Dareenka Dadweynaha Reer Gabiley ka qabaan Xilkaqaadista iyo Magacaabista Masuuliyiin Kasoo Jeeda Deegaanka Mudada Kooban ee Xukuumada Madexweyne Siilaanyo

 



Gabiley (TNN)-Inkasta oo aanay ahayn wax ku cusub Guud ahaanba bulshada kunool Gobolka Gabiley Magacaabista dhaqsaha ah iyo Xilka qaadista daba socota ee deg dega ah ee Hogaanka Sare ee Xu kuumada madexwayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ku sameeyo masuuliyiin kasoo jeeda Deegaankan Gabiley hadana marka sidhab ah loo qiimeeyo dareenka maalmahan ee bulshada Reer Gabiley wuxuu ahaa mid taagtaagan oo bixinayey Sawir Muujinaya kala fogaansho bilaw ah iyo naca bogag cusub oo u dhexeeya Reer Gabiley iyo Xukuumada Axmed (siilaanyo) kadib markii sidhab ah loola socday bishii aynu soo dhaafney Dagaalka ku socday Wasiir Boobe ee nuxurkiisu salka ku hayey Weerarkii qasriga Madaxtooyada ee Agaasimihii Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka Tvga Qaranka iyo Difaacii uu Guntiga dhiisha iskaga dhigay Boobe iyo xilka qaadistii duhurka cad ahayd ee aan mar na loo maaro dayin.


Umuurtaas oo damaqday nabarka Boogtii Reer Gabiley kaga abuurantay xilka qaadistii laba Sarkaal oo loo kala Wareejiyey Hogaanka Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Xas an C/laahi (jidhif), inkasta oo Reer Gabiley Barbar dhigeen Magacaabistii Wasiirkii Xilka laga Qaadey Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) in aanay wakhtiga soo socda iyo sida ay saadaashaasi u Muuqato Mu staqbal ahaan ka duwanayn Magacaabistii Jidhif iyo Xil kaqaadistii dhaqsaha ahayd ee ka dambeysay iyaga oo Tusaale ugu soo qaatay marka loo eego halka uu joogay ee laga soo Magacaabay oo aheyd Hay,ad kamid ah kuwa Samafalka ah ee Madaxa Banaan ayaa ayaamahaasi iyo Akadamiga Nabada iyo
Horumarka Somaliand ee Cabdi Yuusuf Ducaale(Boobe) oo ahaa Sarkaal sare oo kahaya xilalka ugu sareeya Xaruntaasi.


Majiro haba yaraatee wax uga caba ama faa iido gaar ahaaneed iyo mid Gobolba uleh Reer Gabiley Xi lalka uu Masuuliyiinta qaarna ka qaadayo kuwa kalena uu Magacaabayo Madexweyne Siilaanyo Wax aanu rayul-Caamka Wax-garadka, duqayda,aqoonyahanka iyo Dhalinyada Gabiley u ubadan yahay, had iyo jeeraale inaan Mansabyada Sarsare ee Xukuumada Gaar ahaan Wasiirada laga Magacaabo Gabiley aaney dhib Mooyee wax dheef ah ulahayn Bulshada Gabiley marka loo eego Wusarada kasoo jeeda Gobolada kale ee dalka, laakiin waa marka laga reebo shakhsiyaad kooban intii Somaliland jirta y, oo aan Wax faro Galin iyo karbaash ah u yeelanin Bulshada Gabiley.

Sharaf dilka iyo karaamo ka qaaadka ragaa hal doorka ah loo geysanayaa wax loo dul qaadan karo maaha hadana cid lagaga cowdo iyo Dowlad looga Towdaana Ma Muuqato kii uu Shaley Maamuska ka Xayuubiyey ee uu xidhey ayuu hadana Xil u Magacaabay, markaa waxa haboon in aynu iska daawan o,oo afkeena ka xidhano Cimri badani uma hadhine hadii kuweenii illaahay Hindi iyo Baakistaaniyiin ka dhigey oo Daauud Kheyrihii ugu horeeyay nin Siilaanyo Gabiley Keena ee uu markii hore albaabka ka xidhey uu manta aqbaley Xil Magac u yaal ah waa nasiib daro inagu dhacdey maxeynu yeelnaa hada anu nin diidayaaba inagu jirin sidaa oodwadaagteena Reer Awdal? Sidaa waxa yidhi Odey Cumar Cali Kaahin , oo ka mid ah Duqeyda Gobolka Gabiley.



Waxa Muuqta Marka Dhinacyo badan laga eego mudadii ay Xukuumadani Jirtey in Gabiley ku yeelatey Saameyno taban iyo kuwa togan oo kala daadiyay Dhinacii Maamulka iyo Hurumarka Gobolka Gabiley ku Socdey Markii hore kuwaas, oo aanay dhab ahaan la qabin Guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyin ka kale ee Somaliland tusaale ahaan Waxa uu Habeenkii xaley ahaa u Magacaabay Madexweyne Siila anyo Gobolka Gabiley Badhasaabkii afraad ee noociisa ah inkastoo aaney Digreetadiisa ku cadeyn am a xusneynba Xil ka qaadista Badhasaabkii hore Xuseen Cumar Magan talaabadaas oo dib u dhac iyo rajo, la,aan aan la yareysan karin ku keentay dhaqdhaqaaqii, hurumarkii la filayay iyo yididiiladii uu ku
hanaqaadey curashadiisii oo uu Xukuumadii Madexweyne Rayaale eek u dhawaaqdey Gobolnimada Gabiley uu hadana ka helay, hogaan la jaan qaadey Bulshada islamarkaana, seeska u dhigey Dhaq dh aqaaqyo door ah oo ku xidhiidhsan dhinacyada Arimaha Bulshada iyo muuqaalka Gobol u xadhko xidh ey hiigsashada tartanka lixda Gobo lee ka gu iyo faca weynba.



Waxaanu horaantii Guushii Kulmiye ee Madexweyne Siilaanyo kursiga ku fadhiistey uu usoo Magacaab ay Rashiid Cumar Sheekh Muxumed Warsame waxana ka dambeeyay laba badhasaab oo kala ahaa Cali Nuur Aw Aadan Meecaad iyo Xuseen Cumar Magan mana jiro Gudoomiye far cidideed oo wax la taaban karo ama bulshadu ku xasuusato oo rajada Gobolka ku xidhiidhsan ka tagey ama joogey wak hti uu kula jaan qaado nidaam Maamul Waxaanay umuurtani halxidhaale adag u noqoneysaa bar tilma ameedka ay Gabiley Xukuumadn ugaga duwan tahey Gobolada kale ee dalka iyo iyadoo dhinac kalena daah-fureysa in asbaabta ugu weyni aanay dhaafsiisneyn Towfiiq Xumada iyo kala qeybsanaanta ka dhex jirta Gudaha Reer Gabiley.



Majirto Dowlad inoo rooni ilaa tii Afweyne Reer Gabiley hadeynu nahey umad waliba sida ay tahey ayaa lagula dhaqmaaye illaahaybaa inoo roon isageynu ka sugenaa inaan dhinac kaliya u baraarugno ee alle ha inaga qabto hororada hamuunta kursiga aan waxba uga hooseyn Boobe si fiican buu yeela yoo ku dari maayee?.Sidaana waxa tidhi Hooyo Caasha Cilmi Cabdi oo ah Hooyo aqoonyahan ah oo ka mid ah hooyooyinka kasoo jeeda Gabiley, ee dareeka culus ka muujiyay Xil-kaqaadistii degdega aheyd ee Wasiir Boobe iyo kuwii ka horeeyay.


Sikastaba ha ahaatee waxa isabdel ah kuma ay yeelan Guud ahaanba Shacbiga Reer Gabiley Magacaa bistii uu Xaley Madexweyne Siilaanyo Ku Maacaabay Abiib Diiriye Nuur oo Loo Magacaabay Xilkii Wasii rnimo ee Laga Qaadey Boobe, iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley oo iyaduna saameyn yeelaneysa inka stoo duruufi keentey, iyo Waliba Daa,uud Kheyre Kaahin oo loo Magacaabay Lataliyaha Arimaha Siy aasada ee Madexweynaha oo uu hore ugu magacaabnaa Abiib Diiriye Nuur waxaanay Abiib Diiriye ta ni u noqoneysaa markii afraad ee Xukuumadihii Somaliland isaga danbeeyay uu Madexweynihii Afraad u Magacaabo Xilka Wasiirnimo taas oo aan habayaraatee ku cusbeyn Bulshada islamarkaana, aan la ga fileyn wax ugu soo kordhaya Gabiley halka aad loola yaabey Xilka uu u Magacaabay Odey Daa,uud Kheyre Kaahin oo ah isaguna Siyaasigii u Horeeyay ee Magaalada Gabiley cagaha usoo saara Madexw eyne Siilaanyo xiligii Kulmiye ahaa Urur Siyaasadeedka ilaa hada lama oga in uu qaadan doono iyo in uu diidi doono haseyeeshee, dad badan ayaa aaminsan in ay kala hanweyn yihiin xilkaasi oo dibad joogu uga fiican yahey, Waxaana jirta in Dhacadada Boobe xilka lagaga qaadey aaney, dadweynuhu u
calaacaleynin marka loo eego Go,aanka qurxoon ee uu ku adkeystey Fulintiisii Sidoo kalena waxa ilaa hada ka muuqda Gabiley dhaqdhaqaaqyo dhinaca Ciidamada Amaanka ah oo lagaga cabsi qabey
labadii Maalmood ee U Dambeeyay in ay Mudaharaadyo Rabshado wataa ka dhacaan Gabiley inkastoo xaaladu aad u degan tahey Waxaanan qormadan kusoo Xidhayaa hadalka mid kamid ah Odoyaasha Gabiley oo ka Hadley Kulan dhex marey maalmo ka hor intii aan Xilka laga qaadin iyo waxa ay kawada hadleen Wasiirkii Xilka Laga Qaadey Boobe.


Waxaanu ugu tagney aniga Odoyaal badan Waxaananu ka dalbaney in uu Wasiirka Daakhiliga Noo Gee yo oo noo Magacaabo Xoghayaha Fulinta D/hoose maadama aanay Beeshayadu ka muuqan Xilalka Go bolka iyo ka Degmada waxa uu noogu jawaabey anigu intaan nin Reer Gabiley ah gacanta qabto odha n mayo hala geeyo halka uu joogo mid kale oo Reer  Gabiley ahi oo la iima kala soocna dhaqankeyg ana ma aha,e iga daaya arimahaa dib usocodka ah ragii kale weyn qoonsadeen Aniguse sax ayaan
u arkey, waanu iska ilaalin jirey in uu hoos ugu soo noqdo arimaha Gudaha Gabiley?Sidaa Waxa yidhi mid kamid ah Madax-Dhaqmeedka Gabiley oo ka cudurdaartey Magaciisa marka loo eego howsha ay u socdeen.

 

 



Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland