Rayaale iyo wasiirkiisii Daakhiliga oo Markab Maraykanku leeyahay lagu dul waraystay
 



Jabuuti 28, August 2010 (TNN)- Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo wasiirkiisii Daakhiliga Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirr o), ayaa la sheegay in la saaray Markab Maraykanku leeyahay oo ku sugan dalka Jabuuti.

Siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Wargeyska Ogaal, Daahir Rayaale iyo wasiirkiisii Daakhiliga oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Jabuuti, waxa habeen ho re la saaray Markab ka mid ah kuwa dagaalka oo ku sugnaa xeebta dalkaas.

Lama sheegin waxyaabaha ay labada dhinac ka wadahadleen iyo waqtiga kulankoodu qaa tay.

Sidoo kale, ma cadda sababta socdaalka Madaxweynihii dhowaan xilka wareejiyay iyo ra xan Wasiiradiisii ka tirsani ku joogaan magaalada Jabuuti oo sida la sheegay ay todobaad yadii u dambeeyay ku sugnaayeen.

Ilahaa qaarkood waxay tibaaxeen in Wasiirkii hore ee Daakhiligu u sii gudbi doono dalka Ingiriiska, iyadoo aan la sheegin sababta socdaalkiisa dalkaas.

 


Source:Ogaal