Sanwaa xaalkiisu waa "waxba hay dabiibina wadka
aan is aragnee."

 

Waxaan halkan ka salaamayaa warbaahinta madaxa bannaan ee sharafta badan.
waxaan kale oon salaamayaa akhristayaasha somalilanderka ah ee miyirka qabta

Salaan ka dib ,waxa maanta mar kale lagu soo kordhay ninkii ay saxaafaddu u soo g urmatay ee la dabiibay ee SANWAA ahaa.Ninkaas oo caafimaad qabay muddo ka yar shan maalmood oo qudha, haddaaba waxaan mar labaad ugu baaqayaa raggii horeb a ugu soo gurmaday ee ka adkaysan kari waayay markay arkeen walaalkood oo  caa naha & biyaha isku daraya ,khayr alla ha idin siiyo dabiib kaa soo ay u sabab ahaay een

= Feedhkii cabdi mxamad
= Ladkii maxamad ibraahim
= Karbaashkii muj suufi
= Qunbuladdii saciid xaji cali
= Waanadii faysal cali maxamuud
= Taxliishii sheekh ilyaas

Haddaan taas intaa kaga gudbo oo aan u soo noqdo kajaa kajaadan uu maantana la shir yimi, waxaan leeyahay war moogow dalka jamhuurida somaliland gobollaada  ras miga ah ee ay dawladdu aqoonsantahay waa Lix Gobol iyo GABILAY ,waxaana maga caabay madaxweynihii hore marxuum MAXAMAD XAAJI IBRAHIM CIGAAL,[ALLA  HA  UNAXARIISTEE], waxan kale ee aad ka sheekaynaysaa waa [BICIIDKAAN DILI DOONO] iyo beentii ina riyaaleh



GABILEY:

Adeer reer Gabiley way ka indha dheeryihiin ina Riyaale iyo inta maan gaabka ah ee kula midka ah  , GOBOLNIMADA Gabiley cidna marti ugama aha ina Riyaale iyo qeyrkii midna oo ilaahayba Gobolnimada siiyay.


GABILEY waxay ka dad badantahay saddex Gobol oo hadda ka jira somaliland mid ka sta dhinciisa.GABILEY waxay ka dhaqaala badantahay Afar Gobol oo somaliland ka jira ,marka intaasoo dhammi jiraan waa xaraan inaad GABILEY barbar dhigto  Gobolla dan been abuurka ah ee aan raadka lahayn.

GABILEY waa hormoodkii xorayntii dalka waana aasaaskii SNM ,waana goobtii ugu  ho raysay ee xabbaddii ugu horaysay ee faqashta lagu laayo ay ka bilaabanta ,markay taarkhdu ahayd 24/9/1979 kii,  ka hor saddex sano ku dhawaaqistii SNM .

Taa adeer reer Gabiley waa Kulmiye = Kulmiye waa Gabiley DIID AMMA DOON [qas ban cannak ]

Waxaanan kugu waaninayaa haka heesin meel aadan gaadhi karin oo aanad soo  dha afin xadkaaga

GOBOLLAN XAD DHAAFKA AH

Waxaay ay la mid tahay ballan qaadyadiisii hore u beenoobay ee ay ka midka ahaa yeen:

x Dariiqii oodweyne
x Dariiqii ceerigaabo
x Dariiqii dila
x Baddalaadii lacagta burco
x Darajadii ciidamada
x Dhagax dhiggii warshadda sibidhka
x Lix shirkadood oo macanta iyo batroolka soo saarayay
x iyo lix warshadood oo uu dhagax dhigay

Taas intaas baan ku dhaafayaa , oo waxaad ogaan doontaa marka la bilaabo  dooras hada inta Gobol ee dalku ka kooban yahya ma Lixbaa mise waa Laba iyo toban ?

Tan Xoolaha:

Mooge waxaad is leedahay ina Riyaaleh wax u tar,  laakiinse waxbaad u dhimaysaa waana aqoon la'aanta ku haysata.

Marka hore Xoolah Somaalida yaa xidhay ?

Sucuudiga ? ina Riyaale ? Mise cidkale ?

yaase furi kara ma ciddii xidhay mise cid kale ? jawaabtu waa ciddii xidhay

Haddaaba hadduu Riyaale furay, maxaad uga hadli wayday markuu xoolaha innaga xidhayay ?

Miyaanad nin waddaniya ahayn maxaadse la aamusnayd sagaalkaa sano mise hadda ad soo kacday siidi [DHIDARKA ].

Waxaanse ku waydiinayaa cidda furtay xoolaha  PU NTLAN iyo Koonfurta Somaliya ?iyagana ma RIYAALAA xukuma oo xoolaha u furay mise adaaba ka odayeeyay ?

Miyaanadse waxna qorin waxna akhriyin aan af somaliga ahayn ? miyaanad calal aqal dalkaad joogtid afkiisana aqoon.

Waxa wax lala yaabo ah,  ninkaagan sheegta inaad joogto dalka QATAR ee aan  hadd aana ogayn waxyaabaha ay war baahintoodu sheegayso warbaahinta QATAR waa warbaahintii ugu horaysay ee sheegtay furitaanka xoolaha somalida iyo ciddii  ogolaa tayba iyo waliba ciddii ka wada hadashayba iyo inta meelood ee laga dhoofinayaba haddaad u baahantahay inaad xaqiiqda ogaato waxaad kaxaysataa nin afka carabiga si fiican u yaqaanna oo waxaad tagtaan TVga la yidhahdo AL JAZEERA ee ku yaalla d alkaad joogto ee QATAR DOHA , waxaanad waydiisataa barnaamijka maalinlaha ah ee lagu magacaabo MAA WARAA'ALKHABAR (ما وراء الخبر) oo ku beegnaa bishii  OK TOBAR,  inkasta oo aanan maalintii hadda xasuusnayn haddana ayagaa kuu baadhi doona oo waxay ku kalifaysaa lacag dhan ugu badnaan ilaa 150 riyaal

Cusmaan Hindi:

Kan yar ee kula midka ah ee la yidhaahdo Cusmaan Hindi , waa sidii walaalkii ee Siyaa d Barre u basaaska ahaa ee SNM ta u soo basaasi jiray , ee markii danbe isagii  faqa shtu qoorta ka jartay.

Isaguna dariiqii ayuun buu marayaa oo waxa uu la shaqeeyaa ninka la yidhahdo  MA XAMAD C/LLAAHI OOMAAR , ee wasiirka ka ah dawladda sheekh shariif maantana da bin buu is galiyay kamana soo baxayo .

Haddaadse wax u qabanaysoo waa lagaaga fadhiyaa. Waxa lagu haystana waxba  ka lama socotid ee waad ogaan doontaa, marka waagu kuu baryo[BAADIDA NIN BAA KULA DAY DAYI DAALNNA KAA BADANE OO DOONAHAYN INAAD HESHAA DAYIM ABID KAAYE OO AY DADKUNA MOODAYAAN DUUL WALAALA AHE ] kaas buu lamid yahay.



haddaba caawa halkaa ha innoo joogto
 


wabillaahi towfiiq, allaa mahad leh

 

 

Maxamuud Sheekh
qodal99 @hotmail.com
Dubai UAE