Waraysi Khaas Ah Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur)

 

Rayaale Iyo Axmed Yaasiin Waxa Kaliya Ee U Hadhay Waa Inay Dadka Iibiyaan

"Xildhibaanadii La Soo Doortay Markay Tallaabo Kale Oo Ay Qaadaan Garan Waayeen, Qof Kastaaba Mooraal Xumadiisa Gaarka Ah Ayuu La Hoos Jiifsaday Gurigiisa"

Waraysi Khaas Ah Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur)
 

Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur), oo ka tirsan Golaha Wakiilada  Soma liland, ayaa sheegay in Mudaneyaashii aqalkaasi ay niyad-jab la jiifaan  Gury ahooda, halka qaar kalena ay dibadaha u baxeen markii xukuumaddu ay ku dhaqmi wayday shuruucdii iyo soo jeedimahoodii, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay inay dhamaysay khayraadkii badda isla markaana ay xiligan  bilow day inay iibiso guryihii ay ka tageen Ingiriiskii iyo Siyaad Barre.

Mudane Duur, oo ka mid ahaa Mudaneyaashii laga soo doortay Gobolka Saaxil, kana soo baxay Xisbiga UDUB, wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay siiyay Weriyaha Shabakada Wararka ee Ramaas News, Cumar Maxamed Faarax, kaas oo uu Mudanuhu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka Golahooda Wakiilada, waxaanu wareysigaasi u dhacay sidan:

S: Waxaa dhacda in aanay Mudaneyaasha Golihiinu ka soo xaadirin intooda badani Golaha oo fadhiyadiinii ay u baaqdaan Kooram la’aan, Maxaa Golihii la soo doortay ku dhacay?
J: Golaha Wakiilada Somaliland ee la soo doortay wuxuu ka niyad jabay, oo uu quus ka joogaa hawshii uu gacanta ku hayay oo ay waxba ka fuli waayeen. Golaha la soo doortay Mudane kastaa ma uu doonayn in 82-ka Mudane qol la iskugu xareeyo oo ay dhexdooda ka noqoto shimbirayahow heesa. Waxayse doonayeen inay tallada qarankan qayb ka ahaadaan, oo ay wax ku yeeshaan, taasina way beenowday. Ummaddii way rajo beeshay goleyaashii qarankuna way rajo beeleen, rajo-beelkaas dalka ka muuqda ayaa Golahana saameyn ku leh, sababtuna waxa weeye Goluhu wuxuu soo saaraa shuruuc, shuruucda uu soo saarana laguma dhaqmo. Waxa kale oo Goluhu uu tallo ka soo saaraa arrin u muuqatay oo uu yidhaahdaa inta uu go’aan Gole ku soo saaro sidaasi hala yeelo, Goluhu waaqica iyo duruufta dalka wixii aragti ah ee uu ka jeediyo iyadana laguma dhaqmo. Markaa qof kasta waxa u muuqatay ayaan is leeyahay, maadaama oo go’aamadooda mid sharci ah iyo mid tallo soo jeedin ah midna soconaynin niyad jab ayay Mudaneyaashii la soo doortay ku keentay markay tallaabo kale oo ay qaadaan garan waayeen, ama tallo kale oo wax la iska weydiiyay oo la iskugu yimid ay waayeen ayuu qof kastaaba mooraal xumadiisa gaarka ah la hoos jiifsaday Gurigiisa. Markaa qaar dhoofay oo dibadda ku maqan iyo qaar Magaalada jooga oo aan danaynayn waxa Golaha ka socda ayay noqdeen.

S: Mudaneyaal ayaan fikiradaadaasi aan qabin oo aaminsan in Mudaneyaashii mucaaridka ah oo ka faa’iidaysanaya shirgudoonka oo mucaarid ahi ay Golaha Wakiilada qasayaan, Arrintaasi maxaa ka jira?

J: Taasi ma jirto oo Saxaafadduba markhaati bay ka tahay, Golihii imika wuxuu marayaa inaan la iskuguba iman, wax qas ah iyo wax dhibaato ah oo haba yaraatee ka dhacayna ma jirto. Doodaasina ma aha mid caqli ku salaysan. Goluhu qas uma xidhmine’e wuxuu u xidhmay karti darro, waxqabadkiisii iyo wixii uu soo jeediyay oo socon waayay iyo mooraal xumo ayuu u xidhmay. Mooralka ayaa Mudaneyaasha ka dhintay, waxaana ka dhintay hankii ay filayeen inay dalka wax kaga qabtaan. Goluhu dhalinyaro ayuu u badan yahay, dadka dhalinyarada ahna dhammaan hankooda waxa ku jira inay wax qabtaan, oo ummaddii soo dooratay ay raad wanaagsan uga tagaan, taasna Xukuumadda ayaa ka fara-maroojisay.

S: Markaa ma mooraal xumadaas aad sheegtay ayaad ku sii jiraysaan, mise xal kale iyo inaad meesha banaysaan ayaad soo bandhigaysaan?

J: Mayee xal kale ayaanu samaynaynaayoo xalkaasi oo ah hal qodob, goluhu si uu u shaqeeyo fursadda xiligan taallaa waa dalkii wakhti doorasho ayuu ku jiraa markaa, waa in Xildhibaanadu ay fursadaasi ka faa’iideeyaan, si uu u yimaado isbedel siyaasiya oo dalka ka dhaca oo la rido xukuumaddan Golaha fadhiisisay.

S: Waxa jirtay in Mudaneyaal badan oo Xisbiga UDUB ahi ay fadhigii Golaha ee maanta (shalay) ay iman waayeen, iyadoo la sheegay inay diidanaayeen mooshin ay wadeen Mudaneyaasha mucaaridku, muxuu ahaa mooshinkaasi yaase waday?

J: Waxay ka shakiyeen hal Qodob oo ah, waxaynu ognahay in xisbiyadu ay heshiis gaadheen markii afar jeer oo hore muddo kordhin la sameeyay in aan mar dambe muddo kordhin la samayn, oo doorashaduna ku dhacdo 29-ka bisha September ee foodda inagu soo haya. Waxa muuqata ifafaale ah inaanay doorashadu ku qabsoomayn 29-ka Bisha September, haddii korodhsiimadii heshiis laga galay, oo aanay doorasho qabsoomayn soo ma aha in Goleyaashu ay ka fikiraan haddii wakhtigaasi doorasho dhici waydo wixii dalka lagu badbaadin lahaa.

S: Mooshinkan oo aad wax ka saxeexday, Golaha miyaad horgeyseen?

J: Haa shirgudoonka ayaa gacanta ku haya wax kalena ma aha ee waa maxaa la yeelayaa oo looga wareegayaa haddii ay doorashadu wakhtigaasi ku qabsoomi waydo.

S: Waxaad tahay Mudane ka soo baxay xisbiga UDUB, sidan aad u hadlaysaana waa luqadii mucaaridka, dadkii UDUB-nimo kugu doortay maxaad ku qancinaysaa?

J: Dadkii ii coddeeyay waa run oo waxay iigu codeeyeen Xisbiga UDUB, laakiin waxa la dooranayay waxay ahayd qofka ee may ahayn Xisbiga, dadku shalay magacii UDUB ee aan ku tartamayay may dooran ee Aniga ayay I doorteen. Anigaa la I eegayaa waxaan qabto, waxa aan dadka u idhaahdo iyo sida aan ummadda u metelo masuuliyadda I saaran. Shalay markii la doortay Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, UDUB lama doorane’e labadaasi shakhsi ayaa Madaxweyne iyo Ku Xigeen loo doortay. Go’aan qaadashadaydu waxay maanta ku salaysan tahay labadii qof ee shalay la doortay, dadkii ma ugu adeegeen sidii ummaddu rabtay, waxaan markaa iskugu jawaabay markii aan su’aashaas is weydiiyay maya. Maadaama oo aanay shacbigii ugu adeegin sidii la rabay waxaan aaminsan nahay in la bedelo labadaasi qof oo laba qof oo ka tayo roon kana tayo badan loo dhiibo. Xukuumadda maanta dhisani waxaan aaminsan nahay Badda wixii ku jiray inay dhammaysay, dabadeed imika ay bilowday ama badhtanka kaga jirto inay daarihii Ingiriiskii ka tegay iyo dhulkii Siyaad Barre ka tegay ay iibisay. Arrintu markay halkaasi marayso waxa uu damiirku I farayaa inaan sidaan loogu hiilin karin. Waxa keliya ee hadhay haddii aan laga qaban Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin dalka waa inay dadka iibiyaan, Aniguna taasi inay dhacdo ugu hiilin maayo.



Haatuf