SHEEKADII CALI DAMEER
Xasan C. Madar


Markan waxa laga hadlayey doorashooyinka ka qabsoomi doona soomaalilaand iyo isbeddellada siyaasadeed ee la filayaa waxay soo kordhin karaan. Mar hadd aanan siyaasadda si firfircoon ugu jirin, dhinacyada ku loollamayana ka madax bannaanahay wax badan kuma darsan karo ka hadalkeeda.

Doorka keliya ee  a an ku leeyahay waa la socoshadeeda iyo tilmaanteeda  mee laha ay ka  janjee dho. Kol haddii aan sidaa uga fogahay siyaasadda waqti  bad an uma hayo ka  war celinta weydiimo mararka qaar soo noqnoqda oo markasta oo koob qaxwe ah aad cabbayso dadka agtaada fadhiyaa kugu soo ganayaan.

Haddii laga qaxweyn waayey waa inaan hal ma laba sheeko kaga warceliyo si  xi lka inta aan ku leeyahayna iiga dhaco, kuwa siyaasadda xiiseeyana murankoodu ugu sii macaanaado, anigu aan u helo fursad aan qaxwaha ku fuudo inta aanu  i ga qaboobin. Weydiintan ay maanta i hordhigeen ee waxa laga filan karo  isbed delka siyaasadeed ee soo fool leh waxan kaga fakaday uun sheekadii Cali  Dameer.

Odaygaa Cali Dameer in badan baa ooridiisu ka codsatay inuu magacan silloon iska beddelo oo magac hagaagsan la baxo. Wadaaddu waxay khaati ka joogtay xanta dumarka oo markasta oo ay erey ku darsato waxa la odhan jiray islaantii Cali Dameer ma maqasheen waxay ku dhawaaqday. Cali Dameer markii  cabash adii islaantiisa ee magac beddelku ku badatay ayuu maalin dambe go’aansaday inuu magacan iska beddelo si uu marwadiisa qaaliga ah u raalli geliyo. Goor galab ah ayuu islaantii u yeedhay oo ku yidhi, “Ee bishaaro, maanta magacii baan iska beddelayaa”

Islaantii markiiba farxad bay la duushay, casuumad casho ah bay diyaarisay, du markii xaafadda oo dha bay u yeedhay oo ku tidhi, “Caawa odaygaygii baa  mag aca iska beddelayee waan idin casuumay”

Dumarkii xaafadda oo dhan baa casuumaddii ka soo qayb galay. Habeenkii oo dh an baa damaashaad iyo durbaan lagu jiray oo bishaaradu isdhaaftay.Sidii loo  ci yaarayey baa saq dhexe lagu kala dareeray, islaantii iyo odaygiina hurdo la kala dhaceen iyagoon waxba isweydiin.

Aroortii hore hore kolkii waagii beryey baa islaantii odaygii kula soo kallahday  w eydiin, “Horto xalay kumaba weydiine maxaad magacii ku beddeshay, waa max ay magacaaga cusubi?

Magacayga cusubi waa Jaamac Dameer, kaasaan la baxay, miyaanu ka  wanaa gsanayn kii hore ee aad khaatiga ka joogtay?” buu yidhi isagoo dhoollo caddayn aya oo ku faraxsan inuu magacii iska beddelay si uu islaantiisa u raalli geliyo.

Naxdin baa islaantii dhulka ku dhacday oo la miyir beeshay.


Isna waa kan oo wuu dul taagan yahay, wuxu garan laayahay waxa islaanta ku dhacay, wuxu ka fikirayaa haddii magacii cusbaa dawakhaad keenay inuu  maga ciisii hore ku noqdo. Cidii talo ku kordhinaysa wuu uga baahan yahay.





Xasan Cabdi Madar

nabaadiino@yahoo.com