Hargeysa: Dadweynaha Reer Goljanno oo ka Gadoo day D hisme Laga Bilaabay Laag Biyo-mareen u ah Xaafaddaas

 


 

Hargeysa (Timacade News)- Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadda Goljanno ee magaalada Hargeysa, ayaa si weyn uga gadooday dhisme shalay laga bilaabay laag biyo-mareen ah oo xaafaddaas dhexmarta oo la sheegay in dawladda hoose ee caasimaddu ka iibisay dad rayid ah.

Goobta laga bilaabay dhismaha oo ah halka ay ka bilaabanto laag weyn oo biyo-mareen u ah xaafaddaas, ayaa la sheegay in dawladda hoose ee Hargeysa dhul ahaan uga iibisay dad shacab ah oo doonayey inay laagta aasaan, kadibna guryo ka dhistaan.

Dadweyne cadhaysan oo tiradoodu ku dhowdahay boqol qof oo ka mid ah shacbiga  xaa fadda Goljanno, ayaa gelinkii hore ee shalay isugu soo ururay laagta biyo-mareenka ah ee dhismaha laga bilaabay, kuwaasoo khasab ku joojiyeen dhismihii ka socday goobtaas oo muran is-maandhaaf adag ka dhacay.

Intaa kadib, waxa halkaa tegay xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xaydh) oo ka mid ah mudanayaasha golaha degaanka caasimadda Hargeysa, waxaannu si uu dejiyo dareenka dadweynaha gadoodsan u sheegay in aan dawladda hoose iibin laagta, balse hawsha  la ga qabanayo biyo-mareenku tahay mid lagu qarinayo qashin tiro badan oo ka buuxa  guu daha laagta.

Haseyeeshee, Qaar ka mid ah dadweynaha reer Goljanno goobtaa isugu soo baxay, ayaa Jamhuuriya u sheegay inay ka cadhaysan yihiin qorshe dawladda hoose ku doonayso in ay iibiso samaynayso laagta keliya ee biyo-mareenka u ah xaafadooda, tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid khatar weyn ku keenaysa xaafadda oo markii horeba cidhiidhi  aha yd, gaar ahaan xilliyada roobka oo daadku u geysan karaan guryahooda.

 


Source: Jamhuuriya Online