PRESS RELEASE:Xoghaye Cusub Oo Loo Magacaabay SDWO

 

Gudoomiyaha ururka Somaliland Democracy Watch Organisation (SDWO)Guled Cabdi Sheekhaash ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Shiine Cilmi Kaahin inuu noqdo Xoghaya Cusub ee SDWO ka dib markii uu xoghayahii hore Mukhtar Axmed Sheekh Adan - Taysa uu ka degay xilkan ka dib markii loo magacaabay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee waqooyiga London.

Dastuurka SDWO ayaa si cad u qeexaya in masuulkii ka dhexmuuqda xisbi ka mid ah xisbiyada qaranka inuu xubinimadiisa si toos ah u waayayo maadama SDWO uu u dhexeeyo dhamaan qaybaha kala duwan ee siyaasada dalka iskaga soo horjeeda, sidaas darted ayaa xoghayahii hore isagoo qodobkaa tixgelinaya uu na soo gaadhsiiyey is casilidiisa.


Gudoomiyaha ayaa xoghayahii hore uga mahadnaqaynaa mudadii dheerayd ee uu ururkan la soo shaqeeyay, islaa markaana xogahayan Cusub Shiine Cilmi kaahin ilaahay uga beryey inuu u fududeeyo xilkan cusub ee loo magacaabay isagoo mudo aad u dheer la shaqaynayey SDWO oo ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Somaliland isla markaasna ah madaxa sare ee xafiiska wararka ee Hargeysa (SDWO News Desk - Hargeisa). Shiine waxa kale oo uu yahay iskuduba ridaha waaxada Samafalka ee SDWO Releif Projects oo uu aad uga shaqeeyay sidii cawimooyinka ururka soo gaadha ay u gaadhi lahayeen meelaha loogu soo talogalay.

 

 



Long Live Somaliland
 


Guled Cabdi Sheekhaash

Gudoomiyaha SDWO.COM