Cali Samatar Qabiilkiisa ayaa lagu Dacweynayaa, Maryan Mursal iyo Nimco Yasiin qabiil maleh Sidaa Darteed ayay Somaliland Calankeeda u Qaateen , Dhamaan Erayadaa Is Khilaafsan Waxaa Laga Hayaa Saado Cali Warsame
 

 


Ex Fanaanad Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd Fanaaniintii Hobolada Waaberi , Fankana ka soo Gashay kuna caan  baxd ay Magaalada Hargeysa xiligii Lixdamaadkii, ayaa iminka u Xuub siibatay Hogaamiye Kooxeed Hogaamisa Jabhada SSC ee X idhiidhka dhow la leh kooxda xagjirka Al-Shabaab oo ka caawisa tababbarada maleeshiyaadka iyo hubayntooda iyo weliba hababka loo fuliyo Qaraxyada iyo ismiidaaminta, oo kooxdani ay ka fulisay dilal iyo qaraxyo Magaalada laascanood ee Soma liland.

Saado Cali Waxay lumisay haybadii Fanka iyo Sumcadii ay Bulshada Dhexdeeda ku lahaan jirtay, waxayna noqotay Islaan H ogaamisa Koox Dumar iyo Caruura oo Qurbaha ka ururiya Qaadhaan lagu taageerayo Qaraxyada ay fuliyaan Kooxda ka am ar qaadata Saado Cali ee SSC, waxay noqotay Saado Qof ay Qabyaaladu madax martay oo u tafa xaydatay Cayda iyo  Afla gaadeynta Beelaha Reer Shiikh ISixaaq, Saado Cali Waxay caan ku noqotay is hortaagida wax kasta oo wanaag ah oo usoo kordha Jamhuuriyada Somaliland, waxay caadeysatay kicinta iyo guubaabinta Beelaha Degaanka Buuhoodle iyo  Laascano od iyadoo dagaal iyo colaad gelisa, waxay hormuud ka tahay banaan bax kasta oo lagaga soo horjeedo Horumarka ay Som aliland gaadhey.


Saado Cali waxay lumisay saaxibtinadii ka dhaxaysey Hoboladii Waaberi, ka dib markii ay Kuwoodii ugu magaca weynaa ay aflagaado iyo yasid u marisay saxaafada, iyadoo fanaaniinta Sharafta iyo sumcada wanaagsan lihi ay ilaaliyeen  sharfatoo da oo aanay mar qudha jawaab ka bixin Xumaatada ka soo burqanaysa Hogaamiye Saado Cali.


Akhristayaal waxaan maqaalkan maanta u qoray markaan arkay Saado Cali oo Horboodaysa banaan bax lagaga soo  Horje edo Maxkamada la saaray Maxamed Cali Samatar oo loo haysto Denbiyo dagaal oo uu kala Simanyahay dhamaanba  mada xdii aduunka ka getsyatay denbiyada dagaalka, Saado Cali Waxay tidhi waxaan Cali Samatar ku taageersanahay Dulmi baa lagu hayaa qabiilkiisa awgii kkkkkkkk, waxayse Saado ilawday maalin wax laga weydiiyey maadaama ay Fanaanad Caana  a hayd sababta ay qabiil isugu shaanbadaynayso oo ay u Muujinayso Nacaybka ay u qabto Somaliland iyo Beelaha  Majoora tiga ka ah maadaama oo ay Fanaaniin kale oo Caan ahiba ay ku amaaneen Horumarka Somaliland ku talaabsatay iyadoo la arkayey iyagoo sita Calankii Somaliland oo ay huwan yihiin, fanaaniintaa oo ay ka mid yihiin, Maryan Mursal, Nimco Yasiin, Xasn Aaden, waxay Saado Cali ku Jawaabtay kkkkkkkkk eedo Maryan Mursal iyo Nimco Yasiin qabiil ma leh sidaa darteed ci day doonaan way u heesi karaan, Xasan Aadena waa Hawiye oo Isaaqa way is dhoweystaan.


Waxaa la yidhi ilaahow haa iyo maya mel ha nagaga wada yeedhsiin, !!!!!!, Saado Cali waxay hore Ugu Geftay Qabiilka Cali Samatar iyadoo ka xun Taageerada ay Maryan Mursal u muujisay horumarka Somaliland sidaa darteed maanta uma  bana ana inay ku soo gabato waxaan daafacayaa qabiilka Cali Samatar iyadoo dano kale wadata, ee waxaa loo qaatay inay ka badheedho ujeedadeeda Isaaq nacaybka ee ay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay siday ugu diirsan lahayd cid dulmi ka gashay Somaliland Gaar ahaan Beesha Isaaq, sidoo kalena waxaanu Beesha Gabooye leenahay Saado Cali Xumaanta iyo sida ay idiin yastay Hore ayay u muujisay ee yaanay idiinku soo dhex dhuuman daneheeda gaarka ah, Cali Samatarna ma jiro qabiil isku raacsan in si gaara loo eryado ee waxaa dacweeyey shakhsiyaad ka tirsana tacadiyo ka soo gaadhay  Amar kii uu bixiyey ee Duqeynta Hargeysa ee uu isagu qirtay dacwadaasna wixii lagu helo ayuu kala kulmayaa ee yaanay idin dhi bin.

Ilaahay ayaa mhad leh

 

 

 

 

 

Ifraax Jamaal Keyse
Hargeysa Somaliland
ifraaxjk@live.co.uk