SALAADII TASAWDEE XAGAY TUUR KA LEEDAHAY



 


Marka hore waxaan salaamayaa TIMACADE MEDIA GROUP iyo hawl wadeenada sharafta na ga mudan, waxaan idiin ku hambalyaynayaa sida hagar samida ah ee u soo gudbisaan wara rka dalkeena. Marka labaad waxaan halkan ku soo lifaaqay Maanso la magac baxday SALA ADII TASAWDEE XAGAY TUUR KA LEEDAHAY,waxay ka hadlaysaa waayaha dalkeena ka jira maanta, iyo sida wixii la filayay looga hungoobay. bal ila eega idin koo mahad san

 

 


Ali yoow tilmaan tii
Tafan toof ka reeraha
Tii hore dur bay hayd
Tanna daabac weeyaan
Tabihii xumaa iyo
soo celisa tiir kii
Tahan geeli lala dhacan
Tii yoon sahan ba loo galin
Tii hore la eer saday
Ha la tuuru UDUB tii
Talo xumaani waw kaw

*****
Laysu gee ta googaha
Tahan reer ku faa lee
Laysu tabi war koo idil
Kulimyaa marloo tagay
Farahiina loo tag
Loo tiri wixii jiray
Tamar tii dal koo idil

*****
Taar ku gaadh hareeraha
Soo gooye taladii
Waa ayaan tilmaan lee
Dawladdii la taakuli
Odaygiina lagu tag
Taaj kii madaxa loo saar
Aqal kii tilmaanaa
Tunka saar wixii yiil
Taageer tay dunidii
Isagaa wax taagiye
Yaan la taaban lagu yidhi

*****
Toban bari warkoodii
Soo taage baalaha
Faan kiina tooc sade
Hada waa tilmaan adag
Muu tagin ba meel dheer
Taar kiina noo yimi
Laysu tabi waraaqaha
Runti timi halkeedi

*****
Baahidii la tarin waa
Dhul kii taako lagu qabay
Loo tiri dilaal kii
Badh xaraash ka lagu tag
Loo tiri shisheeyaha
Nin ba tiisa faalee
Tahan waagi soo dhaaf
Socon wayday toodii
Wax ma doorsho tii hore
Waa bu sii tafaailay

*****
Toojadii irmaanayd
Toorin kina lagu jiid
laga tuuji dhiigii
Tun ka gooey wehel kii
Loo tolay waxaan jirin
Ha da tiigsi maan rabin
Hays takliifin waayeel
Yaay taraarin sheekadu

*****
Wiil ki shaad ka loo tolay
loo tiriyay beelaha
tamar tiisu waxay tahay
ku tilmaaman yahay kali
taar kiina lagu helay
Ina taajir wayd iyo
toban kaloo habaar qaba
Markuu tab ku buux samo
Tacab kooda qaataan
soo tabiya baahida

*****
Hada waan tilmaamee
Maan jabin tagoogaha
wuxu taro ha jog tee
Dan yatrii mabuu tabin
uma tagin agoon tii
Tahar wali ma kala jarin
kolba tuug la naax shuu
tacab keena siiyaa
Ragga kii tacaliin iyo
Tamar tiisu adag tahay
Waa la tuurayaa garo
Todobaa la shegaa
intuu taaj ka kala baxay

*****

Hada waan tilmaamee
tagoogaha ma aan jabain
Tubtii hore kusoo celi
Kale tage walaalihi
tilmaan tii inoo tiil
In la tuuro loo baday
Kolba samir ka tag waa
Soo tabiye beenaha
Talo waxay ku gooyeen
Hadda tuugsi weeyaan
Tiigsi ma leh aqoon tu ye
wali waxa la tabayaa
Nin kii taaj ka loo sudhay

*****

Waan tilmaamy ceebaha
Mana jabin tagoogaha
Tu kalaan ku darayaa
Tiriigii la shiday bari
Tagoogaha rag kaga jabay
Lagu taagay calan kii
tawxiid ka lagu qoray
Loo tiriyay waayeel
Taban taabi lagu yidhi
Wuxuu taro ha jog tee
Saw kan tiir ka lagu xidhay
Lala tagay dalkaan nacay
Salaadana tasaw dee
Xagay tuur ka leedahay

 


 

Abdulkhaliq Mohamed