Inay Maanta Reer Boorame Saajin la bedelay u Baroortan Waa nabsigii laga galay reeraha kale aan Isaaqa ahayn

 


Inay maanta reer Boorame Saajin la bedelay u qayliyaan oo mudaharaad iyoxasilooni daro iyo  bar oor suldamadoodu ku baaqaan waa nabsigii laga galay dhamaanba reeraha kale ee dega  Somalila nd ee aan Isaaqa ku abtirsan. Shan iyo tobankii sano ee u danbeyey Reer Boorame Somaliland  ama ma daxweyne ka ahaayeen ama ku xigeen bay ka ahayeen.

Madaxweyne Riyaale is ka daa inuu saajin bedelo ee wuxuu xidhi jiray Suldamada, Boqorada, Sara akiisha, Birmageydada, Odayaasha, Dhakhtarada, Dhalinyarada Rag iyo Haweenba. Imisaa qof aan maxakamad iyo garsoor arag habeen madaw lala guureyey oo Mandheera la dhigay. Ma cidbaa  m udaharadi jirtay, ma Suldamaa shiri jiray. Eex qabiil,Cadaalad daro, Musuqmaasuq waa waxay  Som aliland ka dagaalantay ee dawladii Siyaad Barre ku riday.

Intiiba Ina Riyaale wuu inagu soo celiyey oo weliba sanka inag mar mariyey oo dawlad fadhiid ah oo aan waxba tarin sided sano inala hor fadhiyey ilaa iminkana dawladan curtin ka ah ee labada billod jirtay ay la legdamayso sixida waxaaybo badan oo khalad dhaafay, ma cidbaa qaylin jirtay.

Maxaa laga dheefay
Reer Boorame iyo kuraasta ugu saraysa ee Somaliland shan iyo tobonkiii sano ee ina soo dhaafay aan ahayn Dibu dhac,Musuqmaasuq,Cadaalad daro iyo Ciil kaambi. Maantana S aajin la bedelay baan u barooranayaa oo wadanka qas iyo xasilooni daro ku abuuraya waa arin  ug ub ah waxayse ka helaan bay reer Boorame leeyihiin.

Waxaase wax lala yaabo ah inta ay socon doontana aan cidi garayn, in siyaasiyiinta Somaliland oo mid kastaa markuu manfac kursi doonayo uu qof reer Boorame ah isku laamaneeyo maxaa ku  dha cay dadkii kale ee aan isaaqa ahayn ee wadanka degana. Ma tusbax baa ku go ay inuu  madaxwey ne ku xigeen kastaa noqdo reer Boorame.


Nabsigeedii waaka dildilacaya iminka ee hadaba wax halaga gurto. Sheekada reer Booramena  int aa ka qoto dheer ee suga gargariirka ka soo socda hadaan iminka xal deg dega laga gaadhiin oo anay garwaaqsan khaladkooda ilaa iyo dawladii Siyaad bare ay ku kacayeen ee maslaxaada iyo dul ka  dh ayida lagu dhaafayey.

Waxa xusid mudan in saajinka la bedelay uu joogay aagan galbeed shan iyo tobonkii sano ee ina soo dhaafay tii maalintii dhawayd ee ciidamada ONLF bada Somaliland ka soo degeen oo wadank ku dhex mareena aanay ahayn tii ugu horaysay ee qaar badan oo ka horyey ay jireen oo sida la  she egaya cidwaliba meesha kootarabaan soo marin jirtay.





Nabad iyo Caano.
 

 

 

Abdirahman Hussein
Washington Metro Area
a.burco@gmail.com