SHANTII JUNE JEBINTII JEELKA MANDHEERA ( 5- 6- 88 )

QAYBTII LABAAD.
 

 

 


Monday 30.05.1988, 5:30 am subaxnimo ayaa shah la cabay, 6:00am subaxnimo wuxuu dham aan ciidankii galay difaac wareegsan waxanu u kala galay sid soo socota:




7:00am subaxnimo ayaa cadawgu weerar soo qaaday ku jahaysnaa jiidii ay deganaayeen Sh. Sancaani iyo Barkhad. Mujaahidiintu weerarkaa cadawga si wanaagsan ayay u difaacee n, cadawguna wuu soo mari kari waayay difaacii wareegsanaa isla markaana wuu joojin wa ayay weerarkiisii waxanu dagaalku socday ilaa 1:30pm duhurnimo, mujaahidiinta waxa ka sh ahiiday Barkhad 2 mujaahid, Sancaani 1 mujaahid, dhaawaca Sancaani wuu badnaa maalin taas.


1:30pm duhurnimo markay ahayd ayaa Sayid Ali si lama filaan ah weerar gaadmo ah ugu qaa day cadawgii (contra attack), weerarkaas oo ku jahaysnaa koofur-bari. 2:00pm duhurnimo markay ahaydna, wuxuu Sayid Ali gacanta ku dhigay taliskii gaaska 12naad, oo ay ku qabsad een 3 qori hoobiye 81mm iyo hub badan oo fudud.


2:30pm duhurnimo markay ahayd ayaa cadawgii horfadhiyay Sancaani iyo Barkhad uu kaca y, ka dibna xoogii mujaahidintii SNM garbo siman ayuu weerar u qaaday, waxay cadawgii ga adhsiiyaan ilaa Omanta oo 4km koofur ka xigta Cadaadley, 2 bb iyo maxaabiis badan ayay mu jaahidiintu gacanta ku dhigeen, waxa S/Ali halkaa kaga shahiiday mujaahid Yusuf Gadhle oo ahaa (storeman). Laba mujaahid oo kalana way ka dhaawacmeen.


Malintaa waxa gacanta lagu dhigay cadaadlay oo dhan. Cadaadley waxa mujaahidiinta kaga shahiiday isku gayn 11 mujaahid. Guud ahaan waxa cadawga laga qabsaday 7 bakhaar oo qoryo iyo rasaas ah (7 stores of small arms and ammunition) waxay kala ahaayeen: AK47, Carbin, RBG7, G3, M16, Iyo rasaas nooc kasta leh, 3 gaadhi Landcruiser iyo 1 gaadhi weyn oo transport ah.



Tuseday 31.05.1988

Maalintaa cadawgu wax dhaqdhaqaaq ah muu samayn inkastoo ay madaafiic soo ridayeen. Mujaahidiintu waxay maalintaa difaac kaga jireen Cadaaley. 4:00pm galabnimo waxa Cadaad ley soo gaadhay oo ciidankii kale ku soo biiray guutadii Mohamed-Ali oo ka timid jiida Dacar-budhuq, halkaa oo ay kusoo gubeen 4 gaadhi oo Cadaadley u soo gurmanayay.


Wenesday 01.06.1988

Maalintaa is urursi laxaad leh ayuu cadawgu sameeyay isagoo ku talo jiray inuu soo weeraro mujaahidiinta, isla markaana damacsanaa inuu kaga yimaado xaga Weeraarta. Dadweynhii reer miyig ahaa waxay mujaahidiintii ku wargaliyeen in taliyhii gaask 12naad is dilay (Kaahiy e), ciidanka halkaa isku urursadayna xoog leeyahay isla markaana weerar damacsan yahay
1:00pm duhurnimo ayaa waxa cadawgii ka soo goostay oo u soo galay mujaahidiintii askari darajadiisu ahayd xadhigle (inspector).Askarigaasi xogtii cadawga ee uu bixiyay waxay ahay d in xooga cadawgu ka koobanyahay:


1. Guutadii 86naad ee taaskii 12naad wixii ka soo hadhay ee ka badbaaday dagaalkii Cadaadley

2. Guutada 24naad oo Hargeisa ka timid

3. Urur sancada ah oo ka tirsan qaybta 26naad

4. Urur madaafiicda goobta (12 madfac) oo ka yimid gaaska 1aad.

Waxa warbixinta askarigaa ka mid ahayd in cadwgu weerar soo qadayo bari 6:00am subax. Taliyihii Sayid Ali Muj: Ahmed Hassn Adan (waysa-cade) wuxuu armar ku bixiyay in askarigaa la xidho, inta warkiisa la kala cadaynayo inuu cabsi galin yahay iyo inuu run yahay.


Ka dib wada tashi dheer oo dhexmaray saraakiishii hogaaminaysay cidamadii mujaahidiintu, waxa ay go’aansadeen in ay weerar ka hor geeyaan cadawga inta ka horaysa waqtiga isagu uu weerarka soo qaadaayo. Waxa kale oo saraakiishu go’aansadeen in guuto 160 nin ah lag a soo miidho Sayid Ali, Barkhad iyo Sancaani isla markaana uu kaxaysto muj: Ahmed Hassan waysa-cade taakulayna looga dhigo guutadii Mohamed-Ali.

2:00am habeenimo ayaa Muj: Ahmed Hassan (weysa-cade) Cadaaley ka dhaqaajiyay guutad ii midhka ahayd, wuxuuna waagu ugu baray iyagoo 500m u jira cadawga laakiin aan cadawgu ka war hayn.


Thursday 02.06.1988

6:00 am subaxnimo ayaa mujaahidiintu weerarka ka bilaabeen meel 200m u jirta halkii cadaw gu isku urursaday. Muj: Ahmed weysa-cade iyo ciidankiisii waxay fadhiisinkii cadawga gacan ta ku dhigeen 6:30am subaxnimo, waxaana ka dhaawacmay 1 mujaahid. Waxay goobtaa ku qabsadeen A) 5 madfac oo kala ahaa laba G30, laba 85mm iyo hoobiye 120mm, B) 1 jiib oo uu saranaa 106mm, C) 5 jiide madfac oo kala ahaa laba TF laba TM, mid PG, D) laba landrover, E) gaadhi dhayne ah, F) 12 qori oo green of ah, G) iyo rasaas iyo raashin badan.

 

Friday 03.06.1988

Waxay ciidamadii mujaahidiintu si balaadhan ugu ruqaansadeen Sh.Abdaal oo ku taala wada da dheer ee isku xidha Hargeisa, Barbara ilaa Burco isla markaan ah meesha looga leexdo Ma ndheera. 4:00pm galabnimo waxay mujaahidiintii Sayid Ali is haleeleen urur ka tirsanaa qayb ta 26naad oo ku sii jeeday Mandheera, ururkaa waxa loo soo diray in ay toogasho ku dilaan qayb ka mid ah maxaabiis ay ka mid ahaayeen aqoonyahan, odayaal iyo ganacsato ku xidhn a aa jeelkii Mandheera.Taliyihii guutada Sayid Ali wuxuu gacanta ku dhigay liiskii magacyada maxaabiistii ku xidhnaa jeelka mandheera ee la doonayay in la toogto. waxa isla markiiba shir iskugu yimid dhamaan taliskii ciidanka waxayna go’aan ku qaateen in la diyaariyo wajibaad lagu galo Mandheera.

 

 

 

 

Abdirizak Ibrahim Koshin
Alpho