SHABAKADA WARARKA EE TIMACADE NEWS NETWORK (TNN) OO SOO QABAN QAABISAY XUS BALLADHAN,    OO BAR OORDIIQ AH,EE GABAYAAGII WEYNAA EE CABDILLAHI SULDAAN MAXAMED (TIMACADE),OO AY 37 SANNADOOD KA SOO WAREEGTAY GEERIDISII

 

Hargeysa (TNN) :-Munaasabad Balaadhan oo lagu Xusayay Sanad guuradii 37aad ee ka soo  Ware egtay Geeridii Abwaankii  Wayn aa Alle ha u naxa riistee C./laahi Suldaan Timacadde ayaa Xalay Lagu Qabtay Hotel Emperial ee Magaalada Hargeisa.

Munaasabadaasi oo ay soo qabanqaabisay Shabakada Wararka ee Timacade News Network (TNN) ,ayaa  wax aa ka soo Qayb galay, Seddexd a Xisbi Qaran,Wasiirro, Abwaano,Qorayaal, Aqoonyahano, Salaadiin, Dhalinya ro iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horayn Waxa halkaasi Hadal kooban ka jeediyay Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu si Qoto dheer uga hadlay  Taariikhda iy o Suugaantii Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde waxaa uu  She egay In C/laahi Suldaan sanadkii 1973-gii ku Geeriyooda Magaalada  K alabayd oo dhinaca galbeed ka  xigt ay  Mag aalada Gabiley “waxaan Xasuustaa C/laahi Suldaan wuxuu yaalay wakhtigaasi Tuulada Galoolay, Xaaskiisa Ardo Qa linle Alle ha unaxariistee ayaa noo timi Dhawr iyo Tobadan cisho ka hor, Markaasay tidhi ‘odaygii  Xa alkiisu wuu xunyahay, maalmahaas halkaasaan joogay, C/laahi Suldaan kansar baa kaga  dhac ay Cunaha oo Dalooliyay” ayuu yidhi Boobe yuusuf Ducaale.


Boobe waxaa uu ku dheeraaday Shaqsiyada C/laahi Suldaan Timacadde iyo Suugaantiisa waxaanu  Halkaa si ka tiriyay Maansadii labad ee C/laahi Suldaan Timacadde uu tiriyo.

Nimco Muxumed Ibraahin oo ah Madaxa Barnaamijyada Arimaha Bulshada ee Timacade News Network (TNN) oo madashaasi hadal kooban ka jeedisa y ayaa faahfaahin ka Bixisay Taariikhda Shabada Wararka ee  Timac adde oo soo Qaban qaabisay Xuska Sanad guurada 37aad ee Alle ha u naxariist ee C/laahi  Suldaan Timacad de waxaanay ka warantay heerarkii kala duwanaa ee Shabakaddu soo martay, Iyada oo  Xustay in  Dhawaan dib u ha bayn lagu sameeyay oo Loogu magac daray Abwaanka Wayn ee C/laahi Suldaan Timacadde.

Nimco waxay kale oo ay xustay in aanay noqon doonin markii ugu horaysay ee shabakadu Qabato Xuska  Ab waan C/laahi Suldaan balse ay joogta yn doonaan, taasi oo ku tusaysa kaalinta uu ku lahaa Suugaanta  Som alida.

Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo isaguna Halkaasi ka hadlay , waxaa uu ka waramay Suugaantii  C/l aahi Suldaan Timacadde iyo  kaalin tii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida..

Axmed Aw Geedi Amiin (Dheeraad) oo ka waramay Suugaantii C/laahi Suldaan Timacadde iyo kaalintii uu Ka galay Bulsho waynta Somalida{C/laahi Suldaan Timacadde ayaa waxa uu yidhi “ Waa Abwaanka Kaliya Ee Maanta Idfaal Lagu Yahay.,Qofka kalliya ee Soomaali Heshiisku Tahay Waa Abw aan Timacadde,Walaa  Siyaas ibaan Heshiis Lagu Ahayn, Walaa Halgamaabaana Maanta Heshiis Lagu Ahayn,Walaa  Sheekh baana Heshiis Lagu Ah ayn.,Lakiin C/laahi Suldaan Timacadde Qofkasta Oo Soomaaliyeed Ixtiraamgaar ah ayuu u hayaa” ay uu yidhi Axmed Aw geedi


Waxaa isaguna Madashaasi ka hadlay Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)- wa xaana uu halkaasi ka jeediyay Maanso la yidhaando Hal-Abuur oo uu kaga hadlayay Qiimaha uu hal  ab uurku leeyahay.

“Waxaa ina kulmiyay Cabdillahi Suldaan Timacadde, Xaaladan oo kale marka laga hadlayo Qofkii dhintay la  xusayo, qofna qoysbaa xusa, Nin na Qara n baa Xusta, Malaha Caawa Cabdillahi Suldaan Timacadde waa loo dhan yahay” ayuu yidhi, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Maryan Cabdillahi Suldaan Timacadde oo iyaduna hadal kooban Munaasibaasi ka jeedisay ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay Xuska loo sammeeyay Aabaheed, Maryan waxay ka hadashay Taariikh  nolol eedkii  a abeheed intii ay ka soo gaadhay iyada oo Boobe yuusuf ducaale ku amaanta kaalina uu ka qaatay soo  urur inta Taariikhda aabeheed.

Maryan C/laahi Suldaan waxay ku Canaanatay Xukuumada maanta jirta in Looga Baahanyahay Dadka  qiima ha Wayn ku dhex lahaa Qaranka iyo B ulshada Reer somaliland oo uu ka mid ahaa Abeheed in Dadkii uu ka  ta gay wax loo qabto, iyada oo tilmaantay in 41 qof ay ka joogaan tafiir C/laahi Suldaan Timacadde waxaanay si gaar ah usoo qaadatay Afar wiil oo ay hooyo u tahay oo ku sugnaa Madasha in Dawladu  usha qaalaysiiso.

Guddoomiaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo isaguna Xuskaasi ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in Marxuum Timacadde uu ka soo qayb qaat ay halgankii Dalka kaalin muhim ahna uu kaga jiray.

Gudoomiyuhu waxaa uu balan qaaday in dadka dalka usoo halgamay iyo inta Qiimaha leh ee ka baxday ay  Ub adkooda wax uqaban doonaan hadii ay ku guulaystaan Doorashada soo socota oo ay hooska ka xariiqi  doo naan.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Ucid ahna ku simaha Xisbiga Aaden Maxamed Mire (Waqaf) iyo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somal iland Abiib Xasan Fil Fil, waxaanay ka warameen kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu Ummada kaga jiray iyaga oo sheegay in uu ahaa Haylyay Somali yeed oo qiimo Ummada Qiimo  w ayn ku dhex lahaa. Waxa ay xuseen in loo baahan yahay in Dadkii uu ka tagay la wanaajiyo oo  wax loo  qab to.

Waxa madasha Shahaadooyin lagu guddoon siiyay Dadkii ugu wax qabadka badnaa Sannadkii ina dhaafay ee 2009. kuwaasi oo isku jiray  Ab waano, Salaadiin, Qorayaal, Ururo Bulsho iyo Shaqsiyaad kale oo Muhim ah.



Salaadiinta la guddoon siiyay Shaadooyinka:



1. Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Cabdiraxmaan
2. Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Suldaan Cabdillahi iyo
3. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Muxumed


Abwaanada la guddoon siiyay Shaadooyinka:


1. Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin
2. Abwaan Xasan Daahir (Weedh-same) iyo
3. Abwaanad Deeqa Xasan Axmed
 

Qorayaasha guddoon siiyay Shaadooyinka:


1. Cabdi Yuusuf Ducaale(Boobe)
2. xasan Cabdi Madar iyo
3. C/raxmaan Cabdillahi Faarax(Barwaaqo)



Seddex Shaqsi oo ku guulaystay Qiimayn uu sameeyay website-ku sanadkii 2009:


1. Guddoomiyaha Golaha Guurtida
    Mudane Saleebaan Maxamuud Aaden

2. Maamulaha Cisbitaalka Edna ee Hargeisa
   Drs. Edna Aden Ismaaciil iyo

3. Mulkiilaha Telefishanka Madaxa banana ee Horn Cable Tv
   Farxaan Xaaji Cali Axmed
   Madaxa Horn Cable TV



Ururada Bulshada ee Shahaadooyinka la guddoon siiyay:
 

1. Ururka Mutadawaciinta Havayoco
2. Ururka Gargaarka Masaakiinta Xaafada Xawaadle
3. Dallada Dhallinyarada Somaliland ee Sonyo iyo
4. Naadiga Akhristayaasha Hargeysa

 

 


 


Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe future)
Timacade News Network (TNN)
timacadenews@hotmail.com
Mobile: 002522-4423109, 002522-4423021
Line: 252-2521153
Hargeisa/Somaliland