Roobabkii Gu’ga oo Maanta Ka Curtay Degmada Wajaale ee Gobolka
Gabiley
waxaa waxa illaahay loogu mahadiyo ah nimcadaa ilaahay ku
maansheeyay.....
Tog-Wajaale (TNN)-Roobabkii gu’ga ayaa maanta ka Curtay magaalada
Tog-Wajaale iyo Deegan ada ku teedsan ee kililka ,sida Gob yaray,
Qabri Macalin, Wada Garoon iyo degmooyinka xuduuda raacsan sida Geed
balaadh.
Roobabkaa Gu’ga oo lagu diirsaday
isla markaana Hoos u dhigi doona abaartii iyo biyo la,aantii ka
jirtay Tog-Wajaale iyo deeganada hoos yimaada, iyada ood arkayso
ramxadii roobka iyo nimcadii biyiha xareeda ahaa , oo wadhan
wadooyinka magaalada magalada Tog-Wajaale, oo baryahan danbe ay ka
jirtay biyo la'aan baahsan oo dad iyo xoolaba dhibaato ku haysay.
Waxaa waxa ilaahay loogu mahadiyo ah nimcadaa ilaahay ku maansheeyay
iyada hore foostada biyuhu gaadhay qiimo dhan 60 bir oo lacagta
ithiopia ah, maanta dadka iyo xooluhuba ku diir sad een roobkaa soo
darooray Galabta
Maxamed cabdilaahi Qombor
Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland
qombor1@hotmail.com
qombor1@gmail.com
|