“Reer Sheekh Isaxaaq waxay haystaan 38 Hay’addood oo Madax-banaan,
Dhul-bahante iyo Samaroona hal ma hay staan, Afarta Kursi ee dalka
ugu Sareeyana waxa ku fadhiya afar Nin oo isku beel ah”Cismaan
Kalash
Hargeysa (TNN)-Cismaan Xuseen Bulxan (Cismaan Kalash) oo ka mid
ah Siyaasiyiinta waaw eyn ee Gobo lada Sool iyo Sanaag ka soo jeeda ee
Somaliland , xilalka kala duwana ka soo qabtay dawlada Somaliland
ayaa si weyn u dhaliilay miisaanka Kursiga madaxweyne Siilaa nyo u
magacaabay siyaasiga Saleban Ciise Axmed Kaar, kuna tilmaamay mid
aan wadada ka duwayn tabashadii Beesha Dhul-bahante ee dhinaca saami
qaybsiga Hay’adaha daw lada.
Cismaan Kalash oo Wargeyska Waaheen shalay u waramay isagoo ku sugan
Magaalada Ha rgeysa, waxa uu ku dooday inaanay talaabada madaxwenuhu
qaaday ahayn mid soo dha weyn ka helaysa bulshada Dhul-bahante, hase
yeeshee ay iska horkeen iyo cuqdad ka dh ex abuurayso Beelaha darafka
Galbeedka ee Xilka Xaglo Toosiye loo magacaabay laga qaaday.
Waraysigan oo uu kaga hadlay arimo badan oo khuseeya Siyaasadda
Xukuumada ee Bariga iyo guud ahaanba dareenka ka dhashay
Magacaabista Xaglo-toosiye iyo wixii ay filayeen ka hor intii aan la
magacaabin, waxa kale oo uu ku sheegay in saddexda Kursi ee dalka
ugu sareeya ay ku fadhiyaan saddex Nin oo Isku beel ka soo jeedaa,
taasina ay Xiqdi siyaasade ed iyo Sad-bursi ku tahay qayb ka mid ah
Bulshada Somaliland.
Cismaan Kalash oo ugu horayn ka hadlaya sida uu u arko Magacaabista
wasiirka Dib u de jinta iyo Miisaanka wasaaradda loo dhiibay waxa uu
yidhi “Waxaanu madaxweynaha leen ahay madaxweyne way wanaagsanayd
inaad Dhulbahante Kuraas siisaa, laakiinse may ahayn inaad Samaroon
uga qaadid, waxay inaad kuurasida waaweyn ee Isaaq ee Maaliya dda,
Duulista Hawada, macdanta iyo biyaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo
Xanaanada Xoolaha inaad siiso ayay ahayd, may ahayn inaad ma siisid
kuraasida yar-yar ee Dharbas hta ah, kuguna hambalyayn mayno. Waxa
weeye arintaana aadbaanu uga xunahay hadaa nu Dhulbahantihii dalka ka
midka ahaa, arintaana waxaanu leenahay kii aad siisayna Meel ka dhac
ayay ku tahay, kaad ka qaaday iyo qabiilkiisana waa ku meel ka dhac.
Labada beelood ee Darafyada may ahayn inuu wax u kala qaado oo uu
colaad dhex geliyo ee madaxweynuhu ha ka fiirsado,kamana xumin in
dhulbahante wax la siiyay, laakiinse reer kale inaad kuraasidooda na
siiso raali kama nihin ,waxaanan leenahay madaxweyne Kuraas ida
waaweyn ee Reer Sh. Isaxaaq ku fadhiyaan dadka u qaybi” – “38
Hay’adood oo madax banaan ayaa Isaaq ku fadhiyaa Hay’ad kaliya annaga
iyo samaroontoona kuma fadhino ama ma haysano,waxaanu leenahay dalka
saami qaybsigii fiicnaa ee xiligii Rayale ilaa Cigaal lagu jiray ku
soo celi, waayo Saddexda waaxood ee dalku ka koobanyahay ee Waaxda
Sharci dejinta, Waaxda Xukuumadda iyo Waaxda Garsoorka saddexda waxa
haysta Beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo.
S: hadii uu madaxweynuhu Kuraas idin siiyay maxaad ugu hambalyayn
waydeen ee aad ugu eedeynaysaan?
J: madaxweynaha waxaanu ugu hambalyayn waynay oo aanu ugu
eedaynaynaa may aha yn Wasaaradda dib u dejinta oo Reer ku fadhiyo na
siiyo, mana ahayn inuu Ganacsiga Rifo oo yidhaahdo Ganacsiga iyo
Warshadaha ayaan kala saarayaa ee waxay ahayd wasiirka inuu siiyo
Maaliyada ama arrimaha gudaha ama wasaaraddaha waaweyn ee qolada
reer Sh. Isxaaq ku fadhiyaan.
Ta nabadda diyaarbaanu u nahay, wixii nabada ka soo horjeedana
annagu heshiis lama nihin wixii na soo gala ee madaxweynuhu wax
siinayo in la hagaajiyo raalibaanu ka nahay , wixii colaad wadana
waanu ka soo horjeednaa.
S: Maadaama oo siyaasiyiinta aad ka mid tahay ee Gobolada ka soo
jeedaa waxba hore u qaban waydeen, ma u muuqataa inaad ka hinaasteen
Beesha qaybtii maqnayd siyaasiyiin ka soo jeeda oo Miisaan leh inay
ku soo biiraan siyaasada wadanka?
J: horta annagu waxba maanu qaban waayin oo Ninka ugu yari labaatan
sanadood ayuu joogay, waxaanu nahay Ragii Dhulbahante markuu mar
Puntland aadayay, marna Khaatu mo aadayey ku lahaa waar tanaynu
nahaye aynu nimaadno, markaa annagu maanta Khas aare ma joogno ee
halkii aanu joognay ayaa dadkii dantu ku soo wada Kaliftay, sidaa
awge ed waxaanu raali ka nahay kuwa Kuraasta u waal-waalanaya ee
marba meel ka degaya in kuraasta beesha la siiyo, kumana haysano,
laakiinse ta aanu diidanahay waxa weeye beel nala siman in waxeedii
naloo googooyo oo beelaha Miisaanka dalka haysta wax ka jari waayo
madaxweynuhu.
S: maadaama oo siyaasiyiintii la magacaabay Raali ka yihiin, maxaa
idin shidaya idinka hada a, madaxweynahase ma kala hadasheen oo ma u
bandhigteen Saamiga waaweyn ee aad sh eegayso?
J: waanu u bandhignay, waanu ogyahay oo madaxweynuhu inkasta oo la
leeyahay dastuur baa loo gudbay hadana dalku wuu beelaysanyahay oo
Somaliyi beelahaasay wax ku qayb sataa , Beesha hartina waxay lahaan
jirtay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo laba Gudd oomiye Baarlamaan
midkooda waa laga qaaday oo laba Nin oo Isaaqabaa ku fadhiya, laba
Nin oo Habarjeclo ah iyo Nin Habar yoonis ah ayaa saddexda Kursi ee
dalka ugu sareeya haysta, markaa waxaanu leenahay afarta Kursi waa
inaanu labadayda helnaa hadaanu Hartiga nahay, Wasaaraddaha waaweyna
waa inuu dadka imanaya wax ka siiyaa.
S: siyaasiyiinta Gobolka Sool ee xukuumadda ku jirta Dhaliilbaa inta
badan loo soo jeediyaa, ka sakow tan iminka aad ka hadlayso,
arintaasi sidaad u aragtaa?
J: horta maamulkani anigu waxaan u arkaa inuu wax badan dhaqaajiyay
oo la qabtay,wax badan oo ay ku dhaliilanyihiina ay jiraan, xaga
horumarka Goboladda Barigu Horumar badan ma leh hadii loo gaadho
Burco, sool iyo Sanaag horumar fiicani kama jiro, wax badan
Xukuu maddan iyo tii Rayaale isuma dhaamaan, waxa kale ee ay isu
dhaamaan waxa weeye askari laba boqol iyo konton qaadan jiray oo
laba boqol iyo Konton loogu daray, waxa kale oo iska bedelay oo
horumar ah anigu kolay ma ogi.
Dad badan oo ka cabanayay biyo la’aan iyo Caafimaad darona waan
arkayay, Biyuhuna ko lay ma dhaafaan Burco oo Mashaariicdaa Biyaha ma
helaan goboladaasi , kuwa waxbaras hadana ma helaan, markaa xagaa
horumarka wax badan isma dhaamaan.
S: markaa inta aad iminka madaxweynaha ku dhaliilaysaan Mansabyadan
uu bixiyay, maxaa ugala hadli waydeen cabashooyinka Gobolada ka jira
iyo sababta wax looga qaban waay ay?
J: in badan baanu u sheegnay oo Qoraalo u geynay annagoo ah
masuuliyiin badan oo Ree rka ah, markii aanu nabada Ceerigaabo ka soo
dhamaynay ayaanu ku nidhi waa in ceeriga abo horumarkeeda wax badan
laga qabtaa oo wadooyinka iyo isku dheeli tirkeeda wax laga
qabtaa,wax madaxweynuhu arintaa ka qabtayna ma leh.
Source:Wargeyska
Waaheen
|