Shabakada Caalamiga ee Timacade News Network (TNN),oo ku dhawaaqday
shaqsiga , shirkadda  & Qoraaga sannadka 201
7 ee Jamhuriyada Somaliland

 

 

 

Canada (TNN) :- Maamulka Shabakada Caalamigaa ee Timacade News Network (TNN),waxay ugu baaqayaan,ku baraarujinayaan, dhamm aan shacabka So maliland,gudo iyo dibadba,inay Shirkadaha & Shaqsiyaadka bulshadeena ka dhex ifaya,ee Maalkooda, Aqoontooda, Mas kaxdooda iyo Wakhtigodaba u huraya dalkeena hooyo,in loo mahad celiyo,la aqoonsado,la sharfo,la karaameeyo, ee aan la xag xagan !!!.

Shabakada Caalamigaa ee Timacade News Network (TNN),oo ah Shabakadii ugu horeysay ee sannadkii 2008 kii bilawday in ay qiimeyn ku sameyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha Somaliland sannad walba, fursadna u siisa inay shacabka Somaliland ka qayb qaataan,una codee yaan,qiimeeyaana shaqsiga iyo shirkadda mudan in lagu sharfo,wax qabad,karti,daacadnimo, waxtar ,horumar iyo hawl karnimo.

Annagoo tix galinayna,ugana mahad celinayna dhammaanba muwaadiniinta Somaliland ee ka qayb qaatay Barnaamijkan sannad laha ah, ee Shabakada Timacade News Network qabato,waxaa magac iyo sharafba noo ah inaanu ku dhawaaqno Shaqsiga Sannadka ee 2017, oo noqday Madaxweynaha Jamhuuriyda Somaliland,Mujaahid,Mudane Muse Biixi Cabdi iyo Shirkada Sannadka ee 2017,oo noqotay Sagal Jet.

Waxaa sannadkan ku cusub shabakada TNN,xusidna mudan,in 10 kii sanno ee ay jirtay Shabakada Wararka ee Timacade News,ay markii u gu horeysay bilawday inay qiimeyso dhamaan qoraalada nala soo gaadhsiiyo,anagoo eegayna tirada akhrisataasha maqaalka,tayadiisa, farshaxanka Qalinka iyo Aqoonta qoraalka ka muuqata.

Waxaa magac, milgo,sharaf iyo karaamaba noo ah, inaanu ku dhawaaqno  muwaadinka ku guuleystay Shahaado Saharafta Qoraaga San nadka 2017,oo noqday , Cabdullaahi Maxamed Cumar.

Maamulka Shabakada wararka ee Timacade News Network (TNN) ,waxay hambalyo iyo bogadinba u dirayan Shaqsiga, Shirkada iyo Qora aga Sannadka 2017 , waxaanan Allaha awooda leh uga baryaynaa inay ku guuleystaan hiyigooda,hadafkoo da,hiigsigooda,hamigooda iyo yoolk oodaba.

 

 




TIMACADE  NEWS  NETWORK TNN