|
SANNAD GUURADII 8-AAD EE KA SOO WAREEGTAY GEERIDII
AABIHII JAMHUURIYADDA
SOMALILAND MARXUUM MAXAMED XAAJI
IBRAAHIM CIGAAL

Anigoo
ku hadlaya magacayga,Eng. Maxamed
Cali Muse,ka caruurtayda iyo xaaskayga, waxa an
Abtigay ,
Aabihii
Jamhuuriyadda Somaliland, marxuum
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, aan Allaha awoodda
leh uga baryeynaa,
danbi dhaaf iyo inuu
qabriga u
nuuro , u waasiciyo ,
nee caw udgooniyo ,
ku siiyo
naruuro , janno Fardawsana ku abaal mariyo.
Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim
Cigaal , wuxuu ahaa halyay Qaran , taariikhdiisuna
ku xardh an tahay jiritaanka Somaliland
iyo haykalka Dawladnimo ee Somaliland
maanta ku caano maal ayso. Marxuum Cigaal , walaw aan
wax qabadkiisii iyo dhaxalkii uu uga
tagay shacabka Soma liland aan la qiyaasi
karin , bal aan qaddar is dul taago inta aan ka xasuusto:
•
Sameyntii Dastuurka Somaliland
•
Sameyntii ciidanka Qaranka
•
Hub ka dhigistii
Beelaha
•
Nabadayntii Beelaha
•
Dib u dhiskii
Dalka
•
Sameyntii
lacagta Somaliland
•
Sameyntii Baasboorka Somaliland
•
Sameyntii
hannaanka
Dawladnimo
•
iyo kuwo kale oo badan
Waxaan
Allaha awoodda leh ka baryaynaa , inuu marxuumka ,
Maxamed Xaaji Ibrahim
Cigaal , danbi dhaaf u fidiyo , qabriga u nuuro ,
u waasiciyo , neecaw udgooniyo , ku siiyo
naruuro ,
ja nno Fardawsana
ku abaal mariyo,
Aamiin ,
Aamiin,
Aamiin.
Eng. Mohamed Ali Muse ( Farshaxan
)
Civil Engineer
Senior Certified Computer Network Specialist
| CNA |
CCNA |
MCP |
A+ |
Editor in Chief & Webmaster
Timacade
News
Network (TNN)
Long
Live Somaliland
News
Media (LLSNM)
|