Arabsiyo: Roobab Dabaylo iyo Baraf Watay oo Khasaare Culus Gaadhsiiyey Degaanka Biyo-macaan
 


Hargeysa (TNN)- Roobab laxaad leh, isla markaana watay dabayl xooggan iyo dhagxaan baraf ah, ayaa khasaare culus gaadhsiiyey degaanka Biyo-macaan oo ka tirsan degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.

Roobkaasi waxa ay saqafka ka qaadeen guryo kala duwan iyo dugsi loogu talogalay carruurta  a goonta ah oo dhowaan laga dhisay degaanka Biyo-macaan oo dhinaca woqooyi kaga toosan  deg mada Arabsiyo, sidoo kalena daadad culus oo roobabkaasi soo rogeen ayaa khasaare kala  duwa n oo aan weli baaxaddiisa la xaqiijin gaadhsiiyey beero kuwa khudaarta ah iyo guryo ku yaal  deg aankaas.

Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Gabiley Mr. Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali-case), ayaa khadka  telef oonka Jamhuuriya ugu shalay xalay fiidkii in roobabkaas oo si siman uga da’dayey degaannada Gobolka Gabiley oo dhan ay bilaabeen abbaaro 3:30 galabnimo ee shalay, kuwaasoo da’ayey ilaa waaberigii saaka.

Robabkaas oo watay dabaylo iyo dhagaxaan baraf ah, ayaa waxyeelladoodu ku kooban tahay  d eegaankaasi Biyo-macaan oo uu burburiyey dhisme loogu talogalay agoomaha oo uu dhawaan dhisay ganacsadaha Baxsane iyo guryo badan oo uu saqafka sare ka qaaday, isagoo oo uu  xus ay inaanay ilaa hadda ogayn khasaaraha rasmiga ah inta uu gaadhsiisan yahay, balse  degaanka as tegi doonaan isaga iyo wefti ay hoggaaminayaan subaxnimada hore ee saaka.

Sidoo kale, Maayarka Degmada Arabsiyo Mr. Sitiin Ibraahim Nadiif, ayaa isaguna Jamhuuriya u sheegay inay u suurtogeli weyday maalmooda xalay in ay degaanka Biyo-macaan ee roobabku waxyeellada gaadhsiiyeen gaadhaan sababo la xidhiidha roobka oo aan mar qudha kala joogsan iyo daadadka xoogga leh ee ka soo rogmaday oo xidhay jidka isku xidha degmada Arabsiyo iyo degaanka Biyo-macaan.

“Wuu ka jiraa khasaare kala duwan oo roobabkaas duufanka barafka watay gaadhsiiyeen  deega anka Biyo-macaan, warbixinihii ugu dambeeyeyna waxay xaqiijiyeen waxyeellada 6 guri oo  dhag ax ah, hool ka mid ah dugsi uu agoomaha u dhisay ganacsade Baxsane, balse waxa jira khasaare intaa ka badan oo daadadka roobka gaadhsiiyeen qaar ka mid ah beer-midhoodyada khudaarta ee deegaankaas iyo weliba aqal-soomaaliyo, welise ma hayno waxyeellada rasmiga ah roobka oo ilaa hadda [saqdii dhexe ee xalay] da’aya iyo daadka xoogga leh ee socda awgood.”

Sidaa waxa yidhi xoghayaha dawladda hoose ee degmada Arabsiyo Mr. Maxamed Habbane  Sam atar oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramayey saqdii dhexe ee xalay.

Mr. Habbane oo la weydiiyey gurmadka maaulkoodu ugu talogalay degaanka Biyo-macaan ee  ro obabku waxyeellada gaadhsiiyeen, waxa uu ku jawaabay; “Waxa jira gurmad ay iska  kaashanay aan maamullada degmada Arabsiyo iyo Gobolka Gabiley, waxana loo ballamay berri subax  [saak a] in la tago deegaanka Biyo-macaan ee roobabku khasaaraha gaadhsiiyeen, maadaama aanay suurtogal ahayn in caawa [xalay] la gaadho daadad culus oo roobabku soo rogeen darted.”

Ugu dambayn xoghayuhu waxa uu ugu baaqay xukuumadda, hay’adaha iyo guud ahaan bulshada Somaliland inay gurmad degdeg ah oo aadaminimo la gaadhaan dadka ku dhaqan deegaanka  bee ralayda Biyo-macaan ee roobabka duufaanka watay waxyeellada gaadhsiiyeen.



Source: Jamhuuriya Online