Hadii uu Madaxwayne Rayaale ka Maqanyahay Somaliland Ma xaa looga Qaadi waayay Isbaarada Taala jidka hormara Madaxtooyada ee Habeenkii Xaniban?.

 


Qaraxyadii Foosha xumaa ee lagu kacay Somaliland ee khasaaraha dhimasho iyo dhaawacba soo gaadhsiiyay Muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku kala sugnaa Safaarada Itoobiya, Xaf iiska UNDP, iyo Xarunta Madaxtooyada Somaliland, kuwaasi oo Qofkasta oo reer Somaliland ahi ka murugooday Falkaasi Arxan Darada ah.

Falkaasi Foosha xumaa ka Bacdi Xukuumada Somaliland Waxay Xidhay jidka wayn ee  Badhta maha Magaalada hargeisa Kaasi oo hor mara Aqalka Madaxwayne rayaale ama  Madaxtooyada  Somalial ndba. Markii uu xidhnaa in muddo ahaa waxay ogolaatay in maalintii ay  baabuu rtu maraan balse lixda fiidnimo wixii ka danbeeya ay Xanibantahay oo aan la mari Karin wax kastaa hadii ay dhacaan.

Ma xuma in nabad galyada Somaliland la Adkeeyo, Cadawga laga hortago, Cidkasta oo  Somal iland waxyeelaso Gacan bira lagu qabto balse wax lala yaabo ah, fulaynimada intaa leeg ilaa haatan u Xanibanyahay jidka madaxtooyada hormara.

Nafta Bani aadamku dil ayay ku wada xukumantahay, Qof waliba maalinta illaahay u qoro  ay uu  dhi manayaa, wax wal oo aad samayso, Hub walba oo aad haysto, ciidan badan oo aad  ha ysato, kaa ma celinayaan wadka, Qof kastaana wuu dhadhaminayaa Geerida mar ay  noqo toba.

Hadaba waxaa iswaydiin leh hadii ay Madaxwaynaha u Xanibnayd Wadada madaxtooyadu  i saguna hadda ka maqanyahay Dalka oo uu dhawaan u kicitimay Dalka faransiiska, Maxaa  loo gu Furi  waay ay Dadwaynaha ku dhibaataysan maritaanka Jidkaasi wadnaha magaalada  Har geisa, Bal hadii  isa ga laga baqayay inay waxyeelo ka soo gaadho.

Madaxwaynaha Somaliland dadkiisu waxay ka mudanyihiin in uu rabitaankooda qadariyo, wixii dhib u keenaya ka illaaliyo, Masuuliyadiisu maaha in uu Xanibo oo uu diktaatooriyad kula koco marba  isb aaroyar meel dhigto sidii Qabqablayaashii Koonfurta Somaliya, Waa Calaamado ka fogaynaya  Dadk iisa, waa Calaamadihii kali talisnimada, hadii aanu Arintaasi ka noqon.

Dadwaynaha waxa ku Waajiba ah inay Madaxwaynohooga ixtiraamaan, inay Codkooda  siya an Cida wax uqabanaysa, ee aan dhibaato u keenayn shacabkooda xorta ah.

Qofkasta oo Habeenkii soo raaca Bas ama kumara jidkaasi baabuur wuu garan karaa Dhibka ka  qab sada iyo Gooladaha Xaafadaha dhexdeeda ee lagu kalifay inay maraan iyada oo  Xuku umada  Raya ale Isbaaro iska Dhigatay jidka Hormara Gurigiisa, Madaxwaynuhu Hadii Cabsi ka hayso Shicibkiisa Waxay ahayd inta uu Bulshadda intaa leeg Xanibayo inuu u Guuro meel ka Baxdan Wadnaha  maga alada oo aanu cidna wax ku yeelayn, taasi ha u samaysto jid uu sida uu doono ka yeelo, xiliga uu doono xidho, markuu doonana furo.

Balse Dadku waxa ay illaa hadda la amakaagsanyihiin oo ay iswaydiinayaa Jidka  madaxtooy adu Ma marinkii Qasa ayay noqotay? Iyo su,aalo kale oo aan wali jawaabtooda la helin, Xuku umadduna  ma rna kamay haddal Sababta ay u xidhantahay wadadaasi tan iyo Qaraxyadii  Har geisa ka dhacay.

Cadawga Somaliland wuu fara badanyahay, Waana waajib saran Xukuumada Somaliland inay  Difaa cdo Qaranimadeeda, Shicibkeeda balse maaha Xukuumaddu in Awoodeeda isugu gayso Muquuninta Xisbiyada mucaaridka balse waxay ahayd inay kala saarto Jiritaanka Somaliland iyo Cadawgeeda sidii loo tirtiri lahaa. Iyaga oo kaashanaya Xisbiyada mucaaridka ah iyo  Dad waynaha reer  Somalil and-ba. Balse may ahayn in Dadka iyada oo Argagax loo gaystay oo  X ukuumadu Dayacday  Masu uliyadii ka saarnayd illaalinta nabad galyada iyo la dagaalanka  Ca dawgeeda inay haddana  Shaca bka ugu Daraan in Jidadka laga xidho, iyada oo aanay jirin  sa bab cad oo loo xidho Wakhti  Xaadirk an.

Guntii iyo Gunaanadkii Madaxwayne Rayaale waxaan kula Talin lahaa in Shacabkiisa soo  dha waysto, oo aanu ka dhigan cadaw iyo dad isaga weerar ku ah, balse iyaga Garab ka dhigto rabitaankoodana Qadariyo.

 

 

 

Nimco Muxumed Ibraahin
Timacade News Network (TNN)
Qaali540@hotmail.com
Hargeisa/somaliland