Ganacsatada Lo'da Damaanta ah ka dhoofiya Saylada Tog-Wa jaale oo sheegay in iibku Xooluhu kor u kacay una mahad celiyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha
 

 



Tog-Wajaale(TNN)-Ganacsatada Lo'da Damaanta ah ka dhoofiya Saylada Iibka Xoolaha Tog-Wajaale ayaa markii u horeysay indhawaale ka marag kacey in maalmihii u dambeeyay Iibka iyo rarka Xool aha damaanta ahi kor uga kacey Saylada Tog-Wajaale.

Qaar kami ah Ganacsatada sida joogtada ah uga ganacsada Lo'da Damaanta ah islamarkaana Xoola ha ka rara Saylada Weyn ee Magaalada Tog-Wajaale oo ka mid a Sayladaha ugu waa weyn ee iibka Xoolaha Somaliland oo u waramey Shabakada Wararka Timacade  News, ayaa sheegay in Maalmihii u dambeeyay uu kor ukacey dhaq dhaqaaqa iibka Xoolaha Saylada Tog-Wajaale gaar ahaan Loda dam aanta ah iyo cujuusha oo ay u iib geeyaan Dalalka Yemeniyo Sucuudiga iyagoo si toos ah uga dhoofiya Marsada ugu weyn Somaliland ee Dekeda Berbera.


Ganacdsade Gabalaax Muxumed Odowaa oo u waramay Shakada Wararka Timacade News ayaa isa gu sheegay in iibka Xoolaha ee Saylada Tog-Wajaale aad u kacey maalmihii u dambeeyay isla marka ana, laga rarey Xoolihii ugu badnaa indhawaale ee loo daabulo dalalka Yemen iyo Sucuudiga iyadoo, ay wakhtigani ku began tahey Munaasibadii Xajka taas oo sabab u ah in xoolaha ugu badan laga daabulo Sayladaha iibka Xoolaha ee Somaliland gaar ahaan lo,da damaanta a oo laga raro Saylada Tog-Wajaale waxaana kamid ahaa hadaladiisii.


Waxaa maalmihii u dambeeyay laga raraey Saylada iibka Xoolaha Magaalada Tog-Wajaale oo kamid ah Sayladaha ugu waaweyn iibka Xoolaha Somaliland xoolo kumanaan neef ah oo laga qaadey Sayladan loona daabuley Dekeda Berbera oo looga dhoofiyo dalalka Yemen oo xiligan ugu badan iyo Sucuudiga oo in kamid ah loo sii mariyo dalalka Imaraadka carabta , waxaana kamid ah Ganacsatada ugu xoolaha badan ee mudooyinkii u dambeeyay ka rarey Saylada Tog-Wajaale lo,da damaanta ah ee ug badan anigoo ah Gabalaax Muxumed Odowaa, Jirde Yuusuf Xuseen,C/laahi Abiib iyo Cilmi Galeexi waxaana jira ganacsato kale oo badan?Ayuu yidhi .


Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa Gabalaax Muxumed Odowaa in doorkan iibka Xoolaha ee Munaasibada Xajku kaga duwan yahey kuwii hore in ay Ganacasatadu ka raysteen dhibaatadii rarka Xoolaha ka haysan jirtey dhinaca maraakiibta oo ay soo afjartey Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland.

Horta siweyn ayaanu ugu mahad celinaynaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland sababtoo ah waxaanu aad u dareenay dhamaanba Ganacsatada dhofisa lo,da damaanta ahi culeyskii naga haysan jirey rarka Xoolaha ee dhinaca Maraakibta oo uu doorkan Xajku kaga duwan doorarkii hore maxaa eelay Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa fududeysay arintaasi kadib markii ay naga hor qaadey Maraakiibtii ay awal hore Xooluhu u dabranaayeen islamarkaana fasax looga dhigay in ay Dekeda Berbera ka qaadi karaan maraakiibta iyo doonyuhu oo aan weel kaliya loo xanibnaaneyn waxaanay talaabadani so oaf jartey nidaamkii kootada Maraakiibta waxaa habeen walba ka baxa imika Dekeda Berbera oo ka guura ugu yaraan laba kun iyo shan boqol oo neef waana wax ilaahay loogu xamdi naqo waxaananu mar labaad iyo sadxaad uga mahad celinayanaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha gaar ahaana Wasiirka oo talaabo ka qaadey amuurtaas?Ayuu yidhi Gabalaax Muxumed Odowaa oo kamid ah Ganacsatada sida joogtada ah uga dhoofiya lo,da damaanta ah Saylada Weyn ee iibka Xoolaha Tog-Wajaale.

Saylada iibka Xoolaha ee Magaalada Tog-Wajaale ayaa inta badan waxa laga dhoofiyaa Lo'da dam aanta ah taas oo dakhli aad u badani xiliyadan kasoo galo Maamulka Degmadaasi iyadoo dhinaca alena Saylada Tog-Wajaale xidhiidh weyn oo dhinaca Ganacsiga Xoolaha la leedahay dalalka jaarka ah






Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland