Salaadiin, Aqoonyahano iyo dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Badhasaabka Saaxil ku eedeeyay in uu gobolkaasi ka bilaabay Argoosi Xisbiyeysan, waxayna u soo jeediyeen in uu faraha kala baxo Jamacada Berbera.

 


 

Hargeysa (TNN)- Salaadiinta Aqoon yahanada iyo dhalinyarada Gobolka Saaxil ayaa si kulul u cambaareyay Badhsaab ka Gobolka Saaxil talaabadii uu ku kala diray maamulka jamacada Culuunta badda ee Berbera, waxa kale oo ay ku eed eyeen in uu gobolkaasi ka biilaabay Aargoosi xisbiyeeysan oo uu kula kacayo dadweynaha Gobolka Saaxil, waxa kale ay badhasaabka ugu hanjabeen in haddii uu faraha kala bixiwaayo khilaafka uu ka abuuray Jamacada Culuunta badd a ee Berbera uu cawaaqib xumo uu kala kulmidoon, iyaga oo sheegay in haddii dawlada dhexe soo faro galin waydo arintaasi in tallo faraha ka bixi doonto. Sidaasi waxa ay ku yidhahdeen shirjaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Xaraf ee Magalada Hargeysa. Salaadiinta Aqoonyahanada iyo dhalinyaradan shirka jaraa’id qabatay ayaa tiradoodu gadhay say ilaa 50 Xubnood,

Caaqil Ibraahin Muxumed Khayre oo ugu horeyan shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa Xukumada Siilanyo ku dhaliilay in ay waddo Argoosi Siyaasadaysan “Xukuumada wakhtigan joogta waxay u muuqataa in ay xisbi ku aarsanayso, oo ay olole ku jirto ayaa la mooda, waxa weeyi in aan la dhibin dadkii dalka soo gadhsiyey halkan ee sameeyay Dimuqraadiy ada aynu ku faanayno, caalamku inagu amnaanany in wixii ay qabteen la baabiyo ma ah, Guddiidaasi Jamacada iyaga heerkaasi maanta ay tagan tahay soo gadhsiyey, lakiin abaalkoodu ma ah in iyagii si digtaateerimo ah loola dhaqmo oo Jamacaddii Ciidan la duldhigo”Ayuu yidhi Caaqil Ibraahin

Waxa kale oo uu sheegay Caaqil Ibraahin Muxumed Khayre in shirkaasi jaraa’id ay ku kaliftay Arin aad u xun oo ka jirta Saaxil waxanu yidhi ” Hadaanu nahay odayaasha Deeganka Berbera, waxa nagu kalifay in aanu halkan ka hadl ano, xasilooni darro ka muuqata berbera gaar ahaan Jamacada Culuunta badda ee berbera, oo xaaladeedu sii murg ayso, waxaynu u balansanayeen in la helo cadaalad iyo sinaan, waxanu leenahay arinkaasi waa mid nala khaldan ee dib ha loo saxo” Ayuu yidhi

Caaqil Axmed Maxamed Warsame oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in arintaasi ka taagan jamacada Berb era laxaliyo si aanay saameyn nabad gelayada ugu yeelan waxanu yidhi “Arinta halkan ay ka sheegen odayaashi iga horeyay ayaa ku taageer sanahay, haddii aanu nahay odeysha gobolka saxiil, waxanu leenahay xalada ka jirta jama cada berbera waa in la xaliyaa oo nabada lagu soo dabaala, waxaanu leenahay arinta halga daayo Cuqubo iyo tallo ciil halaga ilaaliyo”Ayuu yidhi Caaqil Axmed

Maxamed Saleeban Cali oo ku hadlay afka dhalinyarada gobolka saaxil ayaa waxa uu sheegay in ka dhalin yaro ahaan ayna u dul qaadaneynin arinta ka socota gobolka saaxil waxanu yidhi “Waxaanu shirkan jaraa’id u qabanay in aanu ka hadlano Arin baryahan xamaasadeedu cirka isku sii shareertay oo ah Jamacada Culuunta badda ee Berbera, oo uu faro gali iyo afduub ku sameeyay maamulka gobolka saaxiil gaar ahaan Badhasaabka Ramaax, oo baabiyey gudidii soo dhistay Jamacadaasi kana dhigtay Jamacad waxa lagu baran karro, Badhasaabkuna isga oo aan waxba ka ogey an ayuu guddii heerkaasi soo gaadhsiisay jamacada uu gacantiisa ula tagay oo uu baabiyey, marka haddii aanu nah ay Aqoonyahanada iyo dhalinyarada Gobolka Saaxil arintiisa uu ku kacay Badhasaabku waanu ka soo horjeednaa, mana aqbalayno, waxanuna madaxweynaha Somaliland leenahay arintaasi soo dhexe gal inta ayna Tallo faraha ka bixin, waxa kale oo aan leeyahay dalkeenu wuxuu ku kala socdaa sharci badhasaabku sharci ayuu gobolka ku maamul aa, haddii sharcigu gacanta ka baxo, waa aynu isdilno, waxa kale oo aan leeyahay haddii wixii lagu kala baxayey la waayo waxa halkaas ka dhalnaysa cawaaqib xumo waxana maasuul ka ah badhasaabka gobolka Saaxil “Ayuu yidhi

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Xubno kale oo aad u badan guud ahaan waxay soo jeediyeen in Xukumada dhexe soo faro galiso Khilaafka jamacada Culuuta badda ee Bebera.



Source: Waaheen