Waraysi Khaasa

 

Rayaale Doorasho Ma Ogola Haddii Ay Dhacdana Waxa Uu Ku Talo Gal ey Inuu Ku Shubto, Waran Cadde-Na Wuxuu Si Dadban U Daah-Furay  Damaca Rayaale Ee QarsoonMd:Axmed Wayne Golaha Wakiilada, Waraysi Khaasa

Md:Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Wayne) oo ka mid ah  mudanayaa sha golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka Hargeysa ayaa  ma daxweyne Rayaale ku eedeeyey inaanu ogolayn in doorashada  madax tooyadu dalka ka qabsoonto 27 September,2009, taas oo uu ku  tilmaa may inuu damacsan yahay in haddii doorasho dhacdo uu ku shubto, isagoo intaa ku daray in shuruudaha deeq bixiyeyaasha iyo  heshiis yada doorashada ay ka gaadheen axsaabta siyaasada iyo komishanku ay xukuumadiisu uga war wareegayso si aanay doorasho xor ah oo xalaal ahi dalka uga dhicin.

Axmed Weyne waxa uu dhinaca kalena madaxweyne Rayaale eedo uga soo jeediyey aamuska uu afka ka xidhay shaqaaqadii ceelbardaale ka dhacday horaantii bishii March oo ay ku nafwaayeen dad tiradoodu gaadhayso lix qof, kuna dhaawacmeen sagaal qof, taas oo guddi dhexdheexaadin ah oo golaha Guurtidu u saarayna ay 7 bishii  June ,2009 ay ka soo saareen go’aamo xukuna oo ay u qabteen fulintooda 7 July,2009, taas oo uu ku eedeeyey in xukuumadiisu aanay daacad ka ahayn fulinta go’aanadaasi oo uu tilmaamay inaanu wax qorshe ah ilaa hadda madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu aanay ka samaynin sidii loo soo afjari lahaa muranka dhul ee ka taagan Ceel Bardaale.

Md:Axmed Wayne waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu wargeyska Haatuf shalay uu kula yeeshay caasimada, kaas oo uu kaga hadlayey arrimo ku saabsan labadii xubnood ee komishanka doorashooyinka ee golahoodu dib ugu celiyey madaxtooyada iyo xafladaha lagu taageerayo madaxweynaha Djibuuti ee lagu qabto dalka gudihiisa iyo sidoo kale arrimo ku saabsan safarkii uu Rayaale kaga soo laabtay dalka Kuwait oo uu ku tilmaamay mid shakhsi oo aan ka turjumayn geeddi socodka Somaliland iyo horumarinteeda, waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaana waxa uu u dhacay sidan:

S:sideed u aragtaa go’aamadii ay golaha Guurtidu ka soo saareen shaqaaqadii dhimashada iyo dhaawaca keentay ee ka dhacday deegaanka ceel bardaale ee galbeedka Gabiley oo mudadii fulinta go’aanadaasi ay muddo kooban ka hadhsan tahay?

J: Horta waxa nasiib daro ah madaxweyne Rayaale dhibtii halkaa ka dhacay Ceelbardaale wax baaq nabadeeda oo uu kasoo saaray iska hor imaadkii deegaankaa ku dhexmaray labada beelood ee walaalaha ah haba yaraatee ma jirto, waxa kale oo ka sii daran tabaabusha la’aanta xukuumada ilaa hada ka muuqata iyadoo mudadii fulinta go’aanada loo qabtayna ay kaabiga ina soo saartay,kuna eeg tahay 7-da bisha July ee fooda inagu soo haysa, kaas oo mandate keeduna ka bilaabmayey 7-dii June oo ahayd maalintii ay go’aamdu ka soo baxeen Tuulada kala Baydh, sidaa darteed marka arrimahaasi la eego waa mid looga shakiyi karo inaanu Rayaale raali ka ahayn soo afjarida shaqaaqadaa,amase qayba ka yahay haseyeeshe fulinta go’aamadaasi waa kuwo xukuumadiisa iyo isaga gaar ahaantiisa ugu yaalla, waxayna wakhtigan xaadirka ah bulshada reer Somaliland ay si gaar ah indhaha ugu hayaan sida uu Rayaale uga hawlgali doono fulinta go’aamadaasi iyo qadiyada ka taagan deegaanada Ceelbardaale, taas oo ay ku naf waayeen dad tiradoodu gaadhayso lix qof, kuna dhaawacmeen sagaal qof, iyagoo labada beelood ee walaalaha ah ee deeganadaasi ku dirirayna ay yihiin dhal iyo dhasheed, isla markaana ah labadii goboL Rayaale si weyn xil uga saarnaa, nasiib darase wax macqul ah uma arko inuu Rayaale sidii gorayada uu madaxa ciida galiyo, kana warwareego maaraynta muranka ka taagan beelaha walaalaha ah .

S:waxa jira xaflado lagu taageerayo madaxweynaha Djabouti oo lagu kala qabtay Boorama,Gabiley iyo Hargeysa sideed u aragtaa xafladahaas oo walba ay doorweyn ku lahayd xukuumada Somaliland?

J:Runtii baryahan dambe waxay Xukuumada Rayaale dalka ka waday xaflado lagu taageerayo hogaanka Jabuuti,waxaanad moodaa in arrimahaasi ay ka qoto dheer yihiin xidhiidho Somaliland iyo Jabuuti, balse ay ku qotonto kaambayn uu Rayaale ku doonayo sidii uu kursiga ugu sii waari lahaa, taasina waxa daahfuray, xukuumada Somaliland oo munaasibadii 26 june oo ay ahayd in la qabto habeenkii jimcihii ku beegtay xuskii xornimada Jabuuti.

madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle jaarnimo wanaagsan inay inaga dhexayso waa waajiab laakiin anigu waxaan garan la’yahay waxa gaarka ah ee Rayaale kaga xidhan Jabuuti, ta kale waxa arrimahaasi inoo daah furay, hadalkii kasoo yeedhay wasiirka duulista hawada Cali Warancade oo aan u arko wasirada fara ku tiriska ah ee hawl karka ah ee xukumadan oo aan u arko masuul aan si fudud hadaladu uga dhicin, balse waxaan u arkaa in wasiir waran cade uu dadka reer Somaliland u sarbeebayey si dadbana ugu sheegayey sida Rayaale uga go’aan tahay inuu cimri dherer ku helo kursiga.

S:labadii xubnood ee komishanka doorashooyinka ee madaxtooyadu idiin ku soo gudbisay eedii xil ka xayuubinta ee ay u soo jeediyeen komishanka ee dhawaan dib ugu celiseen madaxtooyada si eedahooda sharciga loo soo waafajiiyo eedahaa lagu soo oogay labadaa xubnood ee Maxamed Yuusuf iyo Axmed X. Bidaar sideed u aragtaa?

J:Horta labadaa xubnood ee komishanka doorashooyinka dib ayaanu gole ahaan ugu celinay madaxtooyada guddida arimaha gudaha oo golaha ugu xilsaaran hawshaasi ayaana soo jeedisay in shuruudaha xeerka lasoo waafajiyo eedahooga, waxaa loo baahan yahay marka ay komishanku is qabtaan in guddi baadhisa loo saaro waxyaalaha ay isku eedaynayaan, ta kale xubinta ay ku eedeenayaan caafimaad darada, iyagu ma dhakhaatiir caafimaad bay isku bedeleen waxay ahayd in qoraal baadhisa oo doctor soo cadeeyey caafimaadkiisa ay soo raaciyaan waxayse u muuqataa in eedaha xubnahaasi aanay  komish anka ka iman balse ay ahaayeen arrimo marmarsiiyo lagu doonayey oo ujeedooyin iyo dano gaara lagu fushanayey, waxaana anigu usoo jeedinayaa in golaha wakiiladu ay guddi baadhisa oo khaasa u saaraan mushkiladaha iyo khilaafka dhexyaala komishanka oo si qoto dheer loo baadho waxyaalaha keenay khilaafyada komishanka doorashooyinka Ragaadiyey, laba xubnood oo la bedelo kuwo cusubna la soo magacaabo xal u noqon mayso komishanka,balse waxa muhiim ah in komishanku ay si midaysan u wada shaqeeyaan.

S:muddadii doorashada madaxtooyada loo cayimay inay qabsoonto 27 ka September oo muddo kooban oo 90 maalmood ahi ka hadhsan tahay lagana dayrinayo inay ku qabsoonto mudadaas marka la eego duruufaha iyo qaybyada ku xeeran hawlihii doorashada haddii ay qabsoomi waydo, maxaad xal u aragtaa ?

J:Horta madaxweyne Rayaale ma ogola in doorasho xora oo xalaal ahi ay dalka ka dhacdo, waxaana taasi u sababa sida uu u diidan yahay, shuruudihii looga baahnaa doorasho xalaal ah iyo shuruudihii ay dawlada deeqbixiyeyaashu ku xidheen doorashada waxaanay ujeedada Rayaale uu damacsan yahay laba masalo inaanay doorasho dalka ka dhicin oo wuxuu ogyahay haddii ay doorasho dhacdo inaanu ku guulaysanayn, ta kale waxa uu ku tala galay haddii ay doorasho dhacdana inay qabsoonto doorasho aan xor iyo xalaal ahayni si ay ugu suura gasho doorasho uu ku shubto haseyeeshee haddii ay doorasho dib u dhacdo, waxaa go’aan wada jira ka gaadhi dona golayaasha baarlamaanka oo cidii danbiga dib u dhaca doorashada yeelatana waa inay talaabo sharciga oo adag ku abaal mariyaan cidi dambiga yeelatana.

Dibna usocon mayso cimri dherer sharci daro oo kursiga lagu sii nagaado, hadday Rayaale dhab ka tahay in doorasho xor oo xalaal ah dalka ka hirgaliyana waa inaanu dhaqaalaha iyo warbaahinta qaranka u adeegsan kaambaynka xisbiga UDUB,isla markaana uu u hogaansamaa fulinta shuruudah doorasho xor ahi ku qabsoomi karto.

S:socdaalkii uu madaxweyne Rayaale dhawaan kaga soo laabtay dalka Kuwait sideed u aragtaa?

J:Horta safarkan uu ku tagay dalka Kuwait kama duwana safaradii hore ee uu dibadaha ku tagi jiray ee aanu qaranka waxba uga soo kordhin jirin, waxaanse u arkaa in socdaalka Kuwait uu ku tagay, ku salaysnaa mid sakhsiya oo aanu ka badnayn xod xodasho danihiisa shakhsi ee gaar ahaaneed, maxaa yeelay maalintii uu dhoofayey waxa uu si qaatay hal shandad oo kaliya maalintii uu soo laabtayna waxa uu la yimid laba gaadhi oo buuxa oo shandado iyo agab kale isugu jira sidaa darteed arin qaran oo caama uma tagin Kuwait


Haatuf