Sannad wanaagsan 1431 hijri

 


Sannad wanaagsan Sannad khayreed Sannad barwaaqo iyo nabadeed,sannad cibaado
Happy new year , Happy new year best wishes and many happy returns


Waxa Alle subxaana watacaalaa u dejiyey Kownkan nidaam uu ku socdo,wax kasta  wax ay leeyihiin,nidaan u gaar ah,muddada iyo waqtiga waxa Alle ka dhigay mid leh tiro  go'a n,oo ay ka bilaabanto kuna dhamaato:


إن عدة الشهور عند الله اثنا عشر شهرا في كتاب الله يوم خلق السّماوات والارض...( التوبة)


Aayadda: bilaha tiradoodu waa laba iyo toban bilood oo ku cad kitaabka Alle ilaa markii Illaahay abuuray Samaawaadka iyo Arlada…


Bilaha Islaamka ee carabiga ahi waa sidan hoos ku taxan:


Muxaram,Safar,Rabiical awal,Rabiical aakhir,Jamaadal uulaa,Jamaadal aakhira,Rajab Sha cbaan,Ramadaan,Shawaal,Dulqicda,Dulxija.


محرم، صفر، ربيع الأول، ربيع الآخِر، جُمادى الأولى، جمادى الآخِرة، رجب، شعبان، رمضان، شوال، ذو القعدة، ذو  الحجة


Soomaalida bileheeda dhaqameed ee ilaa hadda miyiga ama baadiyaha laga isticmaalo, w aa kuwo waxyar oo isbeddel ahi ku yimi,laakiin asalkoodu yahay mid waafaqsan,oo ka yi mi bilaha Islaamka ee carabiga ah:

Dago,Bilmawliid,Sabbuux,Rajasha 1aad,Rajasha 2aad,Rajasha 3aad,Gasayar Shacbaan,Soon,Soonfur,Sidataal,Arafo.

Waxa manta oo jimca ah bilaabmay sannadkii cusbaa ee hijriyada oo noqday:

01/01/1431 oo ku began bisha miilaadiga ah 18/12/2009.
Waxan Alle ka baryaynaa in uu inooga dhigo sannad khayreed oo inaga maydha dhibtii iyo hawleheedii,oo inooga dhigo mid inoo bilaaba khayr iyo cabsidiisa Aamiin Aamiin Aa miin.


Sannnad wacan oo wanaagsan

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w