Sanadguuradii 38aad ee C/laahi suldaan Timacadde oo Xalay Hargeisa
lagu Xusay iyo Shahaado sharafyo la gudoonsiiyay Shaqsiyaad iyo
Shirkaddo wadinaya.

Hargeisa February 6,2011
(TNN)-Munaasabad Balaadhan oo lagu
Xusayay Xuska Sanadguuradii 38-aad ee ka wareegtay geeridii Alle ha
unaxariistee Abwaankii Waynaa Marxuum C/laahi
Suldaan Timacadde ayaa Xalay Lagu Qabtay
Hotel Emperial ee Magaaladda
Hargeisa
Xafladaasi oo ay soo Qabanqaabiyeen Shabakadda
Caalamiga ah ee Timacadde News Network
(TNN) ayaa Waxaa ka soo Qayb galay,
Masuuliyiin ka kala Socday Seddexda Xisbi Qaran ee Somaliland,Sh.
Aadan X.Ma xamuud (Aadan Siiro) Xubno ka Socday Ururadda
Bulshadda, Abwaanno, Masuuliyiinta ka mid ah Xukuum a dda
Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Arimaha Gudaha C/laahi Black, Agaasimaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha
Mustafe Qodax,Gudoomayaha Jaamacadda Abaarso Tech Dr.Ax med
Xuseen Ciise, Gudoomiyaha Hayadda Wadaniga ah ee Odxa Marwo Faadumo
Siciid, Maryan C/laahi Sul daan Timacadde iyo Marti sharaf
kale oo Aad u tiro badnayd.
Ugu horayn Xafladaasi Waxaa Hadal kooban ka Jeediyay
Agaasimaha Shabakadda
Timacadde News Netwo rk
Mustafe C/kariin Cali
(Mustafe Future) oo ka warbxiyay
Taariikhda Shakadda Timacadde News iyo
ujee dooyinka ay usoo qaban qaabiyeen Xuskan Timacadde oo ay
markii labaad shabakadu Ku Qabatay
Magaal adda Hargeisa.
Mustafe Future waxa uu Carabaabay in Timacadde uu ahaa Shaqsiyaadka
Fara ku tiriska ah ee Qiimaha ku lahaa Bulshadda ku hadasha Afka
Somaliga oo uu Suugaan Dhaxal gal ah uga tagay sidaa Awgeed waxa uu
Xusay inuu Mudanyahay in Da,yarta soo koraysa La Xasuusiyo lana Baro
Dhaxalka uu uga Tagay Umaddiisa.
Mustafe C/kariin Waxa kale oo Xusay in
ay Xafladda Shahaadooyin ku gudoonsiin doonaan Shaqsiyaad iyo
shirkaddo Dalka iyo dadka wax u qabtay Sanadkii tagay,kuwaasi oo ay
soo xuleen Akhristayaasha Shabak adda
Timacadde News, waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay
Garoonka Timacadde ee Magaaladda Harge isa u samaynayaan
Qaadhaan ururin, si dib loogu hagaajiyo garoonkaasi oo qabyo badani
ka muuqato.
Maryan C/laahi Suldaan oo ah
Gabadh uu dhalay Alle ha u Naxariistee
C/laahi Suldaan ayaa iyana kalmado
kooban ka jeedisay xaflaasi Xuska ahayd waxaanay aad ugu dheeraatay
Shaqsiyadii Alle u naxariistee Tim acadde oo ay sheegtay in
Magaca C/laahi uu ka dhexeeyo umadda Somaliyeed oo dhan oo aanay
iyagu q oys ahaan gaar u lahayn, waxaanay aadu ugu mahadnaqay
Shabakadda Xafladan soo Qaban qaabisay oo ay sheegtay inay iska
Xilsaareen inay dib u soo nooleeyaan Magaca shaqsiga Dalka qiimo
wayn ku lahaa.
Maryan C/laahi waxay aad ugu dheeraatay
tilmaamihii uu lahaa Aabeheed iyada oo soo qaadatay qaar ka mid ah
Gabayadii uu tiriyay C/laahi suldaan.
Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin oo isna munaasibadani ka hadlay ayaa si
balaadhan uga waramay shaqsiy adii Alle ha u naxariistee
Abwaan C/laahi Suldaan Tima cadde,isaga oo sheegay in uu waxyaabo
badan ka ga duwanaa abwaaniinta kale,kuna sifyeeyey in uu ahaa
gabyaa hirasho iyo hiraal mudan ,hal abuur isaga oo kale ahna uu
dhif iyo nadir yahay.waxaa kale oo uu sheegay Axmed Awgeedi in
gabayadii Abwaan Tima cadde ay manta dhaxal gal u noqdeen guud
ahaanba umada soomaaliyeed.
Marwo Faadumo Siciid oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in
Abwaan C/laahi suldaan timacadde Qiime wayn ku lahaa bulshaddeena
iyada oo aanay Caruurteena inta badan Aqoon oo la inooga
baahan yahay inaan Baro oo aan Tusno dhaxalkii uu ka tagay
Da,yarteena.
Dhinaca kale Marwo Faadumo siciid waxay Sheegta in laga Qayb qaatay
dhismaha garoonka Timacadde oo ay ugu Deeqday $1000 iyada oo
sheegtay in iyada oo dumar ah ay bixisay intaasi loogana baahanyahay
ganacsatada iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb gashay madasha
inay ka badiyaan inta ay bixisay iyo in kabadan, waxaanay kula
dardaarantay culimadda inay ka qayb qaataan horumarka dhalinyaradda
iyo ciyaaraha somaliland.
Waxaa iyaguna balan qaaday in ay ka qayb qaadanayaan dhismaha
garoonka Timacadde Sh.Aadan Siiro, Maamulaha Nuuradiin Mahad
Ibraahin, Agasimaha Guud Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Black iyo
mas uuliyiin kale oo ka qayb galay Munaasabadda.
Masuuliyiin tiro badan oo halkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa
dhamantood u mahad naqay
Shabakada TimacadeNews.com
, ee soo qaban qaabisay Xafladaasi
Ugu danbayntii Waxaa shahaado Sharafyo lagu gudoonsiiyay Shaqsiyaad
iyo Shirkaddo ka qayb galay hor umarka Dalka Sanadkii tagay
kuwaasi oo ay soo qiimeeyeen Akhritayaasha Timacadnews.com waxaana
ka mid ahaa.
•
Marwo Faadumo Siciid ,Gudoomiyaha
Ururka Samo Falka ee ODHA (Shaqsigii
Sanadkii 2010)
•
Eng.
Maxamed Xaashi Cilmi , Wasiirka
Maaliyadda Somaliland
•
Professor/Dr. Xuseen Cabdillahi Bulxan
•
Maxamed Aw
Siciid Geedi (Mulkiilaha Shirkadda Som-cable)
•
Xaaji
Axmed Daahir Cumar Baxsane
(Ganacsade)
•
Sheekh
Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sh. Aadan
Siiro)
•
Eng.
Faysal Cali Waraabe (Guddomiayah
Xisbiga UCID)
•
Madaxweynaha Somalialnd , mudane Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo)
•
Marwo
Amina-Weris Sheekh Maxamed Jirde (Marwada
Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland)
•
Farxaan
Xaaji Cali Axmed ( Mulkiilaha Horn
Cable TV, HCTV)
•
Daahir
Riyaale Kaahin (Guddomiyaha Xisbiga
UDUB)
•
Komishanka
Doorashooyinka Qaranka Somaliland
•
Dr.
Maxamed Cabdillahi Cumar,
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland
•
Dr. Axmed Xuseen Ciise (Gudoomiyaha
Jaamacadda Abaarso Tech)
•
Marwo. Adna Aadan Ismaaciil
(Adna Maternity Hospital)
•
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,
Madaxweyne ku Xigeenkii hore
•
Shirkadda Dahabshiil
•
Shirkadda Isgaadhsiinta
Telesom
•
Shirkadda Wadaniga ah ee
Indhadeero Group
•Eng.
Maxamed Cali Muse ,
Mulkiilaha,Tafatiraha,Webmasterka ,Timacade News Network (TNN)
Nimco Muxumed Ibraahin
Timacadde News Network
Hargeisa somaliland
timacadenews@hotmail.com

Mustafe Future (TNN)
& Farxaan
Xaaji Cali (HCTV)










Maryan Cabdillahi Suldaan
(Timacade)



















































 |
|