War degdeg ah: Golaha Guurtida oo Xilka u Kordhiyey

 

 Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa Muddo Lix Bilood ah
Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod dirqi ah muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa muddo lix bilood ah.


Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida uu hagayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana ahaa mid aad u xasaasiyad badnaa oo ay ka qaybgaleen 79 ka mid ah 82 mudane ee Goluhu ka kooban yahay, waxa cod gacan-taag ah ay 42 mudane ku taageereen mooshin qaar ka mid ah xildhibaanada muxaafadku soo jeediyeen oo dhigayey in muddo lix bilood ah loogu kordhiyo Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa sii haynta xilka, waxaana mooshinkaas diiday 35 mudane, halka 1 mudane uu ka aamusay, Guddoomiyuhuna aannu codayn.


Waxaana muddo-kordhintaas loo sameeyey Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin dhigaysaa in doorashada Madaxtooyada la qabto 29 bisha September, xilka Madaxtooyadana lagula kala wareego 29 October. Waxaannu go’aankaasi si cad uga horimanayaa waqtigii Guddiga Doorashooyinku u cayimeen qabashada doorashada oo ahayd 31 May.


Xarunta Baarlamanka Somaliland ayaa maanta lagu arkayey askar aad u tiro badan iyo weliba wasiiro fara badan oo xukuumadda ka tirsan, waxaana dhammaanba la xidhay jidka hormara Baarlamanka iyo Madaxtooyada oo aan xitaa dadweynaha loo ogolayn inay maraan.







Jamhuuriya Online