Sanad & Maalmo, Safarkaygii Somaliland Q2aad

 

Dalkii waxaan is bedelin waxan arkay Dabeeraha, wa x allaale wixii kale dad iyo duunyo way dhalan rogme en.
 

Dadkaad ogeedeen hankooda iyo himiladooda habeen baa u dumey

Dadkii qabka lahaa qabar baa ku fadhiistay

Dadkii dareenka sareeyey dednaan baa u danbeesey

Dadkii damqashada dhowaa Doofaarkaa ficil dhaamey

Dadkii dooda badnaa dirqibay ku hadlaan
 

Shan sanadood ayaa Daahir Riyaale Kaahin loo doortay mas'uulka ugu sareeya wadanka.

Mudo furan oon la' saadaalin karin goor ay soo af-jarmayso ayuu  kadhigt ay ayuu kudarsaday ayuu ku joogaa. Waxa ka go'an inuu sidaa ku haysto inta Geeridiisa ka horaysa, isagoon cidna ugu hamranayn. Waa dhab waa xaqiiq waa talo meel la' dhigay oo aan dhib iyo dhabbo istaag-toona lagala kulmin daah-furkeeduna ahaa mudo-kordhi mudo-kordhi mudo-kordhin.


Gudoomiyaha UDUB mr Dahir Riyaale wuxu meel mariyey oo kuguuleystey inuu madhaafaankeeni been ku habo madaxoodana mijo u rogo.

Daahir Riyaale Kaahin waxa isagana maankiisii gaday oo uu jawaab isagu u la'yahay maxaa adigoo adiga ah jagadan laguugu doortay? su'aal kale  ay uu jawaab u la'yahay oo wuxu garan waayey goortay dadkan xasuustu ka guurtey, waayo ballantu qaado iyo beentuu sheegoba sacabay ugu darayaan. Waxa kasii yaabiyey gadh-casta gacmaha hoos haysata ee hankoodii & haybtoodiiba dhaafsaday Baloodh iyo Been aloosan.


Bal dhugo kumishankan aan fulinayn wax ka baxsan faqa Daahir Riyaale hadana mucaaradku weli ugu yeedhayo kumishan Qaran, Gudoomiyaha UDUBna dhabarka kaga feygarayo een iyaguna ogeynba xilka ay Ummadda u hayaan iyo masuuliyadeeda.

waxay qoondeeyeen in doorasho loo dareero 15 April 2008, waxa looga degel rogey mudo cusub markay kaabiga keentay taasuna waxay ahayd 30 Augost 2008, iyana waxa looga guurey 30 Decenber 2008, taana waxa loo raray 29 March 2009, laguma negaane waxa loo sahamiyey 31 May 2009, taana waatii faalku uraray 27 September 2009.


Taariikhahaa taxanayaashaa tilmaamahaas tafaxaydadka bilaabmay  miya ad weli ka rajo qabtaa inuu Gudoomiyaha UDUB doorasho inoo dareersho? jawaabtu xagayga waa calaa-cal tima yeelatay iyo caano tuke laga lisay. Ifa-faalihii lagu fogaynayey doorashona waa maqlayseen Suldaan  Saleeb aankii reer Dila ee yidhi reer Shikh-Isixaaq waa BIYO QULLATEEN AH. waxa jawaab dejinaysa suldaankaa siiyey wasiir Cali waran-cadde oo soo  jeedi yey in distoorka loo furo sida Jabuuti si Daahirna 3&4 jeer loosoo celiyo !!!


waxan odhanlahaa ma iska dhaafnaa tacabkan Dimuqradiyadda iyo  doora shadan wadaadku ka maagayo oo Boqortooyo ma u fidinaa ankala nasanee, nabad gelyaduna yaanay inaga xumaane.


Waxan sidaa u leeyahay Hargeisa waxa taalley 2 nin oo wax wada cabba ayaa kolkay kala hurda tagaan ayaa kii laga yimid mobile kasoo daba diraa saaxiibkii isagoo leh sidaa iyo sidaas iyo waa inaan ku kudaa! waar illeen ibtilo, Oday-guu islahaa waa ugu caqli iyo cimri dheeryahay dadk ayuu  ash kato ahaan ku yidhi adeer maxaan yeelaa ninkaa hebel baa waxaan  laqa adan karin igu leh habeen walba markaan kasoo dhaqaaqo e' wuxu kula taliyey oo yidhi odaygii "Adeer mar keliya hakugu dhuftee iska yeel hadii kale nabadaa xumaanaysa eh"


Gudoomiyaha UDUB muxuu sidaa u yeelayaa? waa nimaan dhaqan dhawr lahayn waa nimaan aqoon dhaari waxay tahay waa nimaan dhereg aragoo hada dhaansaday waa nimaan dheef ka dhergayn waa nimaan dhalasho waxba uga tegayn waa nimaan weligii waxyeel mooyee waxooda u dhaaf aan dheraar odhan waa nimaan dhugan dhiilada baxay waa nimaan dhaafayn dhito daayoo dhure geed yaal.Ammaano Alla

 

 

Ahmed Yussuf Dualeh
huluulyare@yahoo.co.uk