Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo la gudoonsiiyey Shahaado sharaf lagu maamusay waxqabadkiisa Siyaasadeed, nabadeed iyo horumarineed

 

Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo muddo bil ku dhowaad ah ku joogay booqasho rasmiya wadanka  Mara ykanka lana kulmay madax ka mid ah labada aqal ee looga taliyo dalka Maraykanka , Gudoomiye  Siilaan yo oo casuumad rasmiya ka helay madaxa arimaha Africa ee State department senator Donald ayaa  k ulamo uu la yeeshay ay kaga wada hadleen sidii S/land u heli lahayd aqoonsi caalami ah, arimaha  door ashooyinka iyo taabo gelinta dimoqradiyada S/land, kulankaas oo ahaa kulan si heer sare ah loo  agaas imay ayaa waxaa ku weheliyey Xoghayaha arimaha debeda ee Xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdilaah Cumar , waxaa labda dhinac isla afgarteen in si buuxda loo taageero qabsoomida doorashooyinka soo socda iyo in xukuumada Maraykanku ay ka caawiso S/land sidii ay u heli lahayd ictiraaf caalami ah.


Gudoomiyuhu wuxuu kale la kulmay Keith Elison oo ah Mudane ka tirsan Congreska Maraykanka oo ah  m udane muslim ah oo laga soo doorto Gobolka Minnesota , wuxuu kale oo la kulmay Senator Al Franken oo ah mudane ka tirsan baarlmaanka Maraykanka oo laga soo doorto Gobolka Minneosta , maanta oo  taari ikhdu tahay January 26 2010 ayaa Senator Al Frank wuxuu gudoonsiiyey Shahaado Sharaf baarlmaanka Minnesota ku maamusay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, shahaada  s haraftan oo si weyn loogu muujiyey kaanlinta Gudoomiye Siilaanyo kaga jira taariikhda aduunka oo lagu xardhay waxqabadkiisa siyaasadeed, Nabadeed iyo horumarineed ee uu ka geystay dalkiisa waxaana  lo o ictiraafay in uu yahay astaan qaran iyo aabaha Dimoqradiyda Somaliland.
 

Gudoomiye Siilaanyo wuxuu booqasho ku tegey gobolada Minnesota , Ohio , iyo Virginia oo ay degan  yih iin qurba jooga ugu badan reer Somalinad ee wadanka maraykan waxaana loo soo dhoweeyey  Gudoomi haya si aad iyo aad u heer sareysa iyadoo gudoomihuna uga xog waramay duruufaha ka jira dalkoodii hooyo kuna guubaabiyey inay yihiin cidda dalkii mustaqbal iyo manfacba ka sugayo sidaa aawadeed la idiinka baahan yahay inaad dalkiina ku xidhnaataan kuna noqotaan wakhtiyada fasaxa oo aad noqotaan dad laba dal leh kan aad degan tihiin iyo kiinii hooyo.


Gudoomiye Siilaanyo Siilaanyo wuxuu ku soo beegan yahay S/land Januray 29/2010 hadii eebe idmo  wa xaana la filayaa aadna loo saadaalinayaa wuxuu la soo guryo noqon doono.



Saeed Suleiman