“Madaxweyne Daahir Riyaale Oo Iibsanaaya Kaadhadhka Codaynta Doorasahda”- Maxamed Kaahin…



 

Burco (TNN) Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka dhawaajiyey in madaxda sar sare ee xisbiga Udub ay ku mashquul sanyihiin sidii ay u iibsan lahaayeen kaadhadhka cusub ee doorashada lagu galaayo, waxaanu sheegay in ay suuqyada la taagan yihiin madax  olala ha ee Udub iibsa-shada kaadhadhka Codaynta.

Wuxuu sidaasu ku sheegay waraysi gaara oo aan goor dhawayad kaga qaaday xarunta Tv-ga Bulsho Tv oo ku yaalada magaalada Burco, wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Riyaale isna iibsanaayo Kaadhadhka codaynta.

Geesta kale wuxuu xukumada ku eedyey in aanay haba yaraatee wax aqoona u lahayn  qi imaha ay leedahay maalinta 18 May, maadamoo aanay muujin maalintii ay Somaliland  xor nimadeeda kala soo laabtay Somaliya wadankii la odhan jiray.

Maxamed Kaahin mar uu ka hadlaayey ariimaha kaadhadhka iyo Xisbiga Udub waxa uu yidhi:-


Dawlada waxay mashquul hada ku tahay inay diwaangelintaasna inay car qaladayso oo ay fashiliso , waakii ninka madaxweyne Daahir Riyaale Xisbigiisa kaabaynka maamulaha uga ah waaka dariiqyada la taagan iibsiga kaadhadhka codaynta, taas macaneeheedu waxay weeye Madaxweye Daahir Riyaale oo iibsanayaa kaadhadhka”.

Maxamed Kaahin Axmed mar uu la hadlaayey xukumada ayaa waxa uu yidhi

xukumada Waxaan leeyahay “Sakaaro Saalo muuqata ayey aast’aa, “dhuumasho  dhaba rku ku muuqdaana dhuumasho maaha” markaa waxaan leeyahay saaxibayaal iska daayaa car qaladaynta koomishanka iyo hawlaha doorashooyinka”

Waxa kale uu Kaahin uqu baaqay shacabka reer Somaliland inay kaadhadhka qaatan, una qaataan si nabad galyo ku jirto, kuna codeeyaan si nabad galyo buuxdaa ay ka muuqato.

Geesta kale waxa uu xukumada ku eedyey in wasiirada ay u kala dirtay gobolada  Somalil and, waa sida uu hadalkiisa u dhigaye inay qayb ka tahay iib-sadashada kaadhadhka  cod aynta, mar uu arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi

“Wasiiradiisa uu meelahan (Burco) u soo dirayna waxay ka mid tahay taas aan hada kuu sheegay (iibsa-shada kaadhadhka codaynta”


Ugu dambayntii mar aanu la xidhiidhnay gudoodmiyaha xisbiga Udub ee Gobolka, si aanu wax uga weydiino dhaliisha xisbigooda loo jeediyey ayaa ka gaab saday in uu wax faah faahina ka bixiyo, ugu yaraan seddex jeer ayaanu isku daynay in aanu ka helno jawaab hase ahaatee may dhicin.




 



Reported by:- Ibraahim Abdirahman Qaasim

Burco/Somaliland
Qaasin05@hotmail.com
Bulshotv05@gmail.com