaan Baasaaboorkii hore ee Somaliya oo uu sheegay inay Xukuumadda madaxweyne Siilaan yo ka hawl-gashay ka dibna ku guulaystay, ayaa Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Macaamiishe eda ugu bushaaraysay laba todobaad ka dib markii Golaha Wasiiradda Xukuumaddu isku raace en in Baasaaboorka cusub ee Somaliya lagu tago xajka, iyadoo quus ka jooga in la ogolaado Ba asaaboorkii cagaarnaa.


Waxaanay sheegada hadda ee Gaaruuf u muuqataa mid lagu xaqirayo wax qabadka Bulshada R ayidka ah ama Ganacsatada wadanku, waxaase muhiim ah hadii uu masuulkaasi hayo wax cada ymo ah ama Qoraalada uu sheegay inay isdhaafsadeen Xukuumada, Dawlada Sucuudiga iyo ja buuti inuu si waadax ah u soo bandhigo.


Go’aanka kale ee uu leeyahay Xukuumadda ayaa ka gaadhay inaan dalka lagu iibin Karin Baasa aboorka Cusub ee Somaliya ayaa isna u ah mid aan xaqiiqada ku salaysnayn, hadii uu jirona la gafay, maxaa yeelay?, Magaalada hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa xafiis si toos ah u bixiya Baasaaboora TFG-ku ka furanyahay, hadii ay xukuumaddu go’aan ka gaadhayna kaasaa wax laga qaban lahaa.


Isku soo wada duuboo Ambasadoor Rashiid waxa la gudboon inuu soo bandhigo Cadaymaha arintan uu ka hadlay, hadii kalena aanu shacbiga marin habaabin.

 


Source:Waaheen