kuwait: Safarkii ugu qiimaha badnaa abid ee uu madaxweynaha jsl dibad ugu baxo!

 

Safarkan waxan ku qiimeyn karaa in uu ka mid yahay kuwa ugu faa'iidada badnaa intii aa n wadamo qalaad hawl shaqo ku marayey.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo maalmahan socdaal ku joogay  w adanka  Kuw ait ayaa maanta kulan la yeeshay Jaaliyadda Wadanka Kuwait. Madaxweyn uhu wuxu ka warbixiyey ujeedada safarkiisu daaraanaa iyo waxyaabihii uu kala kulmay mas'uuliyiinta wadankan Kuwait

Ka dib aayadaha quraanka kariimka ah waxa hadalka furay gudoomiyaha Jaaliyadda JSL Mudane Sal eebaan Xaaji Firdhiye oo ka war bixiyey arrimaha Jaaliyadda oo uga  waram ay in Jaaliyaddani ay ku soo dhaqneyd wadankan Kuwait illaa iyo afartameedyadii qarnigii la soo dhaafay.


Mudane Saleebaan waxa uu u sheegay in Jaaliyaddan qawaaniinta u yaal ee ay ku  dhaq antaa ay ka mid yihiin iyagoo oo aan ku dhaqmin qabyaalad, siyaasad goboleysi iwm. Intaa dabadeed Mudane  Sa leebaan waxa ku soo dhoweeyey mikrofoonka Madaxweynaha Qaranka JSL ee martida u ah..


Madaxweynuhu waxa uu u mahad naqay Jaaliyadda JSL ee Kuwait. waxaanu yidhi,  "Wax an ku  fara xsanahay sida wanaagsan ee aad iskugu duuban tihiin iyo sida aad uga qeyb qaadataan taakuleynta dadkiina wadankii hooyo jooga".

Madaxweynuhu waxa uu ku goobaabiyey xubnaha Jaaliyadda in ay ka digtoonaadaan in ay ku  milm aan xisbiyadda siyaasiga ah ee ka jira wadankii hooyo."Kolka aad wadankii timaadaan xisbiga aad do ontaan ka mid noqda, laakiin halkan waxa haboon in aad isku duubnaataan oo danta idinka dhaxeysa aad iska kaashataan". Sidaa waxa Jaaliyadda kula taliyey Madaxweynaha.

Mudane Rayaale waxa uu yidhi, "Haddii aan safarkeygan Kuwait idiin ka warramo. Wax an ku qiimeyn karaa in uu ka mid yahay kuwa ugu midho dhalka badan ee aan wadamo ku tagao. Waxa aan la  kul may Amiirka Wadankan Sh. Sabaax Axmed Al-Jaabir, Amiirka dhaxaltooyada xukunka wadankan leh Sh. Nawaaf Al-Jaabir, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sh. Maxamed Al-Sabax".

Waxa kale oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta ay is arkeen Sh. Taariq Al-Eissa oo ah madaxa hayadda Al-Turaath Al-Islaamiyah. Mas'uulkaasu waxa uu ku ballan qaaday in uu wax badan oo Ummadda  Som aliland wax tara uu ka hirgallin doono Jumhuuriyadda  Somal iland. Sh. Taariq waxa uu u sheegay  Ma d axweynaha in ay u qorsheysantahay safar uu ku tagi doono Jumhuuriyadda Somaliland. Kaas oo la xidhiidha mashaariicda hor-u-marineed ee uu doonayo in uu wadanka ka fuliyo.

"Masuuliyiintaas iyo qaar kale oo badan waxa aanu ka wada hadalnay sidii ay nooga caawin  lahaay een mashaariicda la xidhiidha adeega bulshada sida wadooyinka, biyaha, tacliinta dhakhtarada. iwm".

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalabaaadkan iyo safarkanuba uu yahay kii ugu horeeyey oo  fu lintoodu ay waqti qaadan doonto laakiin uu ku rajo weynyahay in ay hirgasho qabsoomidoodu. Inshaa Allaah.




Safka-hore.com