Daahir Riyaale Inaan Xigmadi Ka Soo Baxayn
Horaa Loo Ogaa

 



Horaa loo yidhi hadaad aqal quraarada ku jirto waar cidna ha shiidin oo dee dhagax ha tuur tuurin. Dahir Riyaale Kaahin ayaa horta sidaa ka dhigan oo shiid bilaabaya isaga oo aqal qaruurada ku jira ! Riyaale hogaamintiisii shacabkii Somaliland wuu ku dhex fashilmay, cid kastaana way ogaatay. Dadka EBBE abuurtayna qofba wax buu ku wanaagsanyahay, Riya alena ILLAAHAY hortiise aamusnaanta iyo inaan laga had lin ayuu ku wanaagsanyahy.


Madaxtooyada Somaliland Dahir Riyaale wuxuu ku soo jiray 12 sanadood oo gow ah. Shan wuxuu u ahaa madaxweyne ku xigeen marxuum Maxamed xaji Ibrahim Cigaal, todobana  ma daxweyne ayuu dalkan ka ahaa. wuxuu se illa iyo maanta baran kari la’yahay habsamidi iyo dhaqankii siyaasada lagu yaqaanay,marka laga yimaado in lagala xisaabtamo 12 kaa  sa nadood wuxu dalkan u qabtay iyo wixii hagardaamo uu u gaystay.

Barigii hore wuxuu ku ladna, waabu iska aamusnaa mar uu u odhan jiray Siilaanyaa i caaya ya aniguna licence baan u siiyay inuu i caayo laakiin imika wuxuu ku darsaday oo afkiisa  la ga hayaa hadii fashilaadayda, tamar la’aantayda iyo fadhiidnimada xukuumadayda wax laga sheego Somaliland baa wax laga sheegay ee arimahaas yaan laga hadlin, hana i sheeg sheegina.


Todoba sanadood waxaad dalkan kaga fashilantay hadaba Dahiirow ood qaban kari wayday adiga iyo xukuumadaaduba daacad daro iyo tamar daroba, ayaa Md  Siilaan yo iyo xisbigii Kulmiye ay ku qaadatay todoba maalmood oo qudha inay ku qabtaan sarena u qaadaan  su mcadii Somaliland ee aad la seexatay. Md Axmed Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye waxay  Maan ta guul ka sidaan bulshadii caalamku in ay dalkan  aqoon sanayaan diyaarna u yihiin hadaad xaq dhowrto geedi socodki dimuqraadiyada  dalk ana ay doorasho xor ah oo xalaal ah ay ka arkaan, hadaba Dahirow guuli kaa dheer marka xor iyo xalaal la soo hadal qaado ee ha ka riyoon sidii hore.

Daahirow doorkanna la isu soo dhigay oo indhihii Calamka iyo dawladii Maraykanba markan waxay u soo jeestay inay wax la qabato Jamhuuriyada Somaliland ee aad la hadhay. Horaa loo yidhi nin daad qaaday xumbo cuskay, Alaylee adigaa xumbo  cusk aday.


Hadal badan Daahir Riyaale la odhan maayo oo waano dhalan baa ka adag waxaanse Dahir Riyaale su'aali lahaa 1991 iyo wixii ka horeeyay xagaad joogtay? Bal hada hadaba ka  shee kee oo ka jawaab safarkii 1991 aad kaga ambabaxday magaalada Berbera ee aad  magaala da Laascaanood ku tagtay ma dalxiis buu ahaa mise fagax buu ahaa ? Axmed Siilaanyo  lag aa difaaci maayo Dahirow waayo dadka ka horba, ciidda iyo dhirtaa taqaan oo markhaati ula soo taagan. Xamar oo dhisan ayuu duurka inuu galo ka doortay, Xamar oo ololaysa  mal aa adigaa Dahirow lagaa ha hayaa. Xukuumadaadu waxay ka wada kooban tahay  hadhaa gii lagaga yimid Muqdisho, adigaa Cabdillahi Yusuf adisababakula shiray, adigaa Shariifka Xamar Jabouti kula kulmay la shiray adigaana Cade Muse Yeman kula shiray. Dahir  intaan ad Dahirow ugu yeedhin ayuu Dahirow ku yidhaa !

Adigana waynu is ognahay tariikhdaadii hore ee ka daa yaan lagugu soo faqin waxaanad raali ka noqon donin

 

 

 

Barkhad Axmed Ismaciil
Fairfax, Virginia
USA