Sheeko gaaban: Dhible iyo Dhiblaawe

 "Miyey dhoohanyiin mise waa dhabar adayg"

Waaba yaab, oo ma intaasaan mar hore garan waayey. Tan iyo maalintii aan Ing iriiska soo galay, shaqo hagaagsan ma aan qaban, niyad jab iyo calaacal ayuun baan la  dhexj oogay London. Shaqo la'aan, mafrish aan maalin kasta fadhiyo, waxbarasho la'aan, inta as oo daltabyo ii dheertay baan 19 sannadood ku jiraa. Maanta maalin ay iiga farax  bad antahay ma jirto. Waa in aan u sheegaaa Cutiya, maanta ha faraxdo, weligayba kamaan farxine.

Goobtu waa London. Dhible waxa uu soo galay ingiriiska 91kii. Waxa weheliyey Xaaskiisa iyo saddex carruur ah (Laba wiil iyo gabadh). Muddadii hore waxa ay ku jireen dedaal  i yo sidii ay ula qabsanlahaayeen dalka cusub ee ay yimaadeen. Laakiin, intii danbe  deda alkaasi wuu is dhimay. Wax badan baana si taban ay ugala kulmeen noloshii cusbayd.

Dhawrjeer oo uu is yidhi dalkii tag na, waa ay u suurto geli weyday dhanka kharashka  a wgeed. Sannadkii u danbeeyey ayuu bedeley mafrishkii hore ee uu ku qayili jirey, oo nin ay aqoon fiican isu lahaayeen muddo dheer, ayaa ku yidhi, " waar rabaca aad la fadhido kolba waa la bedelaa, haddii kale waxba ka faa'iidi maysid, ee Mafrishkayaga kaalay. Intii uu Mafrish kaa fadhiistay waxa uu bilaabay olole u ku taageeraayo xisbiga Dawladda..

-Cutiyaay! shandada ii diyaari, oo dharka ii kaawadee, khamiista soo socota ayaan baxayaa oo dalkii tegayaaye.

-Yaa, ma adigaa dalkii tegaya? Waar! war kale keen, toban jeer ka badan inta lagu yidhi kaalay oo hooyadaa way xanuusanaysaaye soo arag, ee aad mar kastaba ka dhega  ad aygtay. Ilaahay ha u naxariistee adigoon soo arag ayuu xaqii u yimi, oo maxaad maanta dalkii ka doonaysaa.? Ehelkaa iyo qaraabadiiba, waad ka go'day oo maanta cid aad u tirsantahayba ma jirto.

- Marka geel loo heeso, maxaad gorayo ugu heestaa, intaaba waad i ogayd oo waa kii  b aadh ii bixi waayey, ma kibirbaan dadka uga go'ay, maxaan la hortagaa? Intaasaan  maq naa oo adigaan ku weydiistaa shaaha aan makhaayadda ka cabbayo, maxaan hayey? Wixii hore tiigsimaad mallaha ee markaan tago, waxa iga danbaynaysaan ba waa saddex bilood, inta aan guri idiin dhisayo, ee aan gaadhi idiin diyaarinayo ayuunbaad iga danbaysaan.

- Waxaan ku weydiiyey, ma qaad badan baad xalay cuntay? Mise qaadkii baad wax kale ku dartay?

- Maxaad u jeedaa?

- Dee igulama hadlaysid miyirqab ee, ma ninkaaga wax ba ka qabsan kari waayey  Lond on oo dadna tahriib u soo galaan, baa maanta halkii laga soo cararayey, guryo ka  dhis aya, Wax maanka gala igula hadal.

- Cutiya, i maqal, sirta dawladda bannaanka ha iga soo wada dhigine, waxa aan ku idhi, saaka ayaa tilifoon la igula soo hadlay, waaba madaxtooyadii Somaliland, dee soo bax baa la i yidhi, waxkastaana waa kuu diyaar baa la yidhi, gaadhigii, gurigii dee adigu  wax kasta, oo loo baahnaa, waa diyaar. Waxa la ii magacaabayaa wasiirka dharka iyo  kaba ha ee Somaliland. Dee farxad weeye, oo aynu illawno wixii dhib innaga qabsaday halkan.

- Ma adigaa laguu magacaabay wasiir! ma adiga oo waayo dadkii miyey madheen-
- Waar bal ibtiladan iyo lama aragtan eega! Sowtii aad igu canaanan jirtay qayrkaa waa wasiiro, maxaa dhacay ee ku bedelay, oo adigaaba ka naxaya ee maxaad u malayn  qolo oyinkii Mafrishka 15 ka sannadood aanu wada fadhinney. Waaba cidba ha u sheegin.

Dhible, waxa uu ka baxay gurigii, isagoon dhankaa iyo dhankaa midna eegin ayuu  waxo ogaa lacag ah oo loo soo dhigay Dahabshiil ka qaatay. Diyaaraddii buu goostay, Dubay buu sii maray. Mise waaba Hargeysa. Waxa ugu danbaysay 1988kii bishii julay  badhtan keedii. Dib uguma uu soo noqon. Markii uu dayuuraddii ka degey, baa askari dayuuradda hoostaagani kuyidhi: Waar ninkani ma Dhiblaa! Haa waa isagii ee adeer isu kay sheeg. Waa la ii kaa soo diray oo waxa la yidhi, dhinaca VIP-iida gee.. Waxa ku sugaya wasiirkii dhagaxaanta iyo ciidda iyo wasiirkii Furshaanta iyo barkimooyinka. Yaa adeer ma anigaa cid-ba la soo hadlay. Soo soco. Mise waxa loo taaganyahay ba saf dheer. Koonaha midig ayuu salaan kaga soo bilaabay. Midkastaba marka uu salaamayo, ayuu magaciisa oo saddexan iyo masuuliyadda uu hayo sheegaa.

Waa wasiirkii dhagaxaanta iyo ciidda, waa kii Furshaanta iyo barkimooyinka, waa kii  dun dumooyinka, markuu halkaa marinayo ayuu Dhible gacantii kala booday" Acuudu billaahi minasha..." Dundumooyinka aa, waar sawtii la odhan jiray ha u dhowaanina, yaan la idin derderine. Qosol baa loo dhacay, waar show qurbahaad ku raagtay, waar  dundumooyi nku kuwaad moodday maaha'e wasiirka salaanta ka qaad. Markii salaantii dhammaatay baa la geeyey qol ay yaalliin fadhi aad u quruxbadan oo si fiican u sharraxan. Bun  maca an baa loo keenay, waa la sheekaystay. Wasiiradda waxa ku jira, nin si fiican u  garana ya Dhible, balse isagu aanuu garanayn. Waaryaahe Dhible, ma i garanaysaa? Maya! dee maxaanu garanaynaa maskaxdayadiiba miyey joogtaa. Inna ma xasuusantahay  Mafrish kii dabaqa dheer hoostiisa ku yaallay ee dee xaafaddii Hawada Sare/London. Haa, sidee baanaan u garanayn, miyaad fadhiisanjirtay, oo ma anigaaba ka kici jiray. Magacii  miya ad bedeshay? Haayoo, waxa aad ii taqaanay Maxamuud yare. Waar ma ninkii yaraa ee muqayilka ahaabaa. Oo malaa wasiirada waabaan wada garan doonaa.

Ilaa saacad dabadeed baa la keenay hudheel aad u quruxbadan, qolkii loo sii diyaariyey buu galay. Waar dhible, miyaanaad shandado sidan.? Ma anigu waar mayee waan  sitay e, Dubay bay igaga xadeen. Dee waa ku kaa, ee iska naso.. Mabuu nasane, taleefan buu qabsaday, si uu ehelkii iyo qaraabadii u soo salaamo. Haloow, waa kuma waa Dhible'e.

Ma londhan baad ka soo hadlaysaa, hadalkaagaba maanu maqale muddo dheere. Mayee Hargaysaan idinla joogaa. Qaraabo iyo Ehel intii uu ka gaadhi karayey ayuu soo maray. Maalintii danbe ayuu u yimi Maxamuud yare. Inakeen, ballan baa lagaaga sameeyey mad axweyanaha'e. Yaa ma durbaba, oo sawtii la lahaa waa mashquul. Waar adiga cidi kaa m ashquulimayso'e oo warkaagaa la hayey in muddo ahba'e, soo dhakhso.

Kabihii buu degdeg u xidhay. Rubucsaace ka dib waxa uu Dhible horfadhiyaa  madaxwey nihii. Asalaamu calaykum, wacalayku wa salaam. Ma ninkii warkiisu nagu bataybaa. Yaa madaxweyne , maxaad tidhi?

Dhible wuu naxay, oo is yidhi, waa maxay warkan uu sheegayaa. Hadana is giiji oo wuxu u yidhi, hawlahayga iyo dedaalka ayaa iska badnaaye, maxay yidhaahdeen. Mayee waxa aanu haynay, ma aragtaayey, in aad aad u dedaal badantahay oo aad tahay muwaadin u dhega nugul dawladdiisa iyo dadkiisaba. Laga bilaabo, maanta waxa aad tahay wasiir ka dharka iyo kabaha, sidii aanu tilifoonka kaaga sheegnay. Waxa aan ku weydiiyey  ma daxweyne, markii hore kamabaan fikirine, dharka iyo kabaha maxaa lagu samaynayaa. Madaxweynihii iyo laba nin oo ag fdhiyey baa qosol la dhacay! waar waa nin qurba ku ra ag ah, kabaha iyo dharku kuwii aad taqaannay maaha.. Yaab iyo amankaag, waar xero jin baanu soo galnay ayuu hoos u yidhi, Dhible. Waa yahay madaxweyne. Hawshana be rri ayaad bilaabaysaa. Waa tahay. nabadgelyo.

Dhible wuu soo baxay, wuxuu weydiiyey Maxamuud, waar Xafiiska wasaaraddu waa halk ee. Xafiis ba ma laha ayuu ugu warceliyey. Wuxuu intaa u sii raaciyey, waar duruufaha la qabso, oo dantaada ka raac iska dhaaf su'aalahan badan. Waan gartaye adigu berigii waanu ku weynay uun, ee goormaad timi dalka? Maxamuud baa yara ilka caddeeyey, oo berigii waxa aynu ku jirnay huuhaa iyo mucaaradad aan shaqaynayn, waatii la ila taliyey ee la igu yidhi waar xagganay ka dhowday. Maalintaa laga bilaabo ayuunbaan bilaabay xidhiidh aan ku baranayo madaxda dalka, dee sidaan kolba jaranjaro u sii koraayey waa anigaa isla helay, gaadhi, guri iyo kharash aan xisaabsanayn. Reerkiina dee london bay caydha qaataa.

Waxa aad iiga warrantaa ninkii Dhiblaawe ma aragtay in muddo ah xaggan buu soo  jira ye. Haa waan arkay, ninkaasi waxba ma kala oga, dhalliil aan meel gaadhayn buu  makh aayadaha la fadhiyaa oo halkaasuu dawladda ka caayaa. Waar haaye ninka saaxiib baa nu nahaye ila doono...................La soco qaybta danbe

 

 

Qore: sayid M Yuusuf
gacanlibaax2001@yahoo.se