"Shantii Sanno Iyo sanadkii Aan Kuugu Darayba Way Dhammaadeen"

Muuse Bixi

 

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ninka ay xxukuumadda Madaxweyne Rayaale ku tuhmayso aftahanimo ee ka tirsan ka dalbaday inuu ku soo horfadhiisto dood garnaqsi ah,
waxaxanu xukuumadda ku eedeeyay inay xisbiga KULMIYE ku hayso warar dacaayad ah oo ay marinayso warbaahinta dawliga ah.

Md. Muuse Biixi Cabdi, oo hadal dheer ka jeediyay munaasibad loo sameeyay arday tiro badan oo khamiistii ka qallin jebisay machadka Nuuradiin, waxa uu caddeeyay in xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, diyaar u yahay wixii lagu heshiiyo ee la xidhiidha qaddiyadda 6 April, oo ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale kaga eegtahay mudadii xil hayneed. “Dadku baryahan TV-ga qaranka iyo Raadiyowga waxay ka dhegeystaan Kulmiye ayaa wax diiday, Kulmiye ayaa ina qarxinaya, Kulmiye ayaa balaayo soo wadda, Kulmiye muxuu waddaa, Kulmiye muxuu doonayaa, ayaa in badan waayeelka iyo odayaashu Tv-ga qaranka ka sii daayaan. Kulmiye taa wuxuu kaga jawaabayaa Kulmiye wuxuu wadaa nabad, nolol, horumar, walaatinimo iyo midnimo. Balaayo ninkii sheega ayay la taalaa, cidda waxaa akhriyaysa ee xukuumadda ah, ee warbaahinta qaranka ee dadka ka dhaxaysa waxaa ka akhriyaya haddii aanay wax qarsanayn, oo ay xaqiiqo sheegayaan, haddii ay dadka war run ah u sheegayaan Tv-ga qaranka iyo idaacadda ayaanu soo wada fadhiisanaynaaye ha ogolaadaan waa lagala doodayaaye, haddii kale waa beenaaleyaal wax qarsanaya." Ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaas raaciyay "Anagu waxaanu u aragnaa in ay dalka xukuumaddi ka jirto, waa tii aynu ragga badan u laynay, waa tii aynu waxa adag usoo marnay, ma nihin rag dalkan haba yaraatee intaas oo hagar daamo u quudhaya. Ninka waxaa akhriyaya ee telefoonka ka caayaya hebelo aan ka mid ahay waa nin aan xabadi ku dhicin, waa nin aan walaalkii ku dhiman, waa niman intii ay jeclaayeen aan Hargeysa meydkooda kaga tegin ee meesha shalay iska yimid. Taasi waa jawaabtii KULMIYE ayaa na qarxin doona. Su'aasha ah maxaa buuqa kiciyay.

Dalkani wuxuu ku horumarayaa oo aynu ku wada soconaynaa in la ilaaliyo shuruucda, Kulmiye waxa qudha ee uu leeyahay sidii aynu ku heshiinay ee sharciga ahaa inoo ilaaliya, aynu nabadgelyo doorasho xaq ah oo xor ah ku gaadhno, intaas ayaanu la taaganahay oo aanu idinka iyo kuwa qaylinayaba u sheegaynaa haddii aanay gar ahayna idinku [ardayda] naga qabta."

Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlaya qaddiyadda 6 April, waxa uu yidhi, "15-kii bishii May ee kal hore, sidaas ayay Madaxweynaha uga dhammaatay, ciddii tidhi annagaa dulqaadanayna ee madaxweynoow sannad kale ka bogo anniga ayuu ahaa. Doorashadii lama hayo, walaaloow doorashadii meeday ayaanu nidhi, maxay sheegayaan ayaa lagu jawaabay, miyay na qabataa taasi.? Waxaanu leenahay imikana su'aasha taagani waxa weeye 31 May ayaa doorasho la qabanayaa ee xaggee ayuu KULMIYE ku degdegayaa muu iska sugo saddexda biloow. 80 cod ayaanu doorasho kaga tagnay, idinka ayaanan diin danaynay. Waxa la isweydiinayaa oo keliya waa sharciyadii la qortay. Shantii sannadood way dhammaatay, sannadkii aan kuugu darayna wuu dhammaaday, marka la gaadho 6 April, dalka dawladda jirtaa tee ayay noqonaysaa, ma isagay goleyaashu u kordhinayaan, ma cid kale ayaa la keenayaa. Taladaas KULMIYE ma laha ee waxa leh labada gole baarlamaan. Marka 6-da April, maare loo helo ee ay goleyaashu ina yidhaahdaan ciddaas ayaa inoo dawlada ah, haddii ay saacaddaa qabtaan iyo haddii ay saacadda ku xigta qabtaan, haddii ay maalmo ku daraan iyo haddii ay bilo ku daraan, wax alla wixii laga heshiiyo ayuu Kulmiye diyaar u yahay oo uu ku khasban yahay, laakiin waxa ceeb ah in odayaasha iyo islaamuhu ay run u haystaa waxa dawladda tv-geedu sheegayo, haddii Kulmiye wax caddaan ah lagu hayo caawa Tv-ga qaranka dawladda ninka ugu adagi ha ii yimaado, wixii dhaliil uu leeyahay ha u sheego, laakiin dadka yaan la khaldin, markaa su’aashaa Kulmiye ayaa wax wada ka bogsada."

Ugu dambayn waxa uu Muuse Biixi Cabdi, bogaadiyay ardayda qallin jebisay iyo machadka Nuuradiin iyo macalimiinta ka hawlgasha.

Waxa kale oo isna xafladaas ka hadlay Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, oo ah murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga UCID, waxaanu isagoo ardayda la hadlaya uu yidhi "Markii aanu dadiina aanu ahayn ee aanu dugsig sare ka baxnay, waxa tacliintayada noo diyaar garaynaysay dawlada la ictiraafsan yahay, markaanu shaqada Dusgsiga sare ka soo baxno waxa aanu ogayn halka aanu ku socono ama in aanu Jaamacadu dibada ah la noo dirayo ama shaqo aanu helayno. Waad ka war qabtaan in idinka taariikhdaasi ayna idin hor oolin, haday idin hortaalana ay tahay cidhiidhi sida aad ku helaysaan tacliin sare gudo iyo dibadba, inay cidhiidhi tahay inaad shaqo helaysaan. Markaa taariikhda ina wada horyaala ee maanta wadankeenu marayaa waa taariikh u baahan in kuligeen la isla kaashado nolosha maanta aynu ku nool nahay sidaynu u badali lahayd."

Dr. Maxamed-Rashiid, oo ka hadlayay arrimaha siyaasadda waxa uu yidhi "Aniga oo aan doonayn inaan halkan ka idhaahdo hadal siyaasadeed, hadana maanta waxa idin hor imanaysa arin taariikhi ah haddii aad tihiin dhalinyarada rag iyo dumar leh ee halka fadhiya, gacantiina waxa soo gali doona inaad ka talisaan umaddii idiin hogaamin lahayd shanta sanadood ee soo socda iyo wixii ka danbeeyaba, markaa waa inaad heshaa dawlad Wanaagsan, waa habka ugu sareeya ee umad lagu maamulo, habkaa ugu sareeya ee umadda lagu maamulo wax ka badalkeedii ayaa gacantiina soo galaya. Markaa waxaan idiin soo jeedinayaa inaad akhridaan saddexda Xisbi ee tartamaya barnaamijadooda oo aad eegtaan dadka hogaaminaya, dabadeedna aad taladii aad wax ku badalayseen aad gaadhaan."

 

 



Wargeyska Geeska Afrika