Maanta UDUB iyo KULMIYE BA waxa u Madaxweyne ah Murr ashaxa Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal
Hargeysa (TNN)- Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan
Sul. Cabdillaahi Sul. Ca bdiraxmaan, ayaa daboolka ka qaaday in
shirar beryahanba u socday salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka
beeshu ay ku go’aansadeen in beelaha Subeer Awal taageeradooda
siyaasadeed ku xoojiyaan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed
Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay u arkeen nin dalka ka saari kara
maxladda uu ku jiro.
Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan waxa uu sidaasi ku
sheegay waraysi uu xalay siiyey Idaacadda Radio Horyaal, isagoo
xusay in shirar isdaba-joog ah oo saddexdii bilood ee u dambeeyey u
socday madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Subeer Awal oo ay ku
qiima ynayeen xaaladda dalku marayo, doorashada dalku galayo iyo
cidda masiirka ummadda lagu aa mini karo, kuwaas oo markii
dhinac walba laga eegay la go’aansaday in beeshu taageeradooda
siyaasadeed la barbar istaagto Guddoomiyaha KULMIYE.
“Runtii shir aayo-ka-tashi ah oo beeshu gashay saddex bilood ka hor,
kaas oo soo maray mara axil fara badan oo xasaasi ah, waxaannu
saldhigiisu ahaa beesha oo kaga arrinsanaysay itijaa heeda
siyaasadeed, go’aamana way ka soo baxeen. Markaa meel fiican oo
qurux badan oo axs aabta qaranka iyo cid waliba ogtahay ayuu
ku biyo-dhigay, arrintaasina waxay noqotay in aan nu ururino
xogtii beesha min bari ilaa galbeed, annagoo u yeedhnay tusmooyinkii
beesha Awal ka koobnayd. Xogtiina go’aamo wanwaagsan ayaa ka soo
baxay.”
Suldaanka oo la waydiiyey go’aamda soo baxay waxay yihiin,
“Waxa beeshu isku raacday markii dhan walba laga rogrogay, shacabka
Somaliland maanta isb eddel ayuu u baahan yahay, isbeddelkaa
uu u baahan yahayna meel buu isku wada raacay oo ah in la dhiso
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo murrashixiisa Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici.
Beesha waxa u dan ah danta So maliland, maadaama aynu arkayno
maanta halka ummaddii martay xogtii aannu beesha ka uru
rinayna sidaas ayuun bay noqotay. Runtii aannagu xisbi ma geli karno,
laakiin maanta maslaxa dda dalka ayaa laga fikirayaa, sidaa
mujtamicii Somaliland isugu raacay in isbeddel dalkan ka dh
aco cidda inaga saari kartaana ay tahay mujaahidkaa halgamaaga ah ee
inta badana aynu waa yo-aragnimada bidayno, ayaa marxaladan
maanta inagala dabaalan karaya, isbeddelkanina wa a mid guud
oo caam ah oo ka dhacay dalka guud ahaantiiba, markaa taas ayuun buu
waafaqsan yahay.”
Mar la waydiiyey Suldaanka in beeshiisa oo hore u taageeri jirtay
xisbiga UDUB in go’aankan ma cnihiisu yahay inay ka guurtay
halkeedii hore, waxa uu ku jawaabay, “Runtii Madaxweyne Raya
ale wax kalsoonidii beeshan u yaalaa ma jiro oo taa isaguba wuu
ogyahay, beeshuna markii ho reba KULMIYE-na way ka tirsanayd,
UDUB-na way ka tirsanayd, laakiin caam ahaan maanta ann agu waxaannu
eegaynaa aqlabiyadii beeshu halkay martay oo ay khasab tahay in
aannu raacn o oo aannu tixgelino. Maanta UDUB iyo KULMIYE-ba
waxa u madaxweyne ah murrashaxa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
halkaas ayaa la isugu biyo shubtay, waxaad maanta ka warha
ysaa in dalka laydh kale ka socoto, beeshuna aqalkaasi [Madaxtooyada]
way ka guurtay, shaca b badanina way na soo waydiiyaan oo waxay
yidhaahdaan halkee ayaanu codkayaga ku ridnaa, halkaas ayaanu uga
iftiiminaynaa.”
Suldaanka guud oo wax laga waydiiyey magacyada salaadiinta go’aankan
beesha ku wehelisa, waxa uu yidhi, “Waxa joogay boqorkii dhinaca
bari noogu xigay Boqor Xasan Ruug, waxa ka mid ahaa suldaan Maxamuud
Axmed Sheekh, Suldaan Axmed-nuur Samaale, Suldaan Shariif Batuun
Diiriye, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Ismaaciil Aadan Baxar, Suldaan
Axmed Daahir Cilmi, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelleh, way
dhammaayeen guud ahaan, laba ama saddex hawl nagaga maqn aana
way jireen.”
Suldaan Xasan oo la waydiiyey in go’aanka ay qaateen beeshooda ugu
baaqeen inay raacaan iyo in kale, waxa uu yidhi; “Go’aanka beesha
ayaa qaadatay, annagu guddoon baanu ku leena hay, sidaas
ayaanu ugu faataxaynay, war saxaafadeed kamaanu soo saarin, laakiin
beesha wa anu iska war haynaa intaa xidhiidho ayaanu la
leenahay, waanu is ognahay halkaanu joogno.”
Source: Jamhuuriya Online
|