WAR-SAXAAFADEED

 

 

 

Taariikh:2 February 2012



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xuska Sannad Guurada 19-aad ee Ciidanka qaran ka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 02.02.2012, Meel kasta oo ay joogaan, Xaasaskooda iyo Caruurtooda.



Madaxweynuhu waxa uu ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, illaahay uga baryayaa inuu ku guuleeyo xilka Culus ee ay dadkooda iyo Dalkooda u hayaan, Shacbiga Reer Somalila nd-na waxa uu ugu baaqayaa, in ay Ciidamadooda la garab istaagaan Muruq, Maal, iyo Mask ax.



Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga baryayaa in uu Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda So maliland sannadkan, sannadkiisa ku gaadhsiiyo Horumar, Bash-bash iyo Barwaaqo
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.a