Safarkaygii laascaanood iyo Garoowe iyo Roobabka oo inta u dhaxaysa Garowe iyo laascaanood is haysta
 

 


Lasanod (TNN)-Abaaro saacadu markay ahayd 09:00 subaxnimo ayaan ka anbabaxay  ma gaalada laascaanood anigoo ku sii jeeda dhanka caasimada maamul goboleedka Puntland ee garowe.

Waxyaabaha ugu yaabka badnaa aan ku arkay intaan jidka ku sii jiray ayaa ahaa Reer  gu uraa ka soo guuray xiligii abaaruhu ka jireen Baadiyaha Burco iyo Yiroowo oo guuraya oo dib ugu sii noqonayey meelihii ay markii hore ka yimaadeen ee baadiyaha yiroowe iyo buco

iyo reer guuraa ka hayaamay duleedka laascaanood oo dib ugu soo guryo noqonayey  me eshii ay ah ka hayaameen markoodii hore. Kala guurida reer guuraagan ayaa waxay ka  da nbeeyey raxmaadka alle oo ka da’ay gobolada Sool iyo Togdheer.

Inta u dhaxaysa tukraq,ilaa buurawadal oo ah duleelka garawe waxaa is haysta  raxmaad ka alle iyadoo dhulkaas oo dhan ay wadhan yihiin biyuhu laguna arkayo reero cusub oo  ya g’leelaya aqalo cusub iyo adhi iyo geel badan oo raxmaadka alle laga waraabinayo

Dadka deegaankaas dagan ayaa warbixino kala duwan sheegay iyagoo badankoodi  sheeg ay inay hada heleen raxmaadka alle aysana jirin wax hada ka maqan.

Xaalada tuulooyinka ku teedsan inta u dhaxaysa Laascaanood iyo garoowe ayaa ahaa  ku wo ay ka muuqanayaan raxmaadka alle yadoo wali cirkuna cusubyahay.Waxaan dadka  de egaankaasi degenaa waydiiyey roobabkii ka da’ay deegaanadooda inay wax khasaare ah u gaysteen.Waxayna ii sheegaan in aanay jirin wax khasaare ah uu roobkaasi geystey.

Sidoo kale magaalada laascaanood ayaa xaladadeeda dagan hada marka loo eego xaladii hore ee amni xumada ahayd iyadoo ay ka jireen qaraxyo isdaba jooga.Dhanka kale xaalada magaalada garoowe ayaa iyadu daganayd marka loo eego xaaladahii amaan xume ee  dha waanahan ka jiray yadoo lagu arkayey dhismayaal cusub oo laga wado magaalada iyo  Ciid anada Police’ka p/land oo yagu hawlo ay ku sugayaan amaankooda Ka wadey magaalada garoowe.


Isku soo wada duuboo raxmaadka alle ayaa kawada da’ay qaybo badan oo kamid ah inta u dhaxaysa laascaanood iyo garoowe.



 



Wariye Abdirahmaan Abdisamed Ahmed (Ciise Yare)
Sool/laascaanood
Tel:002522-4464978
Www.TimacadeNews.com
Timacade News Network TNN
Lasanod Office